8th February 2023  admin  Category :

Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa lagu beegsaday odayaal taageersan Wasiir Jamaal Maxamed. Odayaasha qaraxa lala beegsaday oo ku qayilayey maqaaxi kutaal magaalada ayaa kamid ahaa odyaal shalay taageero u muujiyey wasiir Jamaal.

Hadaba, qaraxa ayaa ah mid ay siyaasad ka danbeeyso, waxeeyna u egtahay mid ay soo abaabulleen maamulka uu hoggaamiyo Siciid Deni. Arrintan ayaa u muuqata mid lagu cabsi gellinayo cid kasta oo taageersan wasiir Jamaal.

Kuraasta ay leeyihiin Cismaan Maxamuud, Cumar Maxamuud, iyo Ciise maxamuud ayaa ah kuwo faraha looga qaaday in ay soo xushaan cidda ay rabbaan odayaashooda, balse Siciid Deni uu doonayo in beelaha kalle kuraastooda uu u magacawdo shaqsiyaad jeebka ugu jira.

Hase ahaatee, waxaa muuqata in beelaha kale ay indhaha kalla hayaan ayna diyaar u yihiin sidii ay kuraastooda iyaga u soo xullan lahaayeen. Siciid Deni oo ah ninkii dagaalka ka riday magaaladda Boosaaso ayaa waqtigan ku sii jeeda magaaladaas.

Siciid Deni in uu booqdo magaalada Boosaaso, ma’ahan mid wanaag xambaarsan, sababtoo ah hadii uu booqanayo magaalada Boosaaso waxa uu booqan lahaa markii ay magaaladaas ka dhaceen dagaalka kadib si uu arrinta u dejillo, balse maanta oo uu kuraas doon yahay ayuu booqanyaa magaaladaas.

Hadaba, beelaha kuraasta iska leh waxaa la gudboon in iyaga ay isku afgartaan cidda ay doonayaan in ay baarlamaanka u diraan, balse kuraasta aysan noqon kuwo Siciid Deni uu jeebka isaga shubto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*