26th July 2024  admin  Category :

Haddii Siyaasigii Soomaaliyeed ee  Gobolada kalle ee Soomaaliyeed  ka yimid oo la noolaa bulshada reer Muqdisho sidan loo ugaarsanayo,  halka siyaasiyiintii reer Muqdishana ay iyagu  huteelo isku soo xireen oo ay ku doodayaan in Ciidamada Baurundi ay dalka sii joogaan si ay u ilaaliyaan amnigooda inta ay lacagaysanayaan. Goorma ayaa Soomaalidu oran doontaa waa ka daalnay im Muqdisho Soomaaliya Caasimad u sii noqoto?

Muqdisho, tan iyo maalintii uu burburka ka dhacay dalka Soomaaliya, waxaa ku daadanayey dhiiga dadka. In ay sidaa ahaato Muqdishana, waxaa mas’uul ka ah beelaha Hawiye oo iyagu amni xummada qeeyb ka ah. Waxaa suurtagal ah in wiilka wax soo dillaya ay la ogyihiin aabihiis iyo hooyadiis oo iyaguna dabcan ah mooryaan.

Hadaba, waxaa laga maarmaan ah in caasimad cusub loo sameeyo shacabka Soomaaliyeed si xubnaha baarlamaanka, golaha wasiirada, iyo shaqaalaha kalle ee dawladda ay hawshooda u gutaan si amni ah iyaga oo aan ka baqeen cid dilleeysa ama ugaarsaneeysa.

Dawlad iyadii oo idil deggan hoteelo iyo welliba madaxtooyada, ma noqon karto dawlad gudata waajibaadkii loo xilsaaray. Hadaba si looga gudbo caqabadaha jira waxaa la gaaray waqtigii ay Beelaha Hawiye ay garwaaqsan lahaayeen in ay ku guul dareeysteen suggidda amniga caasimada Muqdisho iyo in aysan dhib ku hayn haddii maalin kasta xittaa dadkooda ay dhintaan.

Sidoo kalle, dadka kalle ee ka kalla yimid deeggaanada kalle ee dalka Soomaaliya waa ineey oggaadaan in Muqdisho aysan sii ahaan karin caasimad amni xummo darteed iyo qabiilkii sheeganayey oo amni xummida qayb ka ah.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*