Maamulada Jubbaland iyo Puntland iyo Beesha caalamka oo kulmay

 Madaxweynayaasha Dowladdaha Puntland iyo Jubaland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya sida Safiirada Mareykanka, UK, Sweden, Midowga Europe iyo Talyaaniga.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, iyo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

Deni oo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa weftiga Madaxweynaha kusii sagootiyey Garoowe.

Sayidka oo tababar Ciidamada Daraawiishta

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Tababar usoo xiray Cutubyo katirsan Ciidamada Darawiishta Dowlada Jubaland.

Ciidamadan oo si gaar ah u tababaran ayaa ka qaybqaadanaya Howlgalada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab oo ay wadaan Ciidamada Darawiishta Jubaland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la isku furi doono Magaalooyinka xorta ah sidoo kalana ay Ciidamadan qaadi doonan howlgal ka dhan ah deegaanada ay Argagixisadu ku sugan yihiin iyagoo kaashanaya dadka Shacabka ah si ay uga dulqaadan dhibaatada ay Argagixisadu ku hayso.

Kulankii Deni C.C. Shakuur

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Sahkuur Warsame, waxaana labada Mas’uul ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo la xariira siyaasadda dalka iyo arrimo kale.

Wafdi uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa gaaray Puntland, waxaana wararku sheegayaan kulan uu u socdo labada Mas’uul.

War uu soo saaray Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa waxaa uu ku sheegay in kulanka uu la qaatay Deni uu ku saabsanaa arrimaha siyaasadda iyo sidoo doorashada soo aadddan, waxaana si gaar ah ay uga wada hadleen Xiliga kala guurka ah ee dalku galayo.

“Waxaan aniga wafdigii safarka igu wehliyey kulan la qaadanay madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid C/laahi Deni, Waxaan iska waraysanay xaaladda siyaasadeed ee dalka guud ahaan iyo gaar ahaan xilliga kala guurka ah” ayuu yiri CC Shakuur.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa maanta la filayay in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho balse waa uu ka baaqday, waxaana wararku ay sheegayaan in maalinta berri ah uu soo gaari doono Muqdisho si uu uga qayb galo shirka ay wada-yeelan doonaan Madaxweyne farmaajo, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo maadxweyne Deni.

Orad Yugaandhiiska Wareeyso

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Farmaajo uu doonayey wadahadalkii ka dhacay Jabuuti ee u dhaxeeyay maamulka Hargeeysa iyo Dawladda Federaalka uu Farmaajo uga dan lahaa in doorashada uu ku gallo. Faysal ayaa sidoo kalle sheegay in dawladdii faqashta ay rideen ayna doonayaan in caalamka ay si toos ah ulla xiriiraan.

Faysal oo ah nin siyaasadda ku soo booday ayaa ka xanaaqay su’aal uu wariyaha weeydiiyey oo ku saabsaneed doorashada ay beeshooda qabsanayaan, wuxuuna ku yiri, “Waxba kaama gellin, (is not your business) kuwiina Yugaandha ka waran, orad Yugaandhiiska wareeyso, mine yours, taada ka fakir, waxaasaad waqti ku lumineeysaan.” Faysal oo ah nin aan ixtiraam laheen ayaa wariyaha ku yiri, Carabtaba waa kalla wadan oradoo naga tag, wadaniyadna garanmeeysaan orad ha idin xukumo Farmaajo, iyo waxyaalo kalle oo badan.” Hadaba wareesigaas fadlan hoos kala soco.