26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Sahkuur Warsame, waxaana labada Mas’uul ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo la xariira siyaasadda dalka iyo arrimo kale.

Wafdi uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa gaaray Puntland, waxaana wararku sheegayaan kulan uu u socdo labada Mas’uul.

War uu soo saaray Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa waxaa uu ku sheegay in kulanka uu la qaatay Deni uu ku saabsanaa arrimaha siyaasadda iyo sidoo doorashada soo aadddan, waxaana si gaar ah ay uga wada hadleen Xiliga kala guurka ah ee dalku galayo.

“Waxaan aniga wafdigii safarka igu wehliyey kulan la qaadanay madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid C/laahi Deni, Waxaan iska waraysanay xaaladda siyaasadeed ee dalka guud ahaan iyo gaar ahaan xilliga kala guurka ah” ayuu yiri CC Shakuur.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa maanta la filayay in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho balse waa uu ka baaqday, waxaana wararku ay sheegayaan in maalinta berri ah uu soo gaari doono Muqdisho si uu uga qayb galo shirka ay wada-yeelan doonaan Madaxweyne farmaajo, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo maadxweyne Deni.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*