19th May 2024  admin  Category :

Shaqsi ka soo jeeda gobolka Sool oo ka tirsan mid ka mid ah xisbiyada ay sammeeysteen SNMta ayaa ka waramayey booqashadii safiirka Ingiriiska uu ku yimid Hargeeysa.

Shaqsigan ayaa sheegay in safiirka Ingiriiska uu u sheegay hoggaamiyayaasha maamul goboleedka Hargeeysa in madaxweeyne Farmaajo uu doonayo in wada hadalka lala yeelanayo beesha Isaaq ay furmaan.

Shaqsigan ayaa isaga oo hadalka sii wata waxa uu sheegay in sidoo kalle safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya uu u sheegay in madaxweeynaha Puntland, Siciid Deni, uu isna danneenayo in ay wadahadalada magaca Soomaaliland lagu gallayo ay ka qeeyb ka noqdaan.

Hadaba, shaqsigan oo ka soo jeeda gobolka Sool ayaa sheegay in madaxweeynaha Puntlana aysan meelna ugu bannaaneen wadahadlkaas.

Waxaase wax laga gashaafo ah in shaqsigan uu u heeysto in dadka deggan gobolada Sool iyo Sanaag ay dhammaantood yihiin marabi u adeegta SNMta sida uu isagu yahay.

Waxaase dhab ah in dadka deggan gobolada Sool iyo Sanaag ay wax ka dhisteen maamulka Puntland, mustaqbalka iyo aayahay goboladaasna ay waajib tahay in maamulka Puntland meeshii looga hadlayo ay ka qeeb gallaan.

Hadaba, shaqsigan aaminsan in Puntlanda aysan qeeyb ka noqon karin wada hadalka ayaa habboon in uu fiiriyo raggii isaga ka horreeyey meesha ay marreen oo ay ugu danbeeysay xarigii loo geeystay Dhakool.  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*