26th July 2024  admin  Category :

Quba joogta ka soo jeeda Sool iyo Sanaag , ayaa soo dhoweeyey Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne k/xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumar Camay,  oo  lagu hakiyay dhammaan howlihii doorashooyinka Xubnaha Aqalka hoose ee Barlamaanka federaalka ee ka soconayay magaaladda Garoowe .

Wareegtada oo toos ugu socotay Guddiyadda doorashooyinka Heer Federaalka iyo heer maamul Puntland ayaa lagu sheegay in doorashadda la hakiyay ilaa iyo inta wax laga qabanayo qaabka loo qaybinayo xubnaha aqalka sare ee Goboladd Waqooyi ee Soomaaliya

“ iyada oo la tixraacayo warqadii ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland, kuna taariikhaysan 25/11/2016, ujeedadeeduna ahayd hakinta doorashooyinka barlamaanka ee ka socda Puntland ilaa wax laga qabto qaabka loo qaybinayo xubnaha aqalka sare ee Gobolada Waqooyiga Soomaaliya” ayaa lagu yiri Wareegtadda.

Wareegtadda waxaa lagu amray guddiga doorashada dadban ee heer Puntland inay joojiyaan howlaha doorashooyinka ee ay ka wadeen magaaladda Garoowe ilaa iyo amar dambe.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*