Sweden oo muhaajiriinta siineysa $34,000 qofkiiba si ay dalka uga baxaan

Sweden oo muhaajiriinta siineysa $34,000 qofkiiba si ay dalka uga baxaan

Sweden ayaa qorsheyneysa inay kordhiso, oo ay gaarsiiso illaa $34,000, lacagta la siinayo dadka soo-galootiga ah si ay uga tagaan dalkaas gabaadka u noqday dad ka soo cararaya dagaallada iyo caburinta, sida ay Khamiistii sheegtay dowladda garabka midig.

Dalkan Scandinavian-ka ayaa waxaa muddo tobanaan sano ah loo arkayey inuu yahay “mid ku sarreeya bani’aadannimada,” laakiin sannadihii la soo dhaafay waxa uu la xarbinayey sidii uu dadka cusub ee imanaya ugu dhex-mili lahaa bulshada.

Dadka soo-galootiga ah ee si iskood ah ugu laabanaya dalalkii ay ka yimaadeen laga billaabo 2026 waxay xaq u yeelanayaan inay helaan ilaa 350,000 oo karoon Swedish ah oo u dhiganta $34,000, sida ay shir jaraa’id ku sheegtay dowladda ay taageeraan xisbiga ka soo horjeeda soo-galootiga ee Sweden Democrats.

“Waxaan ku jirnaa isbedel ku yimid siyaasaddeena socdaalka,” ayuu wasiirka socdaalka Johan Forssell u sheegay warfidiyeenka, iyadoo dowladdu ay soo bandhigtay tallaabadii ugu dambeysay ee ay kaga hortagayso tahriibka.

Hadda, soo galootigu waxay heli karaan ilaa 10,000 oo karoon qof kasta iyo 5,000 karoon ilmaha, aada oo ugu badnaan qoyskiiba loo ogol yahay 40,000 karoon.

Kooxaha u dooda muhaajiriinta ayaan si deg deg looga helin falcelin ku aaddan go’aanka dowladda.

“Yaboohan waxa uu soo jiray ilaa 1984-kii, balse waa mid aan laga war qabin, waa mid yar oo dad yar ay isticmaalaan,” ayuu yiri Ludvig Aspling oo ka tirsan xisbiga Sweden Democrats.

Forssell ayaa sheegay in hal qof kaliya uu aqbalay yaboohan sanadkii hore.

Aspling ayaa intaa ku daray in haddii dad badan ay ogaadaan yaboohan oo la kordhiyo baaxadda, ay u badan tahay in dad badan ay qaataan lacagta oo ay dalka ka tagaan.

Waxa uu sheegay in dhiiri-gelintan ay u badan tahay in ay soo jiidato dhowr boqol oo kun oo muhaajiriin ah, kuwaas oo ahaa shaqo la’aan muddo dheer ama dakhligoodu aad u yar yahay una baahan cayrta dowladda si ay u noolaadaan.

“Kooxdaas waa tan aan is leenahay way xiiseyn doonaan,” ayuu yiri Aspling.

Yabooha noocan oo kale ah ayaa waxaa qaba dalal kale oo Yurub ah, kuwaas oo muhaajiriinta lacag ku siiya inay dalka ka tagaan.

Danmark waxa ay bixisaa in ka badan $15,000 qofkiiba, halka Norway ay bixiso ku dhowaad $1,400, France $2,800 iyo Jarmalka oo ah $2,000.

Maxamed Dida: Xaggee ayuu ku dambeeyay ninkan mar u tartamay madaxtinnimada Kenya?

Maxamed Dida: Xaggee ayuu ku dambeeyay ninkan mar u tartamay madaxtinnimada Kenya?

Musharraxii hore ee madaxtinnimada Kenya Maxamed Abduba Dida ayaa la sheegay inuu ku jiro xabsi ku yaalla gobolka Illinois, ee dalka Mareykanka.

Sida ay qorayaan warbaahinta gudaha ee Kenya, Dida ayaa lagu xukumay toddoba sano oo xabsi ah, isagoo lagu xiray xabsiga Big Muddy Correctional Centre ee Illinois 18-kii November 2022, kadib markii lagu eedeeyay inuu dabagal iyo hanjabaad u geystay qof aan la magacaabin.

Ninkan 49 jirka ah horena u ahaa macallin ayaa la sheegay in lagu helay labo dembo, kan koowaad ayaa ah inuu dagabal iyo hanjabaad sameeyay, taasoo uu ku muteystay labo sano oo xabsi ah.

Dembiga labaad ayaa lagu sheegay inuu sii kordhiyay dabagalka uuna carqaladeeyay amar booliiska kasoo baxay taasoo uu ku muteystay shan sano oo xabsi

Mar lasoo taagay maxkamad sanadkii 2021, Dida ayaa wuxuu ku jiray xabsi ku yaalla deegaanka Mclean County ee Illinois halkaasoo ah meesha uu ku galay eedeymaha loo heystay.

Dida ayaa kadib aaday maxkamad isagoo sheegay in xuquuqdiisa dastuuriga ah meel looga dhacay, wuxuuna ku dooday in laga hor istaagay helidda barnaamijyo waxbarasho iyo kuwo kale

Sida laga soo xigtay warbaahinta Citizen ee Kenya, waraaqaha maxkamadda oo ku taariikheysan July 8, 2024, ayuu Dida ku sheegay in laga qadiyay helidda barnaamijyo waxbarasho, laga bilaabo 31 may, 2022, xilli uu ku xirnaa xabsiga East Moline Correctional Center

Bishii February 2023, Dida ayaa sheegay in lagu wargeliyay inuusan dib u sameyn karin imtixaanka uuna ku jiro liiska sugidda, kaddib markii uu cabashadiisa gudbiyay, waxaa loo sheegay inuusan geli karin imtixaan amaba uu iskuulka ka qeybgalo ilaa 2027 sababo la xiriira in liiska sugitaanka uu ku xiran yahay taariikhda la filayo in maxbuuska laga sii daayo xabsiga.

Wuxuu kale oo uu sheegay in laga diiday shaqo iyo inuu ka faa’iideysto dhammaanba barnaamijyada.

Ninkan Kenya u dhashay ayaa sidoo kale sheegay in loo diiday daryeel caafimaad, isagoo ku dooday in caafimaadkiisa uu kasii darayay xiliggii uu ku jiray xabsiga.

Dida

Dhanka kale, waraaqaha maxkamadda ayaa muujiyay in Dida uu ka cawday suuxdin dhanka bidix ee jirkiisa ah bishii January 2023, iyadoo xaaladda ay kasii dartay iskuna sii beddeshay barar cagaha iyo faraha ah iyo xanuun dhabarka ah.

Waxaa sidoo kale laga helay dhiig yaraan daran laga soo bilaabo February 2024 kadib markii lagu arkay inuu ku yaryahay fitamiinka B-12. Waxaa sidoo kale loo sameeyay daaweynt toddoba bilood oo la siinayay kaniiniga B-12.

Wuxuu Dida ku dooday in xabsiga lagu hayay uusan ka heli jirin daryeel caafimaad oo wanaagsan.

Xukun soo baxay May 29, 2024, ayaa Qareen Gilbert Sison wuxuu amray in baaritaan lagu sameeyo sheegashada Dida iyo in dadka la eedeeyay, oo ay ku jiraan maamulka xabsiga Warden Kimberly Hvarre iyo maamulaha dhanka caafimaadka, lala xisaabtamo haddii lagu helo dembi.

Si kastaba, maxkamadda ayaa laashay sheegashooyinka Dida, iyadoo sheegtay inaysan lahayn wax dastuuri ah oo gacan siinaya inuusan awoodin helidda barnaamijyo waxbarasho iyo kuwo tababar.

Maxkamadda ayaa sheegtay in kiiskan la laalay isla markaana uu ku guuldarreystay caddeynta xaq dastuuri ah.

Dida ayaa la filayaa in xaruntaas laga sii daayo April 3, 2029.

Suldaan Saciid oo lagu soo dhoweeyey Sweden.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, oo booqanaya dalalka reer galbeedka ee ay ku nool yihiin Soomaalida uu Isimka u yahay ayaa ka bilaabay safarkiisa dalka Sweden. Suldaan Siciid ayaa ah Isimika hogaamiya Saldanada ugu facda weyn bariga iyo Bartamaha Afrika iyo Bariga dhexe.

Mareykanka oo taageeray in Afrika xubin joogto ah laga siiyo Golaha Ammaanka

Mareykanka oo taageeray in Afrika xubin joogto ah laga siiyo Golaha Ammaanka

Dowladda Mareykanka ayaa taageereysa qorshe laba kursi oo joogta ah looga siinayo Africa 15 xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxaa kaloo uu Mareykanka taageerayaa in hal kursi oo wareega oo isna joogta ah la siiyo waddamada yar yar ee Jaziiradaha soo koraya ah, ee ku kala yaalla karibiyanka, Badda Pacifiga, Africa, Badweynta India iyo biyaha Koonfurta Shiinaha.

Safiirka Mareykanka u fadhisa Qaramada Linda Thomas-Greenfield ayaa lagu wadaa in qorshahan ay ku dhawaaqdo maanta oo Khamiis ah.

Warbixin ay arrintan ka qortay wakaaladda wararka ee Reuters waxaa inoo soo koobeysa Sahra Cabdi Axmed.

ONLF oo ka falcelisay hadal la sheegay inuu ka soo yeeray taliyaha militariga Itoobiya

ONLF oo ka falcelisay hadal la sheegay inuu ka soo yeeray taliyaha militariga Itoobiya

Ururka ONLF ayaa ka jawaabtay hadal la sheegay in uu ka soo yeeray taliyaha militariga dalka Itoobiya Birhanu Jula.

Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in ay dowladda Itoobiya uga fadhiyaan in ay faahfaahin ka bixiso islamarkaana ay kala caddeyso hadalka taliyaha.

Afhayeenka ONLF oo BBC la hadlay ayaa sheegay in arrintan ay la yaab ku noqotay islamarkaana aan al aqbali karin.

Cabdulqaadir Xassan Hirmooge (Caddaani) ayaa farta ku fiiqay in ONLF ay hadalkaas u aragto daandaansi.

Afhayeenka ayaa dhankiisa sheegay in horey ay Itoobiya heshiis ula galeen islamarkaana ay nabadda qaateen taasina ay tahay siyasaddooda qeexan ee cad.

“Annaga waad ogeyd lix sano ka hor ayaan heshiis nabad-galyo qaadannay si nabad ah ayaan dhulkeena uga halgameynay, deegaanka ugu nabadsan ayuu dalkeenu ahaa wlina yahay nabad istaraatiji ah ayaanu qaadannay in halgankeennu uu nabad ku socdo dadkeenuna ay ka faa’iideystaan markaas ONLF aragtideeda siyaasigaha ma qariso oo way cadeysay inay jidkaa nabadda hayso,” ayuu intaa ku daray.

Mr Caddaani ayaa carrabka ku adkeeyay in ONLF ay imika tahya xisbi siyaasi ah oo shaci ah islamarkaana aan waligood lagu eedeyn in ay shisheeye ka dambeeyaan.

“Xisbi siyaasi ah oo sharci ah ayaa nahay, xisbi siyaasi ah oo wadanka ka jiro weeye, xisbi siyaasi ah oo nabad qaatay weeye, ONLF cid madax-adeeg ku sheegto waa laga yaabaa inay jirto laakiin inay cid kale ku ladhan tahay ama ka dambeyso ama ku adeegato waligeed cadowgeeda iyo naasixeeda midna kama soo yeerin,” ayuu yiri Mr Caddaani.

Wadahadaladii Asmara ee Itoobiya iyo Ururka ONLF

Afhayeenka ONLF ayaa xusay in Itoobiya ay ka sugayaan labo jawaabood midkood oo ah in ay cadeeyaan in hadlkaas ay si ula kac ah u yiraahdeen ama ay ka cudur daartaan.

“War jiraaba cakaaruhu iman wixii ka soo baxa waan arki doonnaa, waxaan ka fileynaa inay caddeeyaan mowqifkooda oo ay dhahaan waan idinla qasadnay ama ay dhahaan arrintaasi khalad ayay ahayd marka iyagay u taallaa jawaabta ay ka bixinayaan” ayuu intaa raaciyay.

Dhanka kale ONLF ayaa sheegtay in heshiiskii ay Itoobiya la galeen ay ka fushay boqolkiiba 20 islamarkana uusan wada hirgalin.

“Boqolkiiba 10 ama 20 ayaa ka fushay sida in xabbad-joojin ay dhacday oo ah dagaalkii Itoobiya iyo ONLF u dhaxeeyay oo si nabad ah aan u dhaqdhaqaaqno laakiin dhibaatada asalka ahayd ee ah inaan dareemeyno gumeysi inaan dareemeyno gacan-bidxeyn inaanu xasuuq soo marnay inaanu mag-dhaw ku leennahay Itoobiya inaanu ictiraaf ku leennahay dambiyadii ay naga gashay arrimahaasi oo dhan xal laga gaarin” ayuu yiri Mr Caddaani.

Birhanu Jula, abaanduulaha militariga Itoobiya
Qoraalka sawirka,Birhanu Jula, abaanduulaha militariga Itoobiya

Sanadkii 2018 ayay ahyad markii ay ONLF iyo dowladda Itoobiya heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Casmara ee xarunta dalka Ertreya.

Qodobka ugu weyn wuxuu ahaa xabbad joojin, taasoo ay ONLF dhankeeda ku dhawaaqday , Itoobiyana ay sidaa kaga saartay “Liiska ururrada argagixisada ah”.

ONLF waxay mudo dheer ku jirtay halgan ay ku doonaysay in ay ku xoreyso deegaanada Soomaalida Itoobiya, marxalado kala duwan ayuu halgankii hubaysnaa ee ONLF soo maray.

Waxey dagaalo la galeen ciidamadii dalkaasi Ethiopia ee hoos tagayay maamuladii kala duwanaa ee soo xukumayay dalkaas

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday xarunta Shirkadda Huawei ee dalka Shiinaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday xarunta Shirkadda Huawei ee dalka Shiinaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday xarunta Shirkadda Huawei ee dalka Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday xarunta dhexe ee Shirkadda ganacsiga Huawei ee dalka Shiinaha ayaa ku dhiirigaliyay mas’uuliyinta shirkadda sidii ay qayb uga noqon lahaayeen dadka Maalgashiga ku sameysanaya Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyadda XFS mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa madaxda Shirkadda la wadaagay fursadaha Maalgashi ee waqtigan ka jira dalkeenna, gaar ahaan horumarka Soomaaliya ka sameysay dhinaca Tignoolajiyadd

Booqashadan waxaa ku wehliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo qayb ka ah safarka Madaxweynaha ee dalka Shiinaha.

Maxay tahay sababta abalmarinta loo guddoonsiiyay ciidamada Nigeria ee ka howlgala Soomaaliya?

Maxay tahay sababta abalmarinta loo guddoonsiiyay ciidamada Nigeria ee ka howlgala Soomaaliya?

Howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa abaal-marin guddoonsiisay 160-askari oo ka tirsan booliska dalka Nigeria, kuwaasi oo ku muteystay abaal-marinno sida wanaagsan ee ay u guteen howshooda nabad-ilaainta iyo amniga Soomaaliya.

Saraakiisha cutubka 12-aad ee qeybta Booliiska Nigeria (NFPU-12), ayaa billado sharafyo ka guddoomay Midowga Afrika, kaddib munaasabad uu guddoominayay Taliyaha Booliska ATMIS, Hillary Sao Kanu, oo Khamiistii lagu qabtay Muqdisho.

“Waxqabadkaaga mudada halka sano ah ee socdaalkiina shaqo waa mid amaan mudan,” ayuu yiri Kanu. “Waxaad soo bandhigteen hawlkarnimo heer sare ah iyo karti-xirfadeed iyadoo lagu jiro duruufo adag. Adeeggiina waxaa lagu asteeyay geesinimo, adkeysi, iyo dadaal joogto ah oo lagu ilaalinayo dadka Soomaaliyeed iyo taageeridda hammigooda ah dal nabad, iyo ammaan ah” ayuu intaa ku daray.

Isku duwaha Tababarka Booliska ee ATMIS, Samuel Asiedu Okanta, Ku simaha Howlaha Booliska ee ATMIS Richard Evans Onyait, iyo Taliyaha Qeybta Ciidamada Gaarka ah ee Uganda ee Soomaaliya, korneyl Edward Mugisha, ayaa ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee ka qeyb galay xafladda.

Xayeysiin

https://61fbe296802d76eb5cbe1cecac58f742.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga ee ATMIS.

Taliyaha guud ee cutubka booliiska Nigeria ciidamada Nigeria, Shehu Gani Axmed, ayaa ku ammaanay booliiskan waxqabadkooda wanaagsan iyo ka qayb qaadashada guud ahaan waajibaadka ATMIS.

“Cutub ahaan, waxaan ku darsannay qoondadeyn gaarka ah sheekada guusha ATMIS ee raadinta nabad waarta oo laga hirgaliyo Soomaaliya. Marka aan soo gabagabeyno howlaha shaqo ee aan ku jirno, waa ammaan aad u weyn in Soomaaliya ay gaarto nabadda la rabo,” ayuu yiri Mr Axmed.

Justus Asiimwe, oo ah Taliyaha Qeybta Booliska, ayaa bogaadiyay ciidamada Nigeria, waxaana uu sheegay in unugiisa ay wadaan isla howlgalka si ay u taageeraan dadaallada Soomaaliya ee dhanka nabadda iyo xasilloonida.

Booliiska Nigeria ee ka tirsan Atmis

Cutubyada Booliiska ee ATMIS-ku waxay taageero hawleed siiyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sida galbinta iyo ilaalinta, amniga munaasabadaha heerka sare ah, la-talinta iyo tababaridda saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo sugidda amniga xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo howlo kale.

Waddamada Soomaaliya ugu deeqay ciidamada islamarkaana howlgalka qeyb ka ah ATMIS waxaa ka mid ah Ghana, Uganda iyo Sierra Leone.

Howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS oo hore loo oran jiray Amisom ayaa waxay howshooda ka bilaabeen dalka Soomaaliya sanadkii 2007-dii.

Howlgalka oo markii hore ahaa muddo lix bilood ah ayaa ilaa xilligan soo gaaray islamarkaana sanadba sanadka ka dambeeya waxaa la kordhiyaa waqtigooda howlgalka.

Intii ay ku sugnaayeen Soomaaliya waxyaabaha ay ku guuleysteen waxaa ka mid ahaa in magaalada Muqdisho ay ka saareen al-Shabaab.

Qeybta Booliiska ATMIS waxaa ay u xil saaran yihiin inay tababar iyo la talin siiyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa abaal-marin guddoonsiisay 160-askari oo ka tirsan booliska dalka Nigeria, kuwaasi oo ku muteystay abaal-marinno sida wanaagsan ee ay u guteen howshooda nabad-ilaainta iyo amniga Soomaaliya.

Saraakiisha cutubka 12-aad ee qeybta Booliiska Nigeria (NFPU-12), ayaa billado sharafyo ka guddoomay Midowga Afrika, kaddib munaasabad uu guddoominayay Taliyaha Booliska ATMIS, Hillary Sao Kanu, oo Khamiistii lagu qabtay Muqdisho.

“Waxqabadkaaga mudada halka sano ah ee socdaalkiina shaqo waa mid amaan mudan,” ayuu yiri Kanu. “Waxaad soo bandhigteen hawlkarnimo heer sare ah iyo karti-xirfadeed iyadoo lagu jiro duruufo adag. Adeeggiina waxaa lagu asteeyay geesinimo, adkeysi, iyo dadaal joogto ah oo lagu ilaalinayo dadka Soomaaliyeed iyo taageeridda hammigooda ah dal nabad, iyo ammaan ah” ayuu intaa ku daray.

Isku duwaha Tababarka Booliska ee ATMIS, Samuel Asiedu Okanta, Ku simaha Howlaha Booliska ee ATMIS Richard Evans Onyait, iyo Taliyaha Qeybta Ciidamada Gaarka ah ee Uganda ee Soomaaliya, korneyl Edward Mugisha, ayaa ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee ka qeyb galay xafladda.

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga ee AMISOM

Taliyaha guud ee cutubka booliiska Nigeria ciidamada Nigeria, Shehu Gani Axmed, ayaa ku ammaanay booliiskan waxqabadkooda wanaagsan iyo ka qayb qaadashada guud ahaan waajibaadka ATMIS.

“Cutub ahaan, waxaan ku darsannay qoondadeyn gaarka ah sheekada guusha ATMIS ee raadinta nabad waarta oo laga hirgaliyo Soomaaliya. Marka aan soo gabagabeyno howlaha shaqo ee aan ku jirno, waa ammaan aad u weyn in Soomaaliya ay gaarto nabadda la rabo,” ayuu yiri Mr Axmed.

Justus Asiimwe, oo ah Taliyaha Qeybta Booliska, ayaa bogaadiyay ciidamada Nigeria, waxaana uu sheegay in unugiisa ay wadaan isla howlgalka si ay u taageeraan dadaallada Soomaaliya ee dhanka nabadda iyo xasilloonida.

Booliiska Nigeria ee ka tirsan Atmis

Cutubyada Booliiska ee ATMIS-ku waxay taageero hawleed siiyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sida galbinta iyo ilaalinta, amniga munaasabadaha heerka sare ah, la-talinta iyo tababaridda saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo sugidda amniga xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo howlo kale.

Waddamada Soomaaliya ugu deeqay ciidamada islamarkaana howlgalka qeyb ka ah ATMIS waxaa ka mid ah Ghana, Uganda iyo Sierra Leone.

Howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS oo hore loo oran jiray Amisom ayaa waxay howshooda ka bilaabeen dalka Soomaaliya sanadkii 2007-dii.

Howlgalka oo markii hore ahaa muddo lix bilood ah ayaa ilaa xilligan soo gaaray islamarkaana sanadba sanadka ka dambeeya waxaa la kordhiyaa waqtigooda howlgalka.

Intii ay ku sugnaayeen Soomaaliya waxyaabaha ay ku guuleysteen waxaa ka mid ahaa in magaalada Muqdisho ay ka saareen al-Shabaab.

Qeybta Booliiska ATMIS waxaa ay u xil saaran yihiin inay tababar iyo la talin siiyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Culusoow iyo iyo Xi oo isku raacay xoojinta xiriirka labada dal

Culusoow iyo iyo Xi oo isku raacay xoojinta xiriirka labada dal

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay magaalada Beijing madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, sida ay sheegeen labada dhinac.

“Labada Madaxweyne ayaa waxay isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, lana gaarsiiyo heer sareeya oo iskaashi istiraatiiji ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada shacab,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Sida lagu yiri qoraalka, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay siyaasadda labada dal “ee ku salaysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed ee labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnimada.”

Dhinaca kale, warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa qortay in Xi Jinping iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay ku dhowaaqeen sare u qaadista xiriirka labada dal oo la gaarsiiyo heer iskaashi istiraatiiji ah.

“China waxay dooneysaa iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, kalluumeysiga iyo tababarrada shaqaalaha,” ayuu Xi u sheegay mar uu la kulmay Xasan Sheekh oo Beijing uga qeybgalaya Shir Madaxeedka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee 2024-ka (FOCAC), sida ay ku warantay warbaahinta Biejing.

Xi ayaa sheegay in Shiinuhu uu sii wadi doono taageerada uu siiyo howlgallada nabad ilaalinta caalamiga ah ee Soomaaliya, isla markaana uu dalka ka taageeri doono sidii kor loogu qaadi lahaa awooddiisa horumar madax-banaan, la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta xasilloonida.

Madal

Tacsi Cabdi casiis Maxamed Saciid

Bahda  Allsanaag, waxay  tacsi tiiraanyo leh u dirayaan   qoyskii,  eheladii,  Caruurtii iyo qaraabadii uu  ka geeriyooday Allah h u naxariistee Cabdi Casiis Maxamed Siciid Maxamed Xaaji oo ku geeriyooday gobolka British Columbia, Canada

Waxaan halkan si gaar ah ugu tacsiyadeenaynaa Adeerkiis uu jeclaa Cumar Saciid Walaalihiis u ka mid yahay saaxiibkayo Najiib iyo Caruurtii uu ka tegay

Marxuum Cabdi Casiis Maxamed Siciid  , waxaan Allah uga baryeeynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaabkiisana   midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii uu  ka baxayna Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah  ka siiyo, Aammiin, Aammiin.

(tacsidan mid la mid ah waxa na soo gaarsiiyey asxaabtiisii oo ay ka mid yihiin Kayse Seeraar iyo Cabdiraxmaan Qablan