1st May 2024  admin  Category :

Miyaa laga maarmay Nidaamkii 4.5 ee awalba xaaraanta ahaa ee Soomaalidu si ay ku sii wada joogto wax ku qaybsan jreen,

Maanta waxa banaanka yimid ceeb aan Soomaalidu intoooda badan ogayn ama ka war hayn oo ahayd in wasaaraddii arimaha dibadda iyo Gudaha Soomaaliya ay wada hayeen beesha Madaxweynaha, gaar ahaan garabka xag jirka ah ee Hawiye Actio Group.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka la wareegay, iyada oo uu ku wareejiyey sii-hayihii ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cali Cumar (Cali Balcad). Labadan Xag jir ayaa ka soo wada jeeda beesha Madaxweynaha. Waxayna isku wareejiyeen waraaqihii la doonayey sida ay howahu u siisocoto, wasaaradan ay halka reer isku koobeen

Halka Wasiirka arimaha gudaha la magcaabay Cali Xoosh, isaga waraaqo dawladeed uuna ku wareejin Wasiirkii hore Fiqi, hase ahaatee afka looga sheegay fariinta uu kaga howl gelayo degaanada Puntland iyo howsha uu qabanayo . Cali Xoosh ayaa shaqadiisu noqon doonto anagaa “Garowe anagaa leh. o ah sababta oo xushay iyo shaqadaas oo uu ku fiican yahay. Cali Xosh waxa lagu wareejiyey oo kale shaqaalihii uu horay u qoray wasiir Fiqi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*