29th March 2024  admin  Category :

Inkastoo aysan jirin koox habeeysan oo qaranka Soomaaliya uu leeyahay, ayaa hadana ciyaartii ay dhawaan kulla ciyaareen dalka Jabuuti kooxda dalka Zimbabwe, ayaa kooxda Soomaaliya waxeey ku soo badiyeen hal iyo eber, taas oo aheed mid la soo dhaweeyey.

Hase ahaatee, ciyaartii maanta ka dhacday dalka Zimbabwe oo aheed wareegii labaad ayaa waxaa kooxda Soomaaliya looga badiyey 3 iyo 1, taas oo ka dhigan in kooxda Soomaaliya halkaa lagu reebay oo ay ka hartay is reeb-reebka loogu soo baxayo koobka adduunka.

Hadaba, waxaan la soconaa in inta badan ciyaartooyda ciyaareeysa waqtigan laga kalla keenay xaafadaha Muqdisho, qaar keenyaati ah iyo welliba kuwo qurbaha ka xamaalan jiray, waxeeyna taasi sababtay in koox qaran oo tayo leh aysan meeshaa ka muuqan maadaama gobolo badan ciyaaryahanadooda aysan qeeyb ka aheen.

Waxaan la soconaa in wadamada adduunka marka kooxahooda la soo xulayo laga kalla keeno gobolada, iyadoo la soo xullayo dadka ugu xirfadda fiican. Tusaale, dalka Ingiriisa, Talyaaniga ama Baraasiil, waxaa kooxda ciyaareeysa laga soo xullaa gobolo kalla duwan.

Hadaba, Soomaalida ayaa dooneeysa ineey kaalin fiican ka gasho meel kasta oo adduunka ka mid ah, hadana waxeey rabtaa in dadkii lagu soo xullo qabyaalada iyo habarteey habarteey taas oo meesha ka saareeysa wixii tayo ahaa oo dhan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*