Ninkii 50 ka sano isbitaalka ku jiray isaga oo aan wax xanuun ah qabin

Ninkii 50 ka sano isbitaalka ku jiray isaga oo aan wax xanuun ah qabin

Nin lagu magacaabo Charles Esler ayaa waxa uu isbitaal ku jiray muddo 50 sano ah isaga oo aan wax xanuun ah sidaas u wayn aan qabin.

Charles oo qabay suuxdin yar iyo waxbarashada oo xoogaa ku adkayd, ay markii ugu horeysay isaga oo toban jir ah tagay isbitaal.

Waxa uu u sheegay BBC da in uu “Xaflado badan oo dhaloasho” uu ku qaatay gudaha isbitaalka, uusanna jeclaysan in uu halkaas isaga xabisnaado.

Walaashiis oo lagu magacaabo Margo ayaa waxay sheegtay in ay u dagalamntay sidii walaalkeed uu u dagi lahaa meel uu xoriyad ku haysto, ugu dambeyna isaga oo 62 jir ah ayuu sanadkii la soo dhaafay gacanta ku dhigay furihii ugu horeeyay ee guri uu isagu dagan yahay abidkiis

“QOyskiisu sanado badan ayay ku dagaalamayeen in uu helo meel xasiloon oo uu ku noolaan karo,” sidaas waxaa yiri David Fleming oo ka tirsan hay’adda Richmond Fellowship Scotla

Nasiib xumo dad badan ayaa ku dhex xanibmay nidaamka”.

Charles


Xigashada Sawirka,Malcolm Family

Baaritaan aya sameysay BBC Scotland ayaa waxa ay ku ogaatay in boqolaal ruux oo dhibaato ku qabo wax fahanka in ay ku xaniban yihiin isbitaalada ama ay ku nool yihiin meelo boqolaal mayl u jira halka ay qoysaskoodu dagan yihiin.

Arrintaan ayaa waxay imaaneysaa kadib tobanaan sano oo ay jiraan sharciyo dawladeed oo qeexaya in dadka mudada dheer ku jiray xarumaha caafimaadka in ay u wareegi karaan guryahooda.

Laba sanadood ka hor dawladda Scottish ka ayaa waxa ay balan qaaday in inta badan dadka ay u wareejindoonaan guryahooda marka la gaaro bisha Maarso ee sanadka 2024 ta.

Balse, xog ay heshay BBC du ayaa waxay sheegaysaa in tirade dadka ku jira isbitaalada ayba sii bateen.

Iyada oo la adeegsanayo sharciga Xoriyada Xogta ayaa laga codsada masuuliyiinta tirada dadka la dhiban fahan xumada eek u jira isbitaaalada, waxaana la ogaaday in ay kor uga kaceen 173 ayna gaareen 191 sanadkii aynu soo dhaafnay.

Qofkii gacanta ku hayay Charles ayaa waxa uu sheegay in kiiskiisu u cadeyn u yahay in qof waliba lagu caawin karo in uu bulshada ku dhex noolaado.

Fleming ayaa isna yiri: “Qof cajiib ah ayuu ahaa mudadii uu isaga baxay meesha, hadana wuxuu si madax banaan ugu dhex ladan yahay bulshada.”

Charles oo ku soo barbaaray Glasgow ayaa waxa uu yiri: “Hada meeshaan rabo ayaan wareegi karaa, waxaan ka soo qadayn karaa maqaayadaha ku yaalla banaanada.”

“Waxaan jeclahay kalluunka iyo baradhada shiilan. Farxad ayaan dareemayaa. Waligey xoriyad ma helin hadda ka hor.”

Charles

Waxa uu sheegay in uu jecel yahay in uu dhex joogi qolka fadhiga oo uu daawado filimada James Bond. Waxa uu haatan baranayaa sida wax loo kariyo, beerta guriga loo xanaaneeyo, naftiisana uu u nadiifin lahaa.

Walaashiis Margo McKeever ayaa waxay sheegtay in ay sanado badan u soo dagaalantay sidii ay walaalkeed uga soo saari leheed isbitaalka oo uu guri uu leeyahay u dagi lahaa.

“Ha u malayn in tani tahay sheeko khiyaali ah,” ayuu yiri.

“Waxa I helay maahan wax hal habeen uun dhacay. Dad badan ayaa qayb ka ahaa waxayna qaadatay 14 sano in ay helo meel aan dago.”

“Qof walba waa in uu helo qof u dagaalama oo hubiya in aan loola dhaqsi tirsi buuxsi uun kaliye.”

Dhaqtar lagu magacaabo Sam Smith oo madax ka ah urur caawiyo dadka naafada ah ee ku nool guryahooda ayaa waxa uu yiri: “Waxaan xirnay isbitaallo muddo dheer dadka hayn jiray labaatan sano ka hor, inaga oo ogayn in dadku ay ku dhex noolaan karaan bulshadooda.”

Dawladda Scottish ka ayaa horay waxay u sheegtay in ay dawladda hoose kala shaqaysay sidii loo diiwaan galin lahaa dadka ay dhibaatadu ka haysato waxbarashada ama fahanka eek u jira isbitaalada ama ku nool meelo boqolaal mayl u jira guryahooda, waxayna bixisay lacag dhan 25 milyan oo dollar si looga caawiyo dadkaas in ay u wareegaan guryo ay ku dhex madax banaan yihiin.

Wasiirka Arimaha Bulshada ee maree Todd ayaa waxay u sheegtay BBC da; “Waxaa naga go’an inaan arrintaan xal u helno. Balse sida xogtani sheegayso, waa ay adag tahay in xal loo helo.”

“Masuuliyadda sharci waxay dul saaran tahay dawladda hoose, aniguna waxaan isku dayayaa in aan si dhaw iyaga uga shaqeeyo arrintaan bal in ay wax is badalaan.”

Xasan Shiikh Riwaayad Ayuu Meesha ku Hayaa

Markii madaxweeynihii hore ee Maraykanka Donald Trump la damcay in la dillo, waxaa shaqada looga ceeriyey habacsanaantii amni ee meeshaas ka dhacday haweenay ka ahayd ciidankaas agaasime. Shaqo xummo marka ay dhacdo, waa in shaqada looga ceeriyaa cid kasta oo dayacday shaqadeeda.

Hadaba, intii uu joogay Madaxweeyne Xasan waxaa dhacay qaraxyo badan oo ay ku dhinteen dad badan. Ma jirto cid shaqada looga ceeriyey dhibaatooyinkaas baaxada weeyn ee isugu jira mid naf iyo mid maalba. Waa in shaqada laga ceeriyaa cid kasta oo shaqo xummo la timaaday, mana ahan in maalin kasta laga gudbo iyadoo aan la iskula xisaabtamin wixii dhacay. Sawirka hoose waa laamaha amniga oo lala shiray, balse inta la shaaheeyo ayaa la kala tagayaa, meeshii ay ahayd in kulligood la beddelo.

Tacsi: Ali Mohamud Mohamed (Ali Belbel).

Allaha ha u naxariistee waxa maanta magaalada Ajman ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ku geeriyooday Ali Mohamud Mohamed (Ali Belbel).

Bahda  Allsanaag, waxay  tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan , qoyskii,  eheladii,   asxaabtii iyo qaraabadii uu  ka geeriyooday Allah ha u naxariistee  Ali Mohamud Mohamed (Ali Belbel).  .

Waxaan Allah uga baryeeynaa marxuumka in janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkiisana   midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii uu  ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah  ka siiyo, Aammiin, Aammiin

Allsanaag.com.

Shirkii Muqdisho oo soo dhamaaday

Shirkii xaafadda Muqdisho uga socday koox mucaarad ah oo soo dhamaaday.

Magaalada Muqdisho èe xarunta Soomaaliya, oo maàlmihiii ugu danbeeyey lagu xayeesinayey inuu ka furmi doono shir ay leeyihiin reer Maakhir ayaa maanta markii uu furmay wuxuu yeeshay weji kale oo ka duwan kii horay loogu shegay.

Shirkan lagu sheegay Shir Warsangeli., Oo hadana aan lagu qabanayn degaankii beeshu deganayd oo nabad ah ayaa markii horeba shaki laga muujiyey iyo inay ujeedooyin qarsoon uu leeyahay, hase ahaatee wixii jirayba waxay banaanka yimaadeen markii shirku furmay.

Dadkii ka soo qayb galay shirkii maanta waxay isugu jireen mucaarad Puntlnad iyo mucaarad madaxweyne Deni, waxaana ka mid ahaa siyaasiyiin xilal sare ka haya dawladda Federaalka Soomaaliya iyo isimo ka soo jeeda Puntlnay ad oo xiriir fiican la leh siyaasiyiinta Konfureed.

Siyaasiyiintii ka soo qayb galay shirkiì maanta waxa ka mid ahaa Senator Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) oo ka soo jeeda beesha Majeerteen oo siyaasada beshooda ay isku hayaan madaxweyne Deni. Hase ahaatee aan la garanayn wejiga uu ku yimid shirka la sheegay in reer Maakhir qabsanayaan

Sidoo kale waxa shirka ka soo qayb galay Cabdulqaadir Xarago, oo ka soo jeeda beesha Dishiishe, oo ka mid ah Isimada aadka uga soo hor jeeda Deni, xiriir ficana la leh Siyaasiyiinta Koonfureed.

Intaa waxa sii dheer in Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka-sare Sen Tima-cade , oo mucaarad ku ah Puntland una ololeenaya in la jar jaro maamulkaas inuu shirka u soo diray Saynab Ismaaciil Tiinbiye oo ah  Xildhibaanadda aqalka sare ee beesha Warsangeli ku leeyihiin Baarlamaanka. Waxay muujisay inay mucaarad ku thay dadkii ay metelaysay intooda badnayd iyo maamulkii ay ka tirsanayd.

Shirkan ayaa sida muuqata waxa ka muuqatay in siyaasiyinta beesha Warsangeli ay ujeedada ugu weyn ay ka lahaayeen ahayd inay fariin u diraan madaxda Khaatumo oo u arkaan inay guulaysteen oo ay maamul u samayn karaan awoodiisu si kasta ha ahaadee xitaa haddii Ay xaafadda Kaaraan xarun ka dhiganayaan.

Farinta labaad, oo madadxda shirka qaarkeed ayaa iyaduna ku socotay siyaasiyiinta reer Muqdisho waxayna ahayd haddii i xil lay magcaabo waxaan midayn karaa mucaarad ka beelaha Muqdisho oo madaxweyne Deni badhida dhulka ugu dhufanaynaa

Ugu danbayn hadalka cajiibka ahaa aadkana u raqiiska ahaa wuxu ahaa in Dhulka beesha Warsangeli ay degto lagu muran san yahay oo ay wax walba ka helyaan bulshadà caalamka marka ay hoos tagaan maamulka Khaatumo.

Dhismaha nuujinta hooyada ee wasaaradda caafimaadka Puntland.

Garowe: 04 August 2024, Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Mudane Ilyaas Osman Lugatoor oo ay wehelinayeen wasiirka wasaaradda caafimaadka Siciid Jamac Qorsheel iyo wasiiru dawlaha mudane Ahmed Sheekh Farax ayna goobjoog ka ahaayeen wasiiradda shaqada iyo shaqaalaha iyo haweenka Puntland ayaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka ka dhagax dhigay dhismaha nuujinta hooyada ee wasaaradda caafimaadka Puntland.

Dhismaha ayaa usahli doona hooyooyinka shaqaalaha wasaaradda caafimaadka Puntland, waxaana u fudayn doonta doontaa ilmaha in hooyada loogu keeno xarunta shaqada kadibna ay ugu nuujiso, waa markii ugu horeeyay ee qaybtaan laga hirgaliyo xarumaha dawladda Puntland wasaaradda caafimaadka ayaana hormuud ugu ah waxaana sida la xusay laga hirgalin doonaa dhamaan xarumaha caafimaadka iyo dawladda.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa masuuliyiinta waasaaradda ku bogaadiyay hawsha baaxada leh ee ay hayaan waxaana uu xusay in dhismaha nuujinta hooyada laga hirgaliyo xarumaha dawladda.

Dhagax dhiga waxaa kala qaybgalay wasiirka shaqada iyo shaqaalaha iyo wasiirka

wasaraadda Haweenka Puntland, agaasimaha guud ee wasaraadda Dr Mohamed Mohamuud Xidig iyo qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda iyo saraakiisha wasaaradda caafimaadka Puntland.

Dhagax dhiga ayaa qayb ka ah xuska Todobaadka Naasnuujinta Aduunka oo ku beegan todobaadka koowaad ee bisha August

Turkiga oo Itoobiya kala hadlaya khilaafkii ka dhashay heshiiskii is-fagaradka ee Somaliland iyo Itoobiya

Turkiga oo Itoobiya kala hadlaya khilaafkii ka dhashay heshiiskii is-fagaradka ee Somaliland iyo Itoobiya

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Itoobiya Hakan Fidan ayaa waxa uu shalay booqasho ku gaaray caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed, sidaas waxaa sheegay wasaaradda arimaha dibadda ee Turkiga.

Safarka oo lagu tilmaamay mid shaqo oo qaadan doono dhawr maalin, ayaa waxa uu sidoo kale Fidan la kulmay dhiggiisa Itoobiya Taye Atske Selassie.

Booqashadaana ayaa waxay sheegtay dawladda Turkiga in ay qayb ka tahay dhexddhexaadintii ay dawladdu Turkigu ka dhex waday wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib khilaafkii ka dhex dhashay labada dal ee ku aadanaa heshiiskii is afrgarad ee Itoobiya la saxiixatay Somailand.

Sida ay sheegtay wasaaradda arimaha dibadda ee Itoobiya, Turkiga ayaa waxa uu kala hadlay arimo ay ka mid yihiin khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo xaaladda gobolka

War lagu daabacay bogga X oo horay loo oran jirat Twitter ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya, ayaa isna lagu sheegay in wasiirka Fidan iyo Abiy ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Waxaa jira kulamo kale oo loo madlan yahay kuwaas oo dhex mari doona wasiirka Fidan iyo dhiggiis dalka Itoobiya Ambassador Taye Atske-Sellasie.

Bilowgii bishii June ayaa waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga wadahadal ay sida dawladda Soomaaliya sheegtay fool ka fool ahayn uu dhexmaray wasiiradda arimaha dibadda Itoobiya iyo Soomaaliya, si ay u bilaabaan qorshe diblumaasiyadeed oo looga gol-leeyahay in la xalliyo xiisadda ka dhex taagan labad dal.

Labada dhnacba waxay xilligaas isku raaceen in ay kulan isku madalsadaan mar kale gudaha Ankara, marka shin-tiriska taariikhdu gaaro 2 da bisha September.

Bulshada caalamka ayaa waxay bogaadisay doorka ay dawladda Turkigu ka ciyaarayso ukala dabqaadista labada dal.

Inta uu joogo gudaha Itoobiya ayaa waxaa laga filayaa wasiir Fidan in uu wadahadlo horumar ku siyaadin kara kulanka dhexdhexadinta ee soo socda in uu la yeesho Itoobiya. Kulamadaas ayaa sidoo kale waxay ku saabsanana doonaan arimo ku saabsan xiriirka labada dal

.

Turkiga iyo Itoobiya

Dawladaha Turkiga iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo soo bilowday 1896 dii, ka hor inta aan la aasaasin Jamhuuriyadda Turkiga, sidaas waxaa sheegtay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu . Itoobiya ayaa meel muhiim ah uga taalla qorshaha Turkiga ee Afrika.

Safaaradda Turkiga ee Itoobiya ayaa waxaa la aasaasay danadkii 1926 dii, halka safaaradda Itoobiya ee Turkigana la aasaasay sanadkii 1933 dii, sida ay sheegtay wakaaladda Anadolu. safaaradda Itoobiya ee Turkiga ayaa la xiray sanadkii 1984 tii sababo la xiriray isbadal dhinac maamulka Turkiga ah, hadana waxaa la soo celiyay sanadkii 2006 dii.

Xilligaas wixii ka dambeeyay ayaa waxaa sare u kac ku yimid is waydaarsiga ganacsiga, waxaana sanadkii la soo dhaafay uu gaaray dakhliga labada wax isaga iibsadeen $345 milyan oo doolarka Maraykanka ah. Turkiga ayaa waxa uu sheegay in ay qorsheynayaan shanta sano ee soo socota in dhaqaalahaasi gaaro $1bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

Turkiga ayaa ka mid ah afarta dal ee ugu sareeya marka la eego maalgainta tooska ah ee dalalku ku sameeya Itoobiya. Madashii Ganacsiga Turkiga iyo Itoobiya ee bilowgii sanadkaan ka dhacay magaalada Istanbul ee Turkiga ayaa waxaa soo xaadiray 70 shirkadood oo itoobiyaanah iyo 250 shirkadood oo Turki ah.

.

Toban sano kahor, markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu cagta dhigay Muqdisho, isagoo ku tegay booqashadii ugu sarreysay ee hoggaamiye uu ku tago Soomaaliya ayaa waxay taasi indhaha caalamka u soo jiidday xaaladda daran ee bani’aadannimo ee ka jirtay dalkaas.

Markii uu sare u kacay xiriirka ganacsi ee u dhaxeeya Turkiga iyo soomaaliya waxaa lagama maarmaan noqtay in la helo qaab badeecoyiinka Turkiga lagu geeyo gudaha soomaaliya.

Waxaa abuurmay shirkado badan oo dhanka tasiilaadka iyo alaabaha sidii lagu geyn lahaa Soomaaliya.

Balse bilowgii sanadkaan ayaa waxaa wax wayn iska badaleen qaabka iskaashiga labada dal, kadib markii ay kala saxiixdeen heshiis difaac iyo dhaqaale isugu jiray.

Wasaaaradda macdanta iyo tamarta ee Soomaliya ayaa bishii July ee aynu soo dhaafnay waxay dawladda Turkiga la saxiixatay heshiis shidaal qodis ah, kaas oo saddex xirmo oo shidaal ah idan loo siiyay dawladda Turkiga in ay qoddo kadibna soo saarto.

Maxamed oo Galay Kaalinta Afaraad

Oradka 10,000 ee Mitir ayaa waxa ka qayb galay wiil Soomaali ah oo la yiraah Maxamed Ahmed, balse heesta dhalashada dalka Kanada, ayaa waxa uu galay kaalinta 4aad, waxa uuna wax yar ku sigay in uu noqdo qofka labaad, wuxuuna ku xigay Yugaandhiiska qaaday lanbarka koowaad. Hase ahaatee, waxa Maxamed booska labaad iyo seddexaad ka galay yar Maraykanka ka socday iyo mid Itoobiyaan ah. Waxaana Mohamed ka danbeeyey intii kale oo dhan. Waxaan u rajaynaynaa in ciyaaraha kale uu kaalin fiican ka galo, waxaana dhab ah in qof kasta uu maalin leeyahay.