Soomaaliya iyo Masar oo kala saxeexday heshiisyo dhinaca difaaca iyo amniga ah

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxeexday heshiisyo dhinaca difaaca iyo amniga ah

Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax al Siisi ayaa caasimadda dalka Masar ee Qaahira ku qaabilay wefti ka socda dawladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxda Soomaaliya iyo kuwa dalka Masar ayaa yeeshay kulamo kala duwan oo ay labada dhinac kaga wada xaajoonayaan sidii ay u gaadhi lahaayeen heshiisyo muhiim ah oo taabanaya dhinaca iskaashiga difaaca iyo amniga labada dal.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay dawladda Soomaaliya, labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Soomaaliya iyo Masar oo heshiisyo kala saxeexday
Soomaaliya iyo Masar oo heshiisyo kala saxeexday

Heshiiskan cusub ee difaaca ayaa waxa uu dhabbaha u xaari doonaa iskaashi dhow oo ay yeelan doona wasaaradaha difaaca iyo amniga labada dal, waxaana lagu balamay in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya.

Labada hoggaamiye ayaa kulanka ka dib waxay qabteen shir jaraa’id oo wada jir ah.

Talibaan oo soo bandhigay awooddooda militari, xilli ay u dabaaldagayaan sanadguuradii saddexaad

Talibaan oo soo bandhigay awooddooda militari, xilli ay u dabaaldagayaan sanadguuradii saddexaad

Xukuumadda Taalibaan ayaa u dabbaal degtay sanadguuradii saddexaad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada xukunka dalka Afqanistaan.

Taliban oo maalintan ugu yeertay “Maalinta guusha” waxay ku soo bandhigeen dhoola tuska hubka Maraykanka uu uga tagay Afqaanistaan.

Taliban ayaa beesha caalamka ka codsatay inay qaadaan waddadii ay kula falgelin lahaayeen kooxda ayna xiriiriir ula yeelan lahaayeen.

Dhanka kale, kooxaha ka soo horjeeda Taliban ayaa ku tilmaamay maalin madow, waxayna ku baaqeen isu soo baxyo mudaaharaad ah oo ka dhacay magaalooyin kala duwan oo caalamka ah

Xafladda ugu weyn ayaa lagu qabtay saldhigga Bagram oo ahaa saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka iyo NATO ay ku sugnaayeen labaatan sano ee ay ku sugnaayeen dalka Afgaanistaan.

Dublamaasiyiinta Iran iyo Shiinaha iyo wakiilo ka socda wadamada kale ee gobolka ayaa goob joog ka ahaa xafladan.

Taliban gawaari gaashaaman

Wasaaradda Difaaca ee Taliban ayaa dhoolatus weyn ku sameysay hubka noocyadiisa kala duwan ee Mareykanka iyo qaar ka mid ah hubka Ruushka. Tiro ka mid ah hubkan ayay Taliban dayactirtay saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Waxay Talibaan halkaas ku soo bandhigeen hub isugu jira Taangiyo, diyaarado iyo hubka lidka diyaaradaha.

Waxaa sidoo kale goobta ay ku soo bandhigeen ciidamo kala duwan.

Markii uu Mareykanka ka baxayay afqaanistaan ayaa waxaa uu halkaas uga tagay hub badan oo uu sheegay in qaar badan oo ka mid ah aan la isticmaali karin, balse Taliban ayaa qaar ka mid ah hubkaas dayactiray.

Hafeez Marouf oo ah weriyaha BBC-da oo tagay saldhigga Bagram si uu xafladan uga soo waramo ayaa sheegaya in kumanaan ka tirsan ciidamada Taalibaan iyo dadwayne isugu soo baxay saldhigan si ay u muujiyaan awoodooda ciidan, waxayna soo bandhigeen dhamaan noocyada kala duwan ee hubka fudud iyo kuwa culculus ee ay haystaan ​​kaamaradaha iyo dadka hortooda.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Taliban ayaa iyaguna khudbad ka jeediyay waxayna ku nuuxnuuxsadeen inay doonayaan inay xiriir la yeeshaan caalamka. Abdul Kabir, oo ah ku xigeenka dhanka siyaasadda ee ra’iisul wasaaraha Taliban, ayaa yiri: “Waxaan dooneynaa xiriir wanaagsan oo aan la yeelanno dhammaan dalalka adduunka”.

Sirajuddin Haqqani, oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee Taliban, ayaa sidoo kale yiri: “Waxaan rabaa in beesha caalamka ay si wanaagsan uga faa’ideysato fursadda wanaagsan oo ay qaataan dariiqa isdhexgalka iyo iskaashiga ee Afgaanistaan.”

Hubkan ayaa lagu soo bandhigay saldhiga Bagram
Qaar ka mid ah ciidamada Taliban

Dhaqdhaqaaqayada ka soo horjeeda Taliban: Agoosto 15 waa maalin madow

Xubnaha “Movement of the Powerful Women of Afganistan” ayaa sheegay in xalay oo ay ku beegan tahay saddex sano guuradii ka soo wareegatay markii kooxda “Taliban” ay xukunka la wareegeen, ay mar kale rinji ku sawireen darbiga wadnaha ee magaalada Kabul, iyagoo sameynaya dhaqdhaqaaq dibadbaxyo ah .

Iyaga oo qorey halku dhigyada ah “#15_August_waa_maalin_madow_Taariikhda_Afghanistan,_xubnaha_haweenka_Afghanistan” waxay ka codsadeen Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka in dadka u qafaalan taliban laga soo gaaro “.

Waxay sheegeen in xukuumadda Taalibaan ay haweenka u adeegsato siyaasad ahaan ujeeddooyinkooda siyaasadeed, balse beesha caalamka ay dumarka Afgaanistaan ka aamuseen.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen hay’adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqul insaanka, xukuumadda Taalibaan waxay soo saartay in ka badan boqol amar iyo farriimo lagu xaddidayo haweenka.

Tiro badan oo ka mid ah dadka u dooda xuquuqul insaanka iyo dadka rayidka ah ayaa sidoo kale sheegay in maalinta berito ah oo ku beegan 15-ka ay mudaaharaad ka dhan ah Taalibaan ay ka dhici doonaan magaalooyin kala duwan oo caalamka ah.

Jarmalka, Faransiiska iyo Ingiriiska oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Qaza

Jarmalka, Faransiiska iyo Ingiriiska oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Qaza

Jarmalka, Faransiiska iyo Britian ayaa Isniintii ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Qaza, xilli ay Israa’iil isu diyaarinayso inay qaaddo weerar kale oo ballaadhan.

Qoraal ay soo saareen hoggaamiyayaasha Yurub ayay ku sheegeen “in dagaalka haatan la joojiyo, isla markaana in la sii daayo la haystayaasha gacanta ugu jira Xamaas”. Waxay intaas ku dareen “in shacabka reer Qaza inay u baahan yihiin in la gaadhsiiyo gargaar degdeg ah”.

Qoraalkan waxaa si wadajira u saxeexay madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz iyo Ra’iisal wasaaraha Britian Keir Starmer.

Saddexdan dal ayaa taageeray qorshaha dhexdhexaadinta ee ay wadaan Maraykanka, Qatar iyo Masar, kaas oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka muddada 10-ka bilood ah socda, ee u dhexeeya Israaiil iyo Xamaas.

Hindisahan ayay ka mid tahay in la is dhaafsado maxaabiista gacanta ugu jira Xamaas iyo Falastiiniyiinta ku jira xabsiyada Israa’iil, iyo in ciidamada Israa’iil ay gebi ahaanba ka baxaan marinka Qaza.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen Iran iyo taagerayaasheeda gobolku inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan inay weerar aargoosi ah ku qaadaan Israa’iil, iyaga oo ka aargudanaya dilkii taliyaha Xisbullah iyo hoggaamiyihii Xamaas ee lagu dilay Tehran.

AIPAC iyo Ilhaan Cumar oo gorodda iskula jira. Taageerayaasha Israa’iil oo lacag ku bixinaya in kursiga laga qaado

AIPAC iyo Ilhaan Cumar oo gorodda iskula jira. Taageerayaasha Israa’iil oo lacag ku bixinaya in kursiga laga qaado

Guddiga awoodda badan ee galaangalka u sameeya Israa’iil ee loo yaqaanno AIPAC ayaa ilaa $100 malyan ku kharash gareynaya sidii ay kuraastooda ku weyn lahaayeen xubnaha loo yaqaanno ‘kooxda’ ee ah siyaasiyiinta horusocodka ah.

Warqad qorshahaas lagu qoray ayaa Ilhaan Cumar oo xisbiga dimuqaraadiga ka tirsan, lagana soo doorto Minnesota, kana mid ah xubnaha aasaasay ‘kooxda’ waxaa lagu sheegay inay tahay bartilmaameedka ugu weyn, ayadoo doorashada hordhaca ah ee xisbiga dhexdiisa ay is wjihi doonaan 13 Agoosto Don Samuels.

Ilhaan iyo xubnaha kale ee ‘kooxda’ ayaa aad u taageera xabbadjoojin laga gaaro dagaalka Qasa, waxayna aad u dhaliilaan Israa’iil.

AIPAC waxay horeba u kharash gareeyeen $14 malyan, ayagoo ka caawinayey George Latimer oo ka tirsan dimoqaraadiga inuu kursiga ka rido Jamaal Bowman oo ka tirsan ‘kooxda’, aadna u dhaliila Israa’iil iyo dagaalkaba. Dhaqaalahaas ayaa Latimer ka caawiyey inuu guul aad u weyn gaaro.

Samuels oo ah siyaasi qunyar socod ah oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, horena xubin uga soo noqday golaha deegaanaka ee Minneapolis ayaa doorashadii noocan oo kale ahayd ee isreebreebka ku guuldarraystay ka dib markii ay 2022 Ilhaan Cumar kaga guulaysatay 2,466 cod.

AIPAC iyo kooxaha kale ee galaangalka u sameeya Israa’iil ee a y ka midka yihiin PAC iyo United democratic project waxay u arkayaan Ilhaan in aan la loodin karin.

“Waxay ila tahay inay ogyihiin in Ilhaan Cumar ay tahay qof aad u adag oo taageero badan gudaha ku leh, taariikh hore oo fiicanna ku leh degmada, kaliya maaha adeegyada la qabto, laakinse sido kale hogaanka siyaasadda iyo hindiseyaasha malin kasta caawiya dadka degmada” ayuu yiri Usamah Andrabi oo warbaahinta u qaabilsan Justice democrats oo ah koox taageerta ‘kooxda’.

“Waxay ila tahay inay ogyihiin inay tahay qof khatar ku ah, taa micnaheeduna ma aha inaysan lacag u adeegsanayn xataa haddii ay sidaa tahay” ayuu sii raaciyey

Ilhan/Samuels
Qoraalka sawirka,Don Samuels iyo Ilhaan Cumar

AIPAC iyo kooxaha kale ee galaangalka u sameeya Israa’iil ee a y ka midska yihiin PAC iyo United democratic project waxay u arkayaan Ilhaan in aan la loodin karin.

”Waxay ila tahay inay ogyihiin in Ilhaan Cumar ay tahay qof aad u adag oo taageero badan gudaha ku leh, taariikh hore oo fiicanna ku leh degmada, kaliya maaha adeegyada la qabto, laakinse sido kale hogaanka siyaasadda iyo hindiseyaasha malin kasta caawiya dadka degmada” ayuu yiri Usamah Andrabi oo warbaahinta u qaabilsan Justice democrats oo ah koox taageerta ‘kooxda’. ”Waxay ila tahay inay ogyihiin inay tahay qof khatar ku ah, taa micnaheeduna ma aha inaysan lacag u adeegsanayn xataa haddii ay sidaa tahay” ayuu sii raaciyey.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congreska Mareykanka ayaa bartamihii 2021 waxay jawaab kulul oo naadir ah siisay xubnaha ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Dimuqraadiga ka dib hadal horey uga soo yeeray oo ay Mareykanka iyo Israa’iil la barbar dhigtay kooxaha Taliban iyo Xamas.

Tiro xildhibaano Israa’iil u ololeeya ayaa Ilhan Cumar ugu baaqay inay “cadeyso ereyadeeda”, laakiin Ilhaan oo ah wakiilka Minnesota ayaa si kulul u wareertay xildhibaanadan.

In muddo ahba Ilhaan Cumar waxay si aan gabbasho lahayn u dhaliilsanayd siyaasadaha Israa’iil, waxaana loo fasirtay arrintaas ‘yuhuud nacayb’. 5 sano ka hor ayaa wargysyada Israa’iil waxay ka qoreen qoraallo ay afkaarteeda ku naqdinayaan.

Muddo iminka laga joogo laba sano ayaa ilhaan laga saaray guddiga arrimaha dibadda ee aqalka koongareeska, aqalkaas oo ay u badnaayeen xubnaha xisbiga jamhuuriga.

kooxda

Waxa ay Ilhaan ku eedeeyeen in ay horay u dhaliishay Israa’iil, arrintaas oo uu ku gacan-sayray xisbiga ay ka tirsan tahay ee Dimuqraadiga.

218 xubnood ayaa u codeeyay in Ilhaan laga saaro guddigaas, halka 211 xubnood ay diideen mooshinkaas.

“Waxaa jira feker ah in aad tahay la tuhunsane haddii aad tahay soogalooti, aad ka soo jeedo qeybo gaar ah oo kamid ah caalamka, ama iyadoo lagu saleynayo midabkaaga ama in aad haysato Diinta Islaamka,” ayay tiri Ilhaan.

Ilhaan Cumar waxay markii afaraad u tartamaysaa in laga soo doorto degmada shanaad oo ah Minneapolis iyo deegaannada ku xeeran.

Ninka la tartamaya Ilhaan, Don Samuels, oo ka markiisii hore ka yimid Jamaica, taageerada uu ka helayo AIPAC ma cadda inta ay le’eg tahay, laakin hore ayuu ugu dhaliilay inay Ilhaan ka hortimid oo ka codaysay qorshe cod loogu qaadayey dhaqaale la siin lahaa ciidanka Israa’iil, isagoo arrintaa awgeed ku tilmaamay in ”degmada ay ka dhigtay mid faquuqan oo ka gooni u go’an”.

Faahfaafin ka soo baxaysa wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ee wakhtigooda laga soo hormariyey

Faahfaafin ka soo baxaysa wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ee wakhtigooda laga soo hormariyey

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmi doona Ankara toddobaadka soo socda si ay uga wada hadlaan khilaafka ka dhashay is-afgaradkii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland sanadkan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.

“Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay marin u yeelato badda, islamarkana ay Itoobiya qirto midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee soomaaliya” ayuu Hakan Fidan ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul Jimcihii.

Ku dhawaaqida Fidan ayaa timid todobaad ka dib markii uu booqday Addis Ababa oo uu la kulmay rai’sul wasaaraha itoobiya Abiy Axmed.

Turkigu waxa uu dhexdhexaadin ka dhex wadaa Itoobiya iyo Soomaaliya, oo xiriirkoodu xumaaday bishii January, markii Itoobiya iyo Somaliland ay sheegeen inay isku afgarteen in 20 km oo bad ah laga kireeyo taa badalkeedana ay Itoobiya aqoonsato Somaliland.

Maxaa loo fasiran karaa hadalka Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.

Xasan sheekh iyo abiy Axmed

Turkiga wuxuu saaxiib dhow la yahay Soomaaliya, isagoo dhisay iskuulo, isbitaallo iyo kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna deeq waxbarasho u fidiyay Soomaalida Turkiga.

Sanooyinkii ugu dambeeyay waxaa uu Turkiga ahaa mid si wayn ugu foogan arrimaha gobolka geeska Afrika.

Maxamed Xirsi salaad (Dhegaweyne) oo ah cilmi baare iyo falanqeeye ayaa qaba in hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ay ka muuqatay kalsooni uu labada dhinac ku qabo.

Waxaa uu intaa ku daray in waqtigii loo qabtay wadahadalada in laga soo hormariyay ay muujinayso in wadahadalada hormaro laga gaaray oo ay rejo jirto.

“Waxaa loo fasiran karaa in wasiirka uu haysto kalsooni dhinaca Soomaaliya iyo Itoobiya taasi oo keentay in uu ku dhiirado in shirki lagu madlanaa inuu dhaco september loo soo wareejiyo Agoosto, taasi waxay ku tuseysaa yadidiilo fiican” ayuu yiri Maxamed.

Mr Maxamed ayaa dhanka kale xusay in haddii ay Itoobiya ay dhacdo in ay hesiiska ka noqoto ay taasi noqon doonto “guul u soo hoyatay” dowladda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay uga dhigan tahay guul ay dowladu gaartay, mahaduna ay Turkida leeyihiin oo arrintan shaqo fiican ka qabtay” ayuu intaa ku daray.

Maxamed Xirsi salaad ayaa dhanka kale sheegay in Turkiga uu maalgashaday soomaaliya iyo Itoobiya labadaba, islamarkaana uu labada dal-ba saaxiib la yahay taasi oo u sahleysa in uu xal ka keeno wadaxaajoodyada.

“Doorka Turkiga waxaad dareemeysaa 10 sano ee la soo dhaafay inay sii kordhayso dadaalkiisa Afrika gaar ahaan geeska Afrika, Soomaaliya iyo Itoobiya labaduba Turkiga wuu maalgashtay labadiisa gacmood waaye waana sabbata keenaysa in uu isu keeno” ayuu yiri Dhegaweyne.

Haddii ay Itoobiya ka noqoto is-afgaradka sidee u arki kartaa Somaliland?

Abiy axmed iyo Muuse Biixi

Waxaa 1-dii Janaayo magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday heshiiska is afgarad ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska dekedda ku tilmaantay mid laga xumaado oo aan la qabali karin.

Qareen Guuleed Dafac oo ka faallooda arrimaha Somaliland ayaa sheegay in wali ay jiraan waxyaabo aan kala cadeyn oo ku saabsan wadahadalada, islamarkaana aan laga hordhici karin.

“Waxa jira waxyaabo badan oo aan kala cadeyn sababtoo ah Soomaaliya nafteeda waxay u aragtaa xeebaha Somaliland qeyb ay iyadu leedahay oo ay bixin karto, marka ma kala cadda xeebaha laga hadlayo inay Itoobiya heleyso inay yihiin kuwa ku yaalla Somaliland iyo in ay yihiin kuwa kale ee dhinaca kale dhaca ee badwaynta Hindiya ” ayuu yiri Mr Guuleed.

Waxaa uu intaa ku daray in haddii ay dhacdo in Itoobiya ay ka noqoto is-afgaradka ay Somaliland u arki karto khayaano lagu sameeyay.

“Waxay ila tahay in Somaliland ay u arki doonto inuu yahay arrin heshiis ka bax ah oo ay Itoobiya ku sameysay mana soo dhaweyn doonto, waxaanan filayaa inay ka xumaan doonto inay taasi dhacdo, oo ay u arki doonto in la khayaameeyay oo lagaga baxay heshiiyo muhiim u ahaa inay gasho” ayuu intaa ku daray.

Mr guuleed ayaa farta ku fiiqay in tallaabada iyo sida ay Somaliland uga jawaabi karto ay ku xiran tahay waxa uu ku soo dhamaado wadahadalka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Iyo Itoobiya.

“Tallaabada Somaliland ay qaadeyso xadkeedu waxaa uu ku xirnaan doonaa heshiiskaasi wuxuu noqdo iyo halka uu ku arooro,” ayuu intaa raaciyay.

Guuleed Dafac ayaa dhanka kale sheegay in haddii is-afgaradkii Itoobiya ay dhacdo in laga laabto ay taasi si gaar ah ay u taabanayso madaxwaynaha Soomaaliland oo heshiikani u arkayay mid muhiim u ah dib u doorashadiisa.

“Haddii heshiiskaas laga noqdo waxay si gaar ah u taabanaysaa madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo heshiiska galitaankiisa ka dhigay arrin u muhiim ah isaga iyo dib u doorashadiisa”ayuu yiri Mr Guuleed.

Does Abiy Ahmed Understand that Oceans are Like Other Resources?

The Ethiopian prime minister, Abiy Ahmed, has repeated separate occasions that his country has a population of 120 million and that their landlocked country would not survive economically if Ethiopia does not get an ocean access. He argues that his country spends around $1.6 billion dollars for port fees, and he instead prefer to have an ocean access with or without force. Abiy’s ambition is to have a free Red Sea access to build a port and then to save the money that now Ethiopian spends.

As we all know, there are more than forty-one landlocked countries around the globe, and Ethiopia is one of them. We have never heard those landlocked countries such as Austria, Tajikistan, Zambia, Uganda, or Bolivia who complain and threaten to other countries for free sea access. Instead, all landlocked countries pay port fees with appreciation.

Every country prefers to get free resources from other countries, but that would not be possible. For instance, India and China have a population of 2.9 billion. Both countries consume twenty million barrels of oil each day, which costs them billions of dollars. India and China have never asked oil producing countries such as Russia and Saudi Arabia to get a free oil wells to save the billions of dollars that they current spend and never have complaint the huge money they spend on oil imports. Alternatively, countries can negotiate for lower port fees or commodity prices, but free is out of the topic. Does Abiy Ahmed understand that oceans are like other resources such as oil, timber, gold and diamond, copper, and iron?

Ethiopia should stop the meaningless argument, which says if Ethiopia gets a free ocean, it will become a rich country and escapes the dire poverty. Before now, Ethiopia had an ocean access (Eritrea) when the worst famine occurred in 1983 to 1985. If ocean access resolves poverty, that famine in Ethiopia would not have occurred at all.

The Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed and Ethiopian politicians should find better ways to improve the country’s overall economy to eliminate the poverty. One of the best methods to reduce the poverty is to invest the education of the country. Second, the population reduction is another way to lower the poverty because Ethiopia does not have enough resources, so the high population growth would increase the unemployment and poverty rate. Finally, the Ethiopian government should not think and search the ocean that it does not own for free, instead, they should improve their economy and pay port fees as other landlocked countries do.

ITOOBIYA 00 DEKED KA CODSAN DOONTA SOOMAALIYA

Wasiirka Arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga ayaa sheegay in Ethiopia ay dhawaan dowladda Soomaaliya uga codsan-doonto helitaanka dekad islamarkaana ay aqoonsandoonto madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Wasiirka ayaa yiri”Waxaan rabaa in aan Madaxweynaha u soo gudbiyo in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isku raaceen hanaan iyo qorshe lagu soo afjarayo khilaafkii ka dhaxeeyay Itoobiya iyo Somalia waqtiga ugu dhaqsaha badan Itoobiya ayaa si rasmi ah uga codsan doonto Soomaaliya helida deked. Sidoo kalana waxaa ay aqoonsan doonto Madax bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Soomaaliya taas ma ahan mid shaki ku jiro

Waa qorshe shaqadiisa hadda socoto ,waxaan sidoo kale wadnaa in wajiga labaada ee shirka uu dhaco isbuuc soo socoda Insha Allah”