29th March 2024  admin  Category :

Qaniinyo ayaa qaniinyo kaa fujisaa
W(axaa qoray Ahmed Osman, akas A.A Ali)

Dhiiggii Soomaalida ee 25 sano qubanaayey waxaa maanta beddelay  dhurwaa iyo yeey dharaar cad ku diiraneyso.

Sida aad ogsoon tahay,  guuguulihii iyo giddi habar-dugaagba ee ka ciyi jirtay dhammaan keymaha geyiga Soomaaliyeed, waxaa maanta beddelay jugta iyo guuxa saanadeed ee ay nagu garaacayaan kuwa isku bahaystay naceybka iyo gumaadka ummadda Soomaaliyeed.

Haddaba, haddii gododkii waraabaha iyo halaqyada ay ka soo jeedaan Alshabaab, Mooriyaan, Barre Hiiraale,  mid Saacid Hurdaaye ka sii daran, Xassan Culusow iyo laaluushqaateyaal xildhibaan, walaalow, maxaad iigu diganeysaa haddaan u ooyey  nabaddii, sharcigii, sharaftii iyo karaamadii  ummadda Soomaaliyeed ee cirka lagu laalay.

Adeer, miyaadan arag, hooyada Soomaaliyeed ee inta ninkeeda hortiisa  lagu kufsaday, kadibna ay maxkammad ee waddan Muslim ah ay iyadii xabsi ku xukuntay, kii dembiilaha ahaana abaalmarin iyo dallacaad darajo lagu dhoobay.

Adeer, guri aad u qurxoon baa waxaan ka dhistay Xamar oo waagii hore ee la oran jirey Muqdisho. Hadda, aniga iyo carruurteydaba dibaddaan wareegna sidii dugaagiiye,  gurigii aan dhisteyna waxaa ku mushaaxayaa rag kale oo aan abaal iyo aqoonsi midna ii quurin.

Waa runtaa,  Cabdi Weli waa ninkii soo dhisay distuurka federaaliga wuuna ku mahadsan yahay, illaase maanta yaa maalayaa sharcigii iyo distuurkuba.

Adeer, sidii gurigeyga loo bililiqaystay ayaa  sharcigii iyo distuurka aad sheegeysid loo galay, ee haddaad booddid ama dhacdid waxba kama qaban kartid ee bal yaabkaasi ogow.

Midda kale, distuurka aad sheegeysid soo ma aha kii uu qoray Xoosh Jibriil oo sarkhaansan. Haddaba, wuxuu ahaan lahaaba, nin Culusow la baxay ayaa intuu jeexjeexay kadibna musqusha la aaday oo ………… (fadlan ii dhammaystir). Haddaba, distuurka uu sidaasi Culusow u gelayey, hadduusan ahayn distuuri wacal ah (illegitimate constitution)  muxuu marna Cabdi Weli uga hadli waayey, mise Faroole ayaa looyar  ama macallin u ahaa?

Adeer, Cabdullaahi Yusuf (Ilaah ha u naxariiste) waa tii isagoo Madaxweyne ah loo tarxiilay Baydhabo, laguna yiri “ar hooy, Xamar uma aadan dhalan ee wur, halkaasi soo dhaaf”.

Waxaa la  yiri ‘qaniinyo ayaa qaniinyo kaa fujisaa’ ee Cabdi Weli sidee buu Xamar muddo dheer ugu noolaa hadduu isna markiisa uu waraabuhu qaniini jirin?

Runtii, aad baan u nacbanaa Faroole, waayo isla markii uu yimidba wuxuu qashinka ku daray wasiiro iyo madax kale oo aanu saaxibbo ahayn, waxaana la igu yiri sida ‘Yahuudda’ oo kale ayuu Absamaha iyo Daaroodka kale u naceb yahaye ee iska ilaaliya.

Anoo aqoon ama eex iga ahayn, waxaan aaminsanaa in Faroole uu wax badan Puntland u qabtay sidaasi awgeedna uu si sahlan ku soo laaban doono. Horumarinta, dhisidda geyiga Puntrland iyo middeynta Daaroodka ka sokow, waa ninka keli ee Xassan Culusow iyo jinkiisa inta uu dhalo ku xiray, kadibna ku yiri “waryaa Culusow, Xamar kama soo bixi kartid”, kadibna soo masaxay raadka meel kasta ee uu Culusow adduunka cagta ka saaray.

Waxaa kaloo lagu xantaa, in Faroole uu ahaa ninkii Saacid Hurdaaye siiyey kaniinka hurdada oona seexiyey kadib markii uu afgaran waayey.

Waxaan marnaba illaaweyn, sida qalbiga iyo walaaltinimada buuxda ee uu ugu hiiliyey Jubbaland markuu dhurwaagii usoo dhacay. Culusow markuu daldalanayey meydka mooriyaanta, Dr Faroole waa kii bukaanada Puntland inta isbitaalka ka saaray kadibna ku beddelay dhaawacyadii Jubbaland.

Waxaan Ilaah idinkiisa filayey, goorta Faroole uu soo laabto, horumarka iyo barwaaqada uu dadkiisa u horseedo ka sokow, in uu sameysan lahaa sayruukh iyo dayaxgacmeed kadibna reer Puntland ay dayaxa u casho tegi lahaayeen.

Faroole, aragtidii aan ka qabay aad buu iiga qanciyey, ee walaalkey cabdi Weli hadduu waraabaha uu isna markiisa qaniinayo ama uu si kale nooga dhicinayo, Walle qalbi iyo gacmo furan ayaan kuu soo dhoweyneynaa, waxaanna  isaga iyo shacbiga Puntland u rajeyneynaa guul iyo barwaaqo daa’iman ah.

Adeer, waxaan maqli jirey halku dhegga ‘Hawiye turub baray’, mana aan ogeyn in macnaheedu yahay ‘Hawiye xasuuq iyo dhul boob baray sida Yahuudiiye’. Riwaayadda maanta ka socoto Shabeelooyinka waa tii aanu 1948 ku daawanay Falistiin (Palestine),haddeer Soomaaliya,  wakaasi dadkii dhulka lahaa lagu ooday meelo dhagaxyo waaweyne ee dalalka deriska, oo bahdil, qaxar, gaajo iyo dhib looga dhigay mehered iyo masruuf.

Waxaa la yiri ‘in the land of the blind, the one eyed man is the king’. Haddaba, Madaxda Puntland iyo Jubbaland waxaa laga doonayaa in ay noqdaan waraabe waraabe ah, mas suntiisa aan laga kicin iyo geesino sida nin waalan oo aan marna gadaal usoo jeedsan, xoog, addin, miciyo libaax iyo af soofeysan oo aan soo laabban sida mindida kawaanlaha.

Caliyow, going down to Memory Lane, waad ogsoon tahay halkii arrinta Maamulka Jubbaland iyo Axmed Madoobe aan ka joogay. Fadlan, kuwa weli isla meeshii taagan, waxaad iga gaarsiisaa fariinta ah ‘qofka ugu dambeeyo Jubbaland, fadlan nalka ha soo demiyo (please, may the last person to leave Jubbaland switch off the lights).

Haddaba, su’aashu waxay tahay:
– Mar haddii Dr Cabdiraxmaan Moxamuud Faroole ciida la cunsiiyey
– Mar haddii Culusow iyo jinkiisi dhalada (bottle) laga siiddaayey
– Mar haddii Saacid Hurdaaye lagu beddelay mid ka sii daran
– Mar haddii Axmed Madoobe uu bakhti afuufayo Barre Huuraale
– Mar haddii cirka lagu lalay nabaddii iyo horumarkii Jubbaland laga filayey
– Mar haddii ciidankii Jubbaland inta gacmaha laga xirxiray, kadibna cadowgoodu sida ey gaajeysan loogu soo daayey
– Mar haddii halgan cusub iyo nacasnimo reerkayagu dhex jifo

Caliyow, adiguba caqlaad leedahaye carar maxaa dhaamma?

Thank you!

Waxaa qoray Ahmed Osman, akas A.A Ali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*