27th July 2024  admin  Category :

Shirkii Telefoonka ee Qurba joogta reer Maakhir maalintii shalay maxaa ka soo baxay?

Maalintii shalay quba joogtii reer Maakhir ee isugu jiray Rag iyo Dumar,  oo   ka soo qayb gal khadkii telefoonaka ay ku balansanaayeen, dhamaantood  waxay ahaayeen dad ka damqaday dhibta ay abaartu ku hayso degaanaddi ay ka soo jeedeen iyo guud ahaan Soomaaliya. Waxayna  diyaar u ahaayeen una diyaar garoobeem  iyaga oo daacad ka  ah  in dadkaa dhibaataysan oo haraadka iyo gaajada la il daran, sidii   ay kaalmo deg deg ah u  gaarsiin lahaayeen .

Hadaba intii fursadda u wayday ama mar kale ka war heshay  in shirka telefoonku jiro, ha  la xiriireen  Odayaasha magaalada ay joogaan   ama Guddiyada ay  leedihiin.

Ugu danbayntii Shirkii shalay siduu ku bilowday ee wacyi gelinta , walaaltinimada iyo ismaqalka la is dhegaysanayey  ayaa ahayd bilow wanaagsan . Insha Allah balantii la qaadayna guul ayeey ku dhamaanaysaa iyo la Ururiyo lacag tiro badan oo aan horay cadadkeeda loo ururin.

Qofkii reer Maakhir ee ka qayb qaadan waaya Qaaraanka iyo shiraraka ha ogaado. In Maakhirnimadu ahayn guri la soo galo oo laga baxo’. Ha naqon Tuke canbaar leh ee kaalmee walaalkaaga Soomaaliyeed ee  dhibaataysan”

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*