26th July 2024  admin  Category :

Haddii nin kaligii socda sida  Martini uu Puntland wax ku soo kordhinayo Ina Cumar Jees ayaa USC  u gacan gelin lahaa beesha Daarood 1991, Bare Hiraale ayaa Habar gidir siin lahaa Kismayo, Maxamuud Xaaji aadan oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii Caydiid ayaa Majeerteen u gacan gelin lahaa dawaladdii Caydiid Madaxweynaha ka ahaa. Marabbida beelaha Harti ayaa Warsangeli iyo Dhulbahante u gacan gelin lahaa Isaaq. Zakariye Haji Abdi ayaa Maxaakiimtii xil sare ka qaban lahaa

Maanta Bulshada Puntland inay buun buuniyaan oo u arkaan inay  guuli u soo hayatay mar haddii  Martini oo kaligiis socdaa uu Garowe Ka soo degay,Waa arin aan la qaadan karin, lagu deg degay oo ku dhamaan doonta fashil

Bulshada Reer Puntland waxay ka dheregsanaayeen  taariikhda Marabida   laga soo bilaabo ina Cumar jees 1991 ilaa ninka hadda maamulka Isaaq ugu magcaaban gobolka Sool oo xitaa gabdhiihii afduubanaya si uu Abu daacish iyo Muuse Biixi  u raali geliyo. 28kaa sano ee lagu jiray dagaalada sokeeye  nin kaligiis socda oo qabiil kale ee Soomaaliyeed marti u ah oo guulaystay ma uu  jirin. Bal iswaydii Ina Cumar Jees, Xaabsade iyo Bare Hiraale halka ay ku danbeeyeen

Maanta Bulshada reer Puntland ma ahayn inay ka hadlaan ama buun buuniyaan  Martin ee waxay ahayd inay la socdaan dhaqdhaqaaqa  dagaal ooge, caruurta kufsan jiray waqtigii SNM oo hadda  looga yeeray Hargaysa si uu uga qayb qato dagaalka SNM ay doonayaan inay la galaan Puntland

Ugu danbayntii Ina Mire oo ka soo degay Hargaysa,   waxaan uga digaynaa in gobolka Sanaag uu maanta nabad yahay dagaalna uuna  ka jirin, Ceerigaabona la wada degan yahay oo aan sidaan warka ku hayno uu Muuse Biixi kuugu yeeray inaad sidii dhaqanka kuu ahayd aad dagaal ka abaabusho gobolka Sanaag. Shalay haddii abtiyadaa Dhulbahante kuwooda reer guuraaga oo aan hubaysnayn xasuuqooda aad Mujaahid ku noqotay maanta maaha maalintii

Martini haddii ay ka dhab tahay inuu Soomaalinimo raadinayo ha canbaareeyo Mooryanka  Ina Mire iyo Ina Xaji Nuur oo ay ka soo wada jeedaan beesha Habar Yoonis.

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*