29th November 2024 admin Category :
Labadii wasiir ee xanaanda Xoolaha Puntland Doonyaale iyo Cabdijamaal Jid isku mid ah ayeey wada qaadeen.
Wasiirkii hore ee Xanaanada xoolaha Puntland Axmed Xuseen Doonyaale, oo ka soo jeeday degmada Dhahar, ayaa horay shaqada waxa looga eryey wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Maalmo ka dibna wuxuu u magcaabay la taliyihiisa dhinaca Amniga.
http://halgan.net/2012/12/la-taliyaha-madaxweynaha-puntland-ee-dhinac-amniga-oo-ka-hadlay-dagaalkii-ka-dhacay-buuraha-golis/
Sidoo kale Wasiirkii hore ee xananada xoolaha Puntland Cabdi jamaal Cismaan Maxamuud, oo isaguna ka soo jeeda degmada Dhahar, ayaa maalmo ka hor wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas shaqada looga eryey, maantana wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa loogu magcaabay la taliyaha dhinaca amniga madaxweynha Puntland.
http://www.allidamaale.com/madaxweyne-gaas-oo-wasiirkii-hore-ee-xananada-xoolaha-cabdijamal-u-magacaabay-lataliyihisa-dhinaca-amaanka/
Hadaba su’ashan is waydiinta mudan ayaa waxay tahay, waa maxay sababata wasiiradan shaqadii ay hayeen laga eryey hadana loogu magcaabayaa la taliyaasha amniga madaxweynaha?.
Jawaabtu waa riwaayadda aan dhamaadka lahyn ee loo dhigayo Bulshada reer Maakhir,
Maalintii madxweyne Faroole, uu u magcaabay Doonyaale la taliyihiisa dhinaca amniga, waxa degaanada Maakhir ka socday abaabul xoogan oo la doonayey in alshabaabka ku dhuumaalaysanayey Galgala xoog looga saaro. Markuu arintaa ogaaday madaxweynihii hore ee puntland ayuu Doonyaale u magcaabay la taliyihiisa dhinaca amniga . Si mashruuca Galgala u sii socdo, oo markaas lacagtii caalamku ku bixinayey la dagaalanka argagixisada loo weeciyey horumarinta iyo qurxinta caasimadda Puntland ee Garowe.
Madaxweybnaha Puntland ee hadda xilka haya Cabdiweli Gaas, oo ka war hayey in maleeshiyaadka beelaha Isaaq iyaga oo sanaadiiq iyo tikniko wata ay soo gelayaan gobolka Sanaag, ayaa haba yaraatee wax dhaqdhaqaaqa iyo diidmo ah ka samayn arintan . laakiinse maalin ka dib markii SNM soo galeen gobolka Sanaag oo iskood uga baxeen ayuu la taliyihiisa dhinaca amniga u magcaabay nin ka soo jeeda Maakhir. si dadka kacsan ee reer Maakhir ee aaminsan in loo hoodadeeyey SNM loo qaboojiyo. Ka dibna howshii halkii laga sii wado
Ugu danbayntii Wasiirka amniga Puntland iyo la taliyaha dhiaca amniga madaxweynaha Puntland, labaduba waxay ka soo jeedaan Degmada Dhahar. Arintan waxaad ka garan kartaa sida mashruuca Galgala ugu weyn yahay madaxda Puntland
Allsanaag.com