11th May 2024  admin  Category :

Labadii  wasiir ee xanaanda Xoolaha Puntland  Doonyaale iyo Cabdijamaal Jid isku mid ah ayeey  wada qaadeen.

Wasiirkii hore ee Xanaanada xoolaha Puntland Axmed Xuseen Doonyaale, oo ka soo jeeday degmada Dhahar, ayaa horay  shaqada waxa looga eryey  wareegto ka soo baxday xafiiska  madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Maalmo ka dibna wuxuu u magcaabay la taliyihiisa dhinaca Amniga.

http://halgan.net/2012/12/la-taliyaha-madaxweynaha-puntland-ee-dhinac-amniga-oo-ka-hadlay-dagaalkii-ka-dhacay-buuraha-golis/

Sidoo kale Wasiirkii hore ee xananada xoolaha Puntland Cabdi jamaal Cismaan Maxamuud, oo isaguna ka soo jeeda degmada Dhahar, ayaa  maalmo ka hor wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas  shaqada looga eryey, maantana wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa loogu magcaabay la taliyaha  dhinaca amniga madaxweynha Puntland.

http://www.allidamaale.com/madaxweyne-gaas-oo-wasiirkii-hore-ee-xananada-xoolaha-cabdijamal-u-magacaabay-lataliyihisa-dhinaca-amaanka/

Hadaba su’ashan is waydiinta mudan ayaa waxay tahay,  waa maxay sababata wasiiradan shaqadii ay hayeen laga eryey  hadana  loogu magcaabayaa la taliyaasha amniga madaxweynaha?.

Jawaabtu waa riwaayadda aan dhamaadka lahyn ee loo dhigayo Bulshada reer Maakhir,

Maalintii madxweyne Faroole, uu  u magcaabay Doonyaale la taliyihiisa dhinaca  amniga,  waxa degaanada Maakhir ka socday abaabul xoogan oo   la doonayey in alshabaabka ku dhuumaalaysanayey  Galgala xoog looga saaro. Markuu arintaa ogaaday madaxweynihii hore ee puntland ayuu Doonyaale u magcaabay la taliyihiisa dhinaca  amniga  . Si mashruuca Galgala u sii socdo,  oo markaas  lacagtii  caalamku ku bixinayey  la dagaalanka argagixisada loo weeciyey horumarinta iyo qurxinta  caasimadda Puntland ee Garowe.

 

Madaxweybnaha Puntland ee  hadda xilka haya Cabdiweli Gaas, oo ka war hayey in maleeshiyaadka beelaha Isaaq  iyaga oo sanaadiiq iyo tikniko wata ay soo gelayaan  gobolka Sanaag, ayaa haba yaraatee wax dhaqdhaqaaqa iyo diidmo ah  ka samayn arintan . laakiinse maalin ka dib markii SNM soo galeen gobolka Sanaag oo iskood uga baxeen  ayuu  la taliyihiisa dhinaca  amniga u magcaabay nin ka soo jeeda Maakhir. si dadka kacsan ee reer Maakhir ee aaminsan in loo hoodadeeyey SNM loo qaboojiyo. Ka dibna howshii halkii laga sii wado

Ugu danbayntii Wasiirka amniga Puntland iyo la taliyaha dhiaca amniga madaxweynaha Puntland,  labaduba waxay  ka soo jeedaan  Degmada Dhahar. Arintan waxaad ka garan kartaa sida mashruuca Galgala ugu weyn yahay madaxda Puntland

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*