7th September 2024  admin  Category :

Wasiirkii hore ee qorsheenta Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa ka badbaaday qarax qabsaday gaari uu la socday isaga oo maraya waddo ka mid ah waddooyinka magaalada Boosaaso. Ma jirto cid ku dhimatay, balse waxaa ku dhaawacmay hal askari oo la socday wasiirka.

Qaraxan ayaan la garaneen inuu ahaa mid isaga loola jeeday iyo inuu ahaa mid lagu waxyeeleenayey cid kasta oo wadada isticmaaleeysa.

Dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa faro ba’an ku haya cadawga argaggixisada shayaadiinta ah kuwaas oo dillay kumanaan kun oo qof, dhaawacayna  in intaas ka badan iyo welliba burbur ay u geeysteeen hanta shacab taas oo gaareeysa malaayiin doolar.

Shire Xaaji Faarax oo ka hadlay sidii ay wax u dhaceeyn isaga oo u waramaya Radio Daljir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*