27th July 2024  admin  Category :

Goodax Bare oo sheegay in Beesha Xawaadle cuna qabatayn doonto Puntland. 1991 markii laga soo qaxayey Muqdisho ayaa siyaasiyiinta Hiiraan waxay oran jireen waa xasuuqaynaa dadkii u qaxayey Bari. Waa kaga dhabeeyeen balan qaadka xasuuqaas, xasuuqii ugu xumaa ee taariikjada Soomaaliya waxa uu ka ka dhacay 1991 gobolka Hiiraan. Isu ekaa 1991 2020. Laakiinse Jeete iyo Goodax ma oga in sanadku ahayn 1991

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax-barre ayaa sheegey in uu ka walaacsanyahay xiisad dhaqaale oo ka dhexjirta Puntland iyo Gobolka Hiiraan:

Wasiirka Waxbarashada oo xoojinaya hadallkii Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo ay beel ka soo wada jeedaan ayaa yidhi sidan:

“Waxaan aad uga walaacsanahay xiisadda dhaqaale dirirka ee Puntland iyo Hiiraan.

Waa nasiib darro in masuuliyiinta Puntland ay cunaqabateen dhanka raashinka duruuriga ah ay saareen deegaanada isticmaalo Dekedda Boosaaso.

Talaabadan Puntland qaaday waxaa ka dhalan kara cunaqabateen dhaqaale ee goboladu isku soo rogaan, taas oo ugu danbeyntii cuuryaamin doonta nolosha muwaadiniinta, haba ugu darnaato deegaanada Puntland iyo Dowlad Goboleedka Puntland.

Waxaa ila haboon in Dowladda Puntland ay dib uga fiirsato, inta ganacsatada reer Hiiraan aysan sahansan ila kale iyo inta maamulka Hiiraan aysan duldhigin cunaqabateen dhaqaale”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*