26th July 2024  admin  Category :

Magaca Safiya Garaad yaa soo qaatay oo ka mid ah urururka HAG

Maqaal lagu soo qoray mid ka mid ah  websitetyada   aadka ula shaqeeya ee  buun buuniya  alsbaabka ayaa lagu soo qoray maqaal cinwaan looga dhigay “Puntland ma waxa haya cabsi mise jahli’

Qofka maqaalka qoray ayaa beeniyey hadalkii wasiirka amniga Puntland Cabdulaahi Axmed Yuusuf uu ku sheegay in weerarkii argagixisadu ku soo qaaday  Bali Khadar uu hogaaminayey Maxamed Cabdulaahi Bataar oo ka mid ah Saraakiisha Somaliland.

Wasiirka amniga Puntland, marka uu umadda Soomaaliyeed u sheegayey xogtan iyo sarkaalka magaciisa ma ahayn mid lagu deg degay, mana ahayn mid cid kale kaalmo looga doonayey ee waxay ahayd in umadda lagu wargeliyo  sida waxa u dhaceen, cidda hogaaminaysay iyo khasaarihii halkaa ka dhashay.

Cinwaanka Caasimadda Online ee  “Puntland ma waxa haya cabsi mise jahli’  waxay iyagu  ku doodayaan oo ay soo qoreen  ” Si kastaba , sida la wada ogyahay ee aan akhbaaraadka saxda ah ku hayno, waxa weerarkaas ka dambeeyey kooxda  Alshbaab ee degaanada Puntlandka howl gasha , gaar ahaan gobolka Bari, Somaliland-na wax shaqo kuma lahan. Sidoo kalena kooxda Al-shabaab  ayaa iyana si rasmi ah u sheegtay weerarka

Ma jiro website caalami ah ama kuwa Puntland ee  lagu soo qoray ama soo xigtay  in weerarkii Bali Khadar ay sheegatay Alshabaab, taasina waxay kuu cadaynaysaa Xiriirka ka wada dhaxeeya Caasimadda Online iyo alshabaabka,

Caasimadda Online,  bulshada ku nool shan gobol oo ka mid ah 18kii gobol ee Soomaaliya oo qiyaas ahaan gaaraya dhowr milyan oo qof, oo isugu jira qaybaha bulsho degaaneed ka kooban yihiin  ayeey ku sheegeen inay baqayaan ama jaahiliin yihiin iyaga oo doonaya inay difaacaan alshabaab ay wada shaqaynti ka dhaxayso

Ugu danbayntii Caasimadda Online,  waxay dooratay inay soo bandhigto askartii laga dilay dawladda fedraalka Soomaaliya iyaga oo faafinaya dacaayadda Alshabaab. waxayna  qariyeen alshababkii lagu dilay Buuraha Calmadow sawiradooda wada shaqaynta ka dhaxaysa awgeed .

Dawladaha Caalamka ma   jirto dawlad ka aamusi lahayd mid ka mid ah  wargayskooda oo lagu soo qoro  “sida la wada ogyahay ee aan akhbaaraadka saxda ah ku hayno, waxa weerarkaas ka dambeeyey kooxda  Alshbaab ee degaanada Puntland ka howl gasha , gaar ahaan gobolka Bari . Todoba qof oo Soomaaliyeed ayaa lagu dilay Balikhadar,  Caasimadda Online waxay sheegeen inay ogyihiin dadkii dilkaa ka danbeeyey,  sidaas awgeed sirdoobka Puntland waa inay xiriir la sameeyaan sirdoonka Dawladda federaalka Soomaaliya si loo ogaado akhbaaraadka saxda ah ee caasimadda online hayaan.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*