28th March 2024  admin  Category :

Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta la kulantay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya danjire James Swan. Ayagoo ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30%, ilaalinta xuquuqda aadaha xilliga doorashada iyo arrimo kale oo muhiim u ah iyo xoojinta wada shaqeynta wasaaradda iyo hey’adaha Qaramada Midoobay ee wasaaraddu bah-wadaagta yihiin.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wadahadlay dardar gelinta shaqada xarunta u qareemidda qoonddada haweenka ee ugu yeraan 30% oo dhowaan wasiirku xarigga ka jartay.

Kulanka ayaa imaanaya, xilli wasaaradda haweenka waddo dadaalo ay ku xaqiijinayso qoonddada haweenka ee 30% oo ay ku leeyihiin baarlamaanka 11 aad ee doorashadiisa loo madlan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*