27th July 2024  admin  Category :

Qarax qasaaro geystay oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Qarax loo adeegsaday gaari nuuca raaxada ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaana afaafka hore ee Maqaaxi lagu magacaabo Blue Sky oo ku taala agagaarka taalada Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho.

Gaariga laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lasoo dhigay illinka hore ee maqaayadda, waxaana qaraxa ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey labo ruux ayaa ku dhimatay qaraxa lix kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, iyadoo uu jiro qasaaro hantiyadeed oo ka dhashay qaraxaasi.

Ciidamada amaanka ayaa goobta soo gaaray iyada oo iminka ay socdaan baaritaano ciidanka amniga ay wadaan.

img_4755img_4756img_4758img_4762img_4767img_4769img_4771img_4780img_4782img_4783img_4784img_4786img_4787img_4788img_4790img_4791img_4792img_4793img_4794img_4795img_4796img_4797img_4798img_4799img_4800img_4801img_4802img_4803img_4805img_4806img_4811img_4812img_4813img_4814img_4815img_4816img_4817img_4818img_4819img_4820img_4821

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*