26th December 2024 admin Category :
Madaxda Soomaaliyeed marka ay leeyihiin ” Somaliland Ma beesha Isaaq ayeey ka hadlayaan mise bulshada Soomaaliyeed ee gobolada waqooyiga Soomaaliya.
In badan oo ka mid ah Bulshada gobolka Sool, maanta waa laga barakiciyey guryahoodii , in badan oo kale iyaga oo guryahooda jooga ayeey cabsi ku nool yihiin, kuwo kale waxa lagu khasbayaa inay taageeraan Somaliland oo doonaysa inay Soomaali inteeda kale ka go’aan.
Somalilandtii doonaysay inay dalka Soomaaliya kala gooyaan, xasuuqa Soomaaliyeedna gaysatay, Somalilandtii samaysay barakicintii Isir nacaybka ahayd , taageertay alshabaabka Buurha Calmadow, dhowaana soo weerartay Puntland, ayaa madaxweynhii Soomaliya wuxuu hawada u soo mariyey fariintan
“Waxaan caddeynayaa in dawladdeydu ay diyaar u tahay in la lafa-guro oo miiska la soo dhigo wax kasta oo lagu kasban karo kalsoonida shacabka Somaliland, laguna bogsiin karo dareenkooda, si wada jir ahna loogu sixi karo qaladaadkii keenay duruufaha maanta jira.”
Markaad qoraalkan akhrido waxa kaaga soo baxay in madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uu garab siinayo kuwii dalka kala go’ aynayey, uuna doonayo inuu kasbado qalbiyadooda nacaybka SOOL iyo SANAAG buuxo . Sidaas awgeed bulshada gobolada Sool iyo Sanaag waa in ay canbaareeyaan hadalka aan laga fiirsan ee Maareeye u soo dhiibay madaxweynaha Soomaaliya. Bulshada ku nool Buuhoodle, Badhan, Laascaanood, Xudun, Dhahar oo maanta dhiig u daadinaya midnimada Soomaaliya iyaga madaxwene Farmajo ma soo hadal qadin
Madaxda Beesha Isaaq horay ayeey u diideen in guddiga qaban qaabada lagu soo daro xubno ka soo jeeda beesha Daarood
https://allsanaag.com/beesha-daarood-oo-ka-maqan-guddi-la-magcaabay/