19th May 2024  admin  Category :

Puntland oo Shaacisay Inuusan Dibadda Uga Imaan Karin Qof aan Visa Wadan.

Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil Shirtag ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey hadal uu warbaahinta dowladda Puntland ka sii daayey oo quseeyey amniga guud ee Puntland iyo dadka xuduudaha ka soo tallaabaya.

Yuusuf Maxamed Ismaaciil Shirtag ayaa waxa uu ugu horayn sheegay in wasaaradda amnigu ay masuul katahay guud ahaan ammaanka gudaha iyo xuduudaha ee deegaamada Puntland ayna ilaalin doonto sugnaantiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in amarka wasaaraddu soo saartay uusan ahayn sida loo dhigay u jeedkooduna yahay in Visaha ay ku soo galaan xuduudaha dhulka iyo cirka ee Puntland dadka ka imaanaya meel aan ka ahayn gudaha Soomaaliya.

Shirtag ayaa sheegay in Puntland iyo Soomaaliya aysan waxba kala ahayn haseyeeshee maadaama xuduudo lakala samaystay dalkuna maamulo kala yahay ay doonayaan in la hubiyo ammaan ahaan iyo caafimaad ahaan dadka ka imaanaya dalka dibadiisa

https://youtu.be/X6c69RLUEi0

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*