25th October 2024  admin  Category :

Madaxda Soomaaliyeed marka ay   leeyihiin ” Somaliland  Ma beesha Isaaq ayeey ka hadlayaan mise bulshada Soomaaliyeed ee gobolada waqooyiga Soomaaliya.

In badan oo ka mid ah Bulshada gobolka Sool,   maanta waa laga  barakiciyey guryahoodii , in badan oo kale iyaga oo guryahooda jooga ayeey cabsi ku nool yihiin, kuwo kale waxa lagu khasbayaa inay taageeraan Somaliland oo doonaysa inay Soomaali inteeda kale ka go’aan.

Somalilandtii doonaysay inay dalka Soomaaliya  kala gooyaan, xasuuqa Soomaaliyeedna  gaysatay, Somalilandtii samaysay barakicintii   Isir nacaybka ahayd , taageertay  alshabaabka Buurha Calmadow, dhowaana soo weerartay Puntland, ayaa madaxweynhii Soomaliya wuxuu hawada u soo  mariyey fariintan

“Waxaan caddeynayaa in dawladdeydu ay diyaar u tahay in la lafa-guro oo miiska la soo dhigo wax kasta oo lagu kasban karo kalsoonida shacabka Somaliland, laguna bogsiin karo dareenkooda, si wada jir ahna loogu sixi karo qaladaadkii keenay duruufaha maanta jira.”

Markaad qoraalkan akhrido waxa kaaga soo baxay in madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo  uu garab siinayo kuwii dalka kala go’ aynayey,  uuna  doonayo inuu kasbado qalbiyadooda nacaybka SOOL iyo SANAAG  buuxo . Sidaas awgeed bulshada gobolada Sool iyo Sanaag waa in ay canbaareeyaan hadalka aan laga fiirsan  ee Maareeye u soo dhiibay madaxweynaha Soomaaliya. Bulshada  ku nool Buuhoodle, Badhan,  Laascaanood, Xudun, Dhahar oo maanta dhiig u daadinaya   midnimada Soomaaliya iyaga madaxwene Farmajo ma soo hadal qadin

Madaxda Beesha Isaaq horay ayeey u diideen in guddiga qaban qaabada lagu soo daro xubno ka soo jeeda beesha Daarood

https://allsanaag.com/beesha-daarood-oo-ka-maqan-guddi-la-magcaabay/

 

Image may contain: 1 person

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*