2nd May 2024  admin  Category :

Qorsheel oo shir gudoomiyay shirka shaqaalaha xarunta dhexe.

Garoowe: 13 April 2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka dawladda Puntland mudane Siciid Jamac Qorsheel oo uu wehelinayo wasiir kuxigeenka Dr Abdirsashiid Xassan Jamac ayaa maanta shir gudoomiyay shirka shaqalaha xarunta dhexe.

Shirkaan oo bishii mar qabsooma ayaa waxaa la isku weydaarsadaa habsami usocodka shaqada iyo dardargalinta hawlaha mudnaanta uleh wasaaradda, waxaa sidoo kale maanta loogu talagalay in shaqalaha la baro lataliyaha madaxweynaha ee dhanka caafimaadka Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey (dhagaweyne) ahna wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka dawladda Puntland.

Mudane Siciid Jamac Qorsheel Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Puntland oo shirka ka hadlay ayaa yiri:-

“ Waxaan ugu horayn umahadcelinayaa shaqaalaha wasaaradda caafimaadka sida hawlkarnimada ah ee ay adeega caafimaad ugaarsiisaan dhamaan deegaanada ilaa miyiga fog ee Puntland, waxa kaliya ina horyaala shirkaan aan iskugu nimid Inaan kor usii qaadno shaqadeena iyadoo deegaamada qaarkood ay ka jirto cudurada faafa sidoo kalena la sugayo roobkii oo ay dhici karaan in cuduro ka dhashaan.

“Shirka waxaa maanta inagala soo qayb galay lataliyaha arimaha caafimaadka madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdirahmaan Siciid Gacamey ahana wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka waxaan ku faraxsanahay inuu qayb ka noqdo shaqada caafimaad ee socota kuna soo kordhin doono aqoontiisa iyo khibradiisa, waxaa sidoo kale la doonayaa in madaama laga soo noqday ciidii la laba jibaaro shaqada socotay lana ilaaliyo waqtiga shaqada.”

“Shirkaan waxa uu noqon doonaa mid joogto aan iskugu arki doono iskana xog waraysan doono markasta hawlaha ina horyaala.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*