26th July 2024  admin  Category :

Kun ka mid ah ciidamada Burundi ayaa la go’aamiyey in laga saaro deegaanada uu ka talliyo maamulka Hirshabeele. Maamulka Hirshabeele ayaa aad ugga xumaaday ka bixitaanka ciidankaas, iyagoo ka cabsi qaba in haddii ay ka baxaan deegaanadooda ay qabsan doonaan argaggixisada Shabaab.

Hadaba, waxaa is weeydiin leh kun will miyaa laga waayey beelaha deggan Hirshabeele sida Abgaal, Xawaadle, Gaaljecel, Jareer  weeyn, Baadicade iyo qabiilada kalle ee deggan deegaankaas? Jawaabta oo sahlay ayaa ah ineeysan waayin kun wiil, balse ay keeni karaan tobban kun oo wiil.

Arrintan iyada ah ma ahan mid heesata deeggaanada Hirshabeele oo kalliya, balse waxaa la mid ah gobolo badan.  Hadaba, dadka deggan Galmudug, Hirshabeele, Banaadir, Koonfur Galbeed, iyo Jubaland ayaa u baahan ineey is weeydiiyaan inta ay ku tiirsanaan karaan ciidamo shisheeye, meesha dadka deggan Puntland iyo maamulka Hargeeysa ay ku filnaadeen suggidda amnigooda, iyagoo aan wax gacan ah ka helleen ciidamo shisheeye.

Arrintan iyada ah ayaa u baahan in la isweeydiiyo sababta keentay in Puntlandi yo maamulka Hargeeysa ay amnigooda u sugteen, meesha kuwa kalle aysan awood u laheen in amnigooda ay sugtaan.

Ciidanka AMISOM ayaa dalka soo galay 2007dii, tiradoodana waa mid ay ka badan tahay labaatan kun oo askari, mana jirto wax horumar ah oo ay soo kordhiyeen. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada AMISOM uma muuqdaan kuwo doonaya ineey ka baxaan dalka Soomaaliya, waxeeyna Soomaaliya ka helleen lacago aysan wadamadooda ka hellin, qalabeen ciidan iyo tababaro intaba.

https://youtu.be/6uegcXeCHGM

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*