28th April 2024  admin  Category :

Wasiirka caafimaadka dawladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan ayaa hay’adda TIS+ kala wareegay qalab caafimaad oo loogu talagalay xarumaha shaybaarka iyo karantiilka Coronavirus.

Wasaaaradda caafimaadka Dawladq Puntland ayaa maanta Mashruuca TIS+ ee Haay’ada USAID kala wareegtay qalab caafimaad oo loogu talagalay xarumaha karantiilka iyo dawaynta Covid19.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa goobjoog ka ahaa wareejinta qalabkaan, waxaana ay uga mahadceliyeen agab caafimaad ee ay maanta la wareegee

Agaasimaha Fulinta Mashaariicda TIS+ Somaliya Liibaan Jamac oo hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay qalabka ay maanta wareejinayaan iyo wada shaqaynta dhaw ee kala dhaxaysa wasaaradda, waxaana uu balan qaaday inaysan maanta kaliya ku koobnaan doonin horayna uga qayb qaateen.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan ayaa ugu mahadceliyay TIS+ ee Haay’ada USAID qalabka ay maanta
kala wareegeen looguna talagalay xarumaha karantiilka iyo dawaynta Covid 19.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay inay horayna tageero usoo gaarsiisay hay’addu kaasi oo sariiro ubadnaa loogu talagalay bukaanka uu ku qaba Covid19, waxaana uu hay’addaha kale faray inay ka qaybqaataqn sidaan oo kale

Image may contain: one or more people and people standing
No photo description available.
No photo description available.
Image may contain: people sitting

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*