18th April 2024  admin  Category :

Jaale HAG, Puntlandtii aad 1991 hubkii Qaranku wada lahaa aad isku dayday inaad ku burburiso oo aad ku guul daraysatay. maantana duulkii difaacanayey ayaa jooga

Inta badan wakiilada Ha’yadaha Wararka Caalamiga ee Xaruntoodu tahay Nairobi, Kenya, waxa wakiil Soomaaliya uga ah Weriyaal ka soo jeeda Beelaha Hawiye iyo Isaaq. Kuwaas oo isla markaas ah Mulkiilayaasha qaar ka mid ah Websiyada Soomaalidu akhristaan. Inta badan waxa Mareegahooda ugu magcaaban Dad ay qaraabo dhow yihiin.

Mareegahan, mid ka mid ah, gaar ahaam kuwa ay qoraan Wakiilada Beesha Hawiye, ayaa maalmo ka hor lagu soo qoray maqaal cinwaan looga dhigay ” Is-beddello ka socda hareeraha PUNTLAND oo sababi kara inay bur-burto”

Maalintaa uu websitkani qoray Cinwaakan uu burburka raaciyey, inta badan Wasiiradii Puntland waxay ku sugnaayeen Degmada Badhan, Xingalool , Xaafuun iyo Galgala. Dhamaan degaanadani waxay ahaayeen degaano ayna horay maamulka Puntland u gaari jirin, hadase uu si fiican uga shaqeeyo, taasina ay keentay inuu xoogsado midnimada iyo wada jitka bulshada reer Puntland

Hadaba waa maxay isbedelka ka socda hareerha Punrland oo uu Jaale HAG tustay inay Puntland burburayso.

Markaad aragtid Kumaakun Maleeshiyaad ah, oo beeshaada ka soo wada jeeda, oo qalabkooda, mushahaarkooda iyo tababarkooda uu banaanka ka imanayo. oo lagu ururinayo hareeraha Puntland sida Galguduud. ayaa Jaale HAG ku kaliftay inuu qoro maqaalka ah in Puntland sugayso Burbur.

Image may contain: one or more people, people standing, crowd and outdoor

Ugu danbayntii marka qoraal sidan oo kale ah aad ku sheegtid inuu qoray qof cuqdadaysan ama caraysan, waxaad taageertay Hadafka USC iyo SNM oo ah in ummad dhan loo diido inay nabad gelyo ku noolaadaan, Umaddan oo horay intooda bada cunaqabatayn dhaqaale loogu hayey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*