18th May 2024  admin  Category :

Puntland: “Dowladda federaalka waxay u muuqataa kacaankii 1969 oo aan qoryo sidan”

Waxaa sacaado kahor xarunta Madaxtooyada dowladda federaalka Soomaaliya ee Villa Soomaaliya ku soo gabagaboobay shir jaraa’id oo uu qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan oo looga hadlayay hannaanka doorashooyinka dalka, ayaa waxaa madaxweynaha ku wehliyay oo garbihiisa taagnaa dhammaan madaxda maamul-goboleedyada, marka laga reebo Puntland.

Madaxweynaha ayaa shirkiisa jaraa’id ku xoojiyay war-murtiyeedkii xalay ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran, gaar ahaanna hannaanka doorashooyinka qaranka.

Wuxuu madaxweynuhu shirkiisa ku sheegay in arrintan ay tahay mid billow ah oo uu goluhu bilaabay, balse dhammeystirkeeda ay u taallo hay’adaha sharciga iyo dadweynaha Soomaaliyeed.

“Walaalayaal, waxaan go,aasannay inaan talada dadka usoo celinno, codka muwaadinka Soomaaliga ahi inuu macno yeesho oo masiirkiisa uu ku gaari karo. Cabsida nagu kallifeysa inaan 20,30 sano fadhinno meeshaan fadhinno inaan ka guurno. Dalkan inuu dimuqraadiyad noqdo, doorasho inay ka dhacdo, qof iyo cod inay u dhacdo, heer dowlad-goboleed iyo heer qaran,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay inuu dalku yeesho nidaam siyaasadeed oo la saadaalin karo.

“Maaddaama aan rabno in talada dadka loo celiyo, dalka waa guuray, wuuxu ka guuray nidaamyadii hore ee uu ku saleysnaan jiray, nidaamyadii hore oday ayaa dad magacaabo ayaan ka nimid, 50 qof ayaa wax dooraneysa ayaan ka nimid, boqol qofood ayaa wax dooraneysa ayaan ka nimid, waxaan u soconnaa dadka,” ayuu yiri.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo maalmihii la soo dhaafay shir ku lahaa magaalada Muqdisho, ayaa xalay shirkooda soo gabagabeeyay, waxayna ka hadleen qodobbo dhowr ah oo lagu heshiiyay.

Arrimaha lagu heshiiyay waxaa ka mid ah:

  • In la joogteeyo kulamada Madasha Maayaradda Soomaaliya si loo hubiyo in degmooyinka dalku helaan modal u gaar ah oo ay ku falanqeeyaan arrimaha khuseeya shaqadooda, isla markaasna u noqon karaan kuwo dabooli kara baahiyaha bulshada deegaamadooda.
  • In kor loo qaado, lana xoojiyo maamul-daadejinta socota si dowladaha hoose u bixiyaan, una joogteeyaan adeegyada bulshada ee ku qeexan xeerarka dowladaha hoose iyo hannaanka adeeg bixinta daadegsan ee dalka.
  • Madashu waxay soo dhoweynaysaa ballanqaadkii Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS ee la xiriira tartanka waxqabadka dowladdaha hoose oo noqon doonta abaal-marin sanadle ah. Si arrintan loo xaqiijiyo, madashu waxay adkaynaysaa in la dejiyo shuruudo qeexan oo lagu qiimeeyo waxqabadka dowladah hoose.
  • Madashu waxay ku baaqaysaa in Magalaada Beledweyne loo muujiyo garab istaagWalaalnimo iyo Soomaalinimo.
  • In haweenku door ka qaataan hogaaminta dowladaha hoose ee dalka, isla markaasna la abuuro jawi iyo hanaan suurto gelinaya ka qayb galka haweenka ee shaqada dowladaha hoose ee dalka.

Habka doorashooyinka dalka

Shirka

Qodobka ugu weyn ayaa habka doorashooyinka dalka, sida uu madaxwyenuhu ka dhawaajiyayna ay noqon doonto doorasho qof iyo cod ah.

Arrimaha ku xusan hannaankan ayaa waxaa ka mid ah:

  • In dalku yeesho hannaan qof iyo cod ah, oo min golaha deegaanka ilaa tan madaxweynaha ay dadku doortaan.
  • In muddo xileedka dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada ay noqon doonto shan sano, halka markii hore ay ka ahayd afar sano.
  • In dalku yeesho madaxweyne ku xigeen
  • In dalku yeesho labo xisbi

Maxaa laga yiri?

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ka hadlayay arrintan, ayaa sheegay inaysan suurtogal ahayn, isagoo ka digay inay ka sii dareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri:

“Golaha Wadatashiga Qaran ma waxa uu isku beddelayaa taliskii militeriga ee hore ama wuxuu dib usoo celiyay markii 1969 la laayay dastuurka, hannaanka baarlamaaniga ah/axsaabta badan la joojiyay oo hal xisbi dib loo soo celiyay. Tani waxay keliya sii dhabqineysaa xaaladdeenna siyaasadeed”

Dhanka kale, Dr Xasan Cabdi Xayle oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wax fiican ay tahay in dalku yeesho hannaan doorasho qof iyo cod ah, balse suurtogalnimada ah inay taasi dhaqan gasho ay adag tahay.

Mar uu ka hadlayay qodobka in dalku yeesho labo xisbi ayaa wuxuu Dr Xasan yiri, “Waxaa ila wanaagsan inaan labo xisbi keliya lagu soo koobin, ee ugu yaraan afar ilaa shan axsaab oo la hubiyay inay waafaqayaan shuruucda iyo diinta dalka la siiyo fursad,” ayuu yiri.

Dhanka kale, Prof Afyare Cabdi Cilmi oo ka faallooda arimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay inaan aad loo fahmin karin habkan.

“Waa heshiis u baahan in wax laga baddalo dastuurka. Waana sababta keeneysa inaan iraahdo ma sahlana in la hirgeliyo.” Ayuu yiri.

Ma aha markii ugu horreysay ee arrinta doorasho qof iyo cod la isku soo qaado.

Sanadkii 2019 ayay ahayd markii xildhibaannada golaha Shacabka ee Soomaaliya ay cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen sharciga doorashada ee dalka. Sharcigan ayaa waxa uu qorayay in doorasho qof iyo cod ah lagu qabto deegaan doorasho-kasta, walow aanan markaas la caddayn tirada la oggolyahay inay codeeyaan.

Maxay Puntland ka tiri?

Shirka

In muddo ah ayaa khilaaf wuxuu ka dhex taagnaa maamul-goboleedka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Maamulka Puntland, ayaan isagu qeyb ka ahayn shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo BBC la hadlay ayaa sheegay in waxa ka soo baxay shirkan ay u arkaan mid afduub ah.

“Dalkan xilligii uu burburay waxaa heshiis lagu gaaray dastuur ku meel gaar ah, in la dhammeystiro kadibna afti dadweyne loo qaado, la ansixiyo sidaasna dalku dastuur ku yeesho, federaalna uu dalku yahay.

“Hadalka madaxweynaha waxaa ka muuqda in madaxweynaha iyo kooxda la joogtay a ku heshiiyeen in dastuurkii dalka iyo wax kasta oo heshiis lagu ahaa la laalo,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn in habeen gudihiis sida uu sheegay la laalo wax walba oo lagu heshiiyay.

“In wax walba afgembi siyaasadeed laga soo qaado, oo kacaankii oo aan qoryo sidan ayaa meesha ka muuqata.” Ayuu yiri wasiirka.

mar walba uu furan yahay albaabka wada hadalka, ayna diyaar u yihiin in arrimaha ay isku hayaan dowladda ay ka heshiiyaan.

Dhanka kale, wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Juxa oo khudbad jeediyay 25-kii bishan ayaa sheegay inay xaqiiq tahay inay jiraan arrimo ay isku khilaafsan yihiin maamulka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxyaabo la isku hayo ayaa jira, waa waxyaabo dabiici ah oo ku saabsan dowlad-dhiska Soomaaliya, intii la jirana waa lays hayay waxaana la isku hayay sida ay noqon doonto dowladda la dhisayo ee Soomaaliya,” ayuu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegta in Puntland ay kula jirto wada hadallo, isla markaana la xallin doono khilaafka dhex yaalla.

Puntland waxaa dhowaan ka qabsoomay hannaanka doorashada qof iyo cod ah ee golaha deegaanka, taasoo in muddo ah laga shaqeynayay sidii ay u qabsoomi lahayd

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*