29th March 2024  admin  Category :

Labadan Qoraal ee ka soo kala baxay dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, midba midka kale ayuu ku eedaynayaa inuu fashiliyey shir ku saabsanaa kaluumaysiga oo gobolka Hiiraan iyo Puntland ay saami isku mid ah ay heli lahaayeen

235-3a4

235-3a4a

235-3a4b

Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cabdi Xaashi ayaa ku eedeeyay Maamulka Puntland inuu sabab u ahaa fashil shir looga hadli lahaa heshiis laga gaaro sidii loo qeybsan lahaa Kalluunka loo yaqaano Tuunaha oo ka dhici lahaa Jaziirada Seychelles.

 

Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa bishii hore ee April wada gaaray heshiis qabyo ahaa oo lagu qeybsanayo kalluunka tuunaha, balse la isku fahmi waayay.

 

Qorshaha Heshiiskan ayaa ahaa in shirkad ajnabi oo kalluumeysi ah in shati loo siiyo kalluunka Tuunaha, isla markaana dhaqaalaha ka soo baxa ay wada qeybsadaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Wasiirka Kalluumeysiga ayaa sheegay in ujeedka shirka Seychelles uu ahaa in lagu saxiixo heshiiskii qabyada ahaa ee la gaaray.

Hase ahaatee Maamulka Puntland ayaa la sheegay inay markii dambe diiday shirka, isla markaana isu aragtay in la mid tahay dowladda Federaalka, sadkoodana uu la mid yahay sidii dowladda federaalka oo kale.

“Waa nasiib darro ah in Puntland ay diiday, iyadaa ka mas’uul guuldarada shirkaas, waxay isu aragtay in sadkooda uu yahay sidii dowladda Federaalka oo kale ama ay la mid tahayba”ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga oo intaa ku daray in dowladda Federaalka iyo afarta dowlad goboleedyada kale ay isla ogolaadeen, balse Puntland ay diiday.

 

Waxaa uu sheegay in arrintan uu la socodsiiyay Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana uu ku wargeliyay in shirka Seychelles uu baajiyo oo aan la aadin, maadaama la isku fahmi waayay qeybsigii heshiiska qabyada ahaa.

 

Puntland ayaa ku andacooneysa inay leedahay xeeb dheer oo kheyraad ka buuxo, sidaas darteed aysan la mid noqon karin maamul goboleedyada kale, waxaana ay isla meel dhigtay dowladda Federaalka oo ah dowladdii dhexe ee maamuli laheyd kheyraadka, kuna dooday in wixii saami ay dowladda federaalka heli laheyd ay iyana hesho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*