26th July 2024  admin  Category :


AWOODAHA IYO MAS’UULIYADAHA MADAXWEYNAHA

1. Madaxweynuhu waa madaxa Dawladda (Head of State) iyo madaxa Golaha Fulinta. Madaxweynuhu waa astaanta midnimada dadka reer puntland.

2. Madaxweynuhu wuxuu ka mas’uul yahay difaaca diinta Islaamka, Dastuurka iyo Shuruucda dalka.

3. Madaxweynuhu waa Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.

4. Madaxweynuhu, isaga oo la tashanaya Madaxweyne ku-xigeenka wuxuu soo dhisayaa Xukuumadda 21 beri gudahood laga bilaabo markii la doortay. Madaxwynuhu wuxuu Xubnaha Xukuumaddiisa ka dhex xulan karaa Golaha Wakiillada iyo dibaddiisaba.

5. Madaxweynuhu, isaga oo la tashanaya Madaxweyne Ku-Xigeenka, wuxuu awood u leeyahay in uu magacaabo ama xilka ka qaado Xubnaha Golaha Wasiirrada, madaxda hay’adaha madaxabannaan iyo madaxda kale ee Dastuurka ama shuruucda kale u oggol yihiin.

6. Madaxweynuhu wuxuu curiyaa ama oggolaadaa, si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka, siyaasadda xukuumaddiisu fulinayso ee la xiriirta waaxyaha maamulka guud, fulinteedana ku kormeeraa iyadoo ay ujeedadu tahay in dadweynaha Puntland gaaraan horumar dhaqan-dhaqaale oo dhan kasta ah.

7. Madaxweynuhu wuxuu galaa wada-xaajoodyada la xiriira shuruudaha Dawladda Puntland uga qayb galeyso Jamhuuriyad Soomaaliyeed ee Federaal ah, wuxuuna la saxiixayaa Dawladda Federaalka ah heshiis, kaasoo u baahnaan doona in laga ansaxiyo (ratification) Golayaasha Xukuumadda iyo Wakiillada.

8. Madaxweynuhu wuxuu amraa, horana u mariyaa xiriirka caalamiga ah ee Puntland, wuxuuna ka xaajoodaa dabadeedna saxiixaa heshiisyada caalamiga ah.

9. Madaxweynuhu wuxuu si rasmi ah u qaabilaa wufuudda ajnebiga ah ee Puntland soo booqda, wuxuuna u aqoonsadaa in ay marti dawladeed yihiin.

10. Madaxweynuhu wuxuu billado iyo shahaado sharafyo guddoonsiiyaa muwaadiniinta Puntland iyo kuwa ajnebiga ah ee mutaysta.

11. Madaxweynuhu wuxuu leeyahay awoodda saamaxaadda iyo cafiska dembiyada siyaasadda iyo kuwa kaleba. Labada xaaladoodba waa in uu Madaxweynuhu ka talo qaataa sharciyaqaan. Madaxweynuhu cafis uma fidin karo dambiile ay shareecada Islaamku ku xukuntay qisaas.

12. Madaxweynuhu wuxuu furaa, hadalna ka jeediyaa kalfadhiyada Golaha Wakiillada.

13. Madaxweynuhu wuxuu soo saaraa xeer xaalad degdeg ah si uu uga hortago dhibaatooyinka ciribdambeed-xumadu ka dhalan karto, sida:

(b) Musiibo dhacday, sida abaaro, duufaan, daadad, iwm.

(t) Dagaal sokeeye ama dagaal ay Dawladda Puntland ku dhawaaqday, ama

(j) Rabshado/kacdoon gudaha ah ee loola jeedo in lagu dumiyo jiritaanka Puntland.

14. Madaxweynuhu wuxuu ku khasban yahay in uu xeerka xaaladda degdegga ah afartan iyo shan (45) maalmood gudahood ku horgeeyo Golaha Wakiillada si uu u ansixiyo, sida uu qabo qodobka 28aad ee Dastuurka.

15. Madaxweynuhu wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqaa taariikhda Hay’adda Doorashadu u astaysay qabashada doorashada.

16. Madaxweynuhu wuxuu soo saaraa xeer (by-law) qeexaya in la fuliyo shuruucda Golaha Wakiilladu gudbiyeen. Ma jiri karo xeer ka horimanaya sharci Golaha Wakiilladu gudbiyeen.

17. Madaxweynuhu wuxuu ku hawlgalayaa mas’uuliyadaha kale oo dhan iyo awoodaha kale ee sharciga Puntland u ogolaanayo.

18. Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, kadib marka uu u gudbiyo Golaha Wasiirrada. Wuxuu kaloo magacaabayaa Garsoorayaasha Maxkamadaha Caadiga ah, kadib marka uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare soo jeediyo.

19. Madaxweynaha wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha, Garsoorayaasha iyo Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Qodobka 81aad

AWOODAHA IYO MAS’UULIYADAHA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA

1. Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu qabtaa xilalka maamulka ee Madaxweynaha marka uu dalka ka maqan yahay, ama uusan si ku meelgaar ah xilkiisa u gudan karin.

2. Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu kala taliyaa Madaxweynaha mgacaabidda iyo xil-ka-qaadista Wasiirrada, Wasiir Ku-Xigeennada iyo Saraakiisha sarsare ee Dawladda.

3. Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu fuliyaa hawlaha Madaxweynuhu u wakiisho oo aan ka baxsanayn hawlaha Madaxtooyada.

4. Madaxweyne Ku-Xigeenka waxaa loo dhaarinayaa xilka Madaxweyninimo, haddii uu Madaxweynuhu geeriyoodo, iscasilo, xilka laga qaado ama ay la soo gudboonaato xaalad xil gudasho la’aan joogta ah, wuxuuna haynayaa inta ka harsan muddadii xilka Madaxweynaha.

5. Haddii ay dhacdo xaaladda ku xusan faqradda 4aad ee qodobkan, Golaha Wakiilladu waxa uu 30 maalmood gudahood ku soo dooranayaa Madaxweyne ku-xigeen cusub.

6. Haddii Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenkiisu ay isku mar geeriyoodaan, is wada casilaan ama xilka laga wada qaado, waxaa xilkooda sii qabanaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada inta laga soo dooranayo Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-Xigeen cusub, muddo soddon (30) maalmood gudahood ah.

One thought on “Qodobka 80aad iyo 81aad ee Dastuurka Puntland

  1. Oday

    Meeshu waa maqaayad qqbiil leeyahay. Waana isbaaro loo dhigtay Soomaaliya. Axmed karaash wuxuu raalli ku ahaa booskaas reer hebel baa iska leh kaas kalena reer hebel baa leh, goorma ayey dawlad ula ekaatay marka uu leeyahay dastuur baa jira, xagee bey kaga qoran tahay dastuurka qabiilkaasi booskaas ayuu leeyahay oo meel kale ma qaban karo? Karaash iyo dhoobo, terms, ay aqbaleen oo ku shaqeynayeen baa qaraar la noqday.
    Waxay ahayd mar hore in wax laga qabto sad bursiga, qabiilka iyo kooxda Soomaaoidiidka ah oo danaha qabiilkooda ka shaqeysa lkn inta la ogolaado oo dadka loo gumeeyo hadhow markay adiga ku cunaan inaad tiraahdo waawarey dhurwaa baa i helay adeerayaal cid kaa maqlaysaa ma jirto

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*