27th July 2024  admin  Category :

Afey oo loo magacaabay Ergeyga Qaramada Midoobey ee Qaxootiga Soomaaliya

Qaramada Midoobey ayaa markii u horeysay Ergey gaar ah u magacawday Arrimaha Qaxootiga Soomaaliya, si loo hubiyo ammaanka qaxootiga, xilli kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen dowladda Kenya inay dooneyso in si qasab ah ku xirto xerada qaxootiga ugu weyn Caalamka ee Dadaab.

Danjire Maxamed Cabdi Afey oo hada haya xilka Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ayaa loo magacaabay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga Soomaaliya, isagoo ka shaqeyn doono   dadaalka dib u celinta qaxootiga iyo xal u helida magangalyada dadka qaxootiga heer qaran iyo heer gobolba.

Mr Afey ayaa sidoo kale ka shaqeyn doona sidii dadka dib loogu celinayo Soomaaliya loogu abuuri lahaa mashaariic horumarineed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*