Ceebta qabsatay kooxdoii reer Maakhir soo qoysataye yaa kuu xiiraya?
Kooxdii reer Maakhir ee loo samaystay Burburka Puntland ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo ayna haba yaraatee wax soo dhowayn ah kala kulmin madaxdii Dhulbahante ee Khaatumo iyo kuwii Federaalka ee Xildhibaan Timacade hogaaminayey.
Halka Siyaasiyiintii Hawiye iyo Dir ee Muqdisho ku yimid ee soo gaaray laascaanood lagu soo dhoweeyey caleemo qoyan iyo guryo qurxoon, sida la sheegay kooxdii Maakhir markii ay waayeen meel ay seexdaan waxay dantku ku kaliftay inay sexdaan qaybo ka mid Cisbitaalka dadka waalan ee magaalada Laascaanood.
Maxaan ka ognahay faahfaahinta heshiiska baaritaanka shidaalka berriga ee Soomaaliya iyo Turkiga
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa heshiis ka gaaray baaritaanka shidaalka iyo gaaska ku jira berriga, kaasoo u damaand qaadaya hay’adda tamarta ee dawladda Turkigu maamusho inay hesho xuquuqda baaritaanka ee ay ku samaynayso seddex xirmo oo Soomaaliya ku yaalla sida ay saraakiil sheegeen Khamiistii.
Heshiiska oo lagu saxiixay Ankara ayaa u saamaxaya hay’adda shidaalka ee Turkiga (TPAO) inay billowdo daraasad xagga dhulka ah oo ay ku samayso ugu badnaan 16,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah.
Arrintan ayaa qayb ka ah dadaal balaaran oo ay labada waddan ku sii balaarinayaan iskaashigooda dhinaca tamarta.
Maxay labada dhinac ka yiraahdeen
“Iskaashiga u dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya waa mid sii kobcaya” ayuu yiri wasiirka tamarta iyo khayraadka dabiiciga ee Turkiga Alparslan Bayraktar isagoo ka hadlayey xafladdii saxiixa.
“Hay’adda TPAO waxay isticmaalaysaa hanaanka baaritaanka lakabyada dhulka oo ah mid aad u sarreeya, si ay u qiimayso meelaha ay ku jiraan hydrocarbon. Natiijada ay xogta keento ayaa lagu salayn doonaa qoditaanka” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka batroolka iyo khayraadka macdanta ee Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa isna ku tilmaamay heshiiska inuu qayb ka yahay iskaashi weli socda. “Maalin taariikhi ah ayey dhamaanteen noo tahay. Haddii sahamintu ay hagaagto, waxaan rajeynaynaa in iskaashi intan ka ballaaran uu sii socdo” ayuu yiri wasiirka.
Wuxuu intaa ku daray in ay jiri doonto koox Soomaaliya loo dirayo si ay u soo sameeyaan qiimayn iyo diyaar garow.
Heshiiska baaritaanka shidaalka berriga ayaa ah mid daba socda heshiiskii baaritaanka badda ee ay labada dal gaareen Maarso 2024.
Muxuu dhigayaa heshiiskan cusub
Waxyaabaha heshiisku dhigayo, inkastoo aan shaaca laga qaadin kharashka ku baxaya, waxaa ka mid ah in seddexda xirmo ee shidaalka laga baarayo ay ku yaallaan maamul goboleedka Koofur galbeed.
“Ka qayb ahaan wejiga xiga, hay’adda batroolka ee Soomaaliya (SPA) waxay diyaarinaysaa inay qaabisho wafdiga 1aad ee ah injineerrada ka socda TPAO, kuwaasoo ujeedadooda ugu horraysa ay tahay inay diiradda saaraan qiimayn xagga amniga ah oo ballaaran, ka hor inta aan la soo dirin kooxda sahanka samayn doonta” ayaa lagu sheegay qoraal ay soo saartay hay’adda batroolka Soomaaliya.
Qoraalku wuxuu intaa ku darayaa in sahankan berriga laga samaynayo uu yahay kii ugu horreeyey ee la sameeyo tan iyo 1985, wuxuuna intaa ku daray in hindisahan ay rumaysan yihiin inuu qayb ka qaadan doono adkaynta amniga ee heer gobol iyo mid maxalli ah intaba, uuna “kobcin doono shaqaaleynta iyo fursadaha shaqo ee bulshada Soomaalida, uuna kaalin ka qaadan doono horumarka wakhtiga dheer ee kheyraadka dabiiciga ee dalka”.
Wasiirka shidaalka ee Turkiga Alparslan Bayraktar wuxuu sheegay in Istanbul ay marti gelin doonto shir madaxeed ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah, kaasoo la qaban doono bisha soo socota ee Maajo horraanteeda.
Wuxuu intaa ku daray in markabka sahanka ee Oruc Reis ee hadda ku sugan xeebaha Soomaaliya uu weli wado sahanka lakabyada ee loo yaqaanno 3D.
Markabka ayaa soo afjaray ilaa 78% hawlaha baaritaanka shidaalka sida uu sheegay wasiirka shidaalka ee Turkiga. “Wixii loo gaaro dhamaadka bisha Maajo, waxaan soo gaba gabayn doonnaa baaritaannada sahanka ee halkaa ka socda” ayuu yiri.
Saddexdii bisha Juun 2016 ayey ahayd markii ugu horreysay ee Soomaaliya iyo Turkiga ay kala sixiixdeen heshiis is afgarad oo ku saabsan tamarta iyo macdan qodista. Heshiiskan waxaa dib u dhigay afganbigii dhicisoobay ee 15-kii bisha Luulyo 2016 dalka Turkiga ka dhacay, balse mar labaad ayaa is afgaradkaasi yimid miiska ahmiyadda ee Turkiga kadib markii madaxweyne Erdogan uu baarlamaanka dalkiisa horgeeyay si ay u meel mariyaan.
Isaaqland oo gudaha iyo dibaddaba ka wadda olole ay ku diiddan tahay tegitaanka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee laascaanood
Horjoogaha Isaaq Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo ku sugan magaalada Washington ayaa ka hadlay socdaalka la filayo inuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ku tago magaalada Laascaanood, waxaana uu sheegay inay kala hadleen Maraykanka oo ay ka dacweeyeen in “laga hor istaago tagitaankiisa Laascaanood”.
Waxaa uu horjooguh ka hadlay madal barta X ee horay loogu yaqaanay Twitter, isaga oo ka sheegay sida ay uga soo horjeedaan socdaalka la filayo ee ra’iisul wasaaraha, ayna keeni karto dhibaato iyo xasilooni daro ku saabsan gobolka.
Horjoogahan ayaan hadalkiisa ku caddeyn cidda sida gaarka ee masuuliyiinta Maraykanku oo uu ugala hadlay, uuna si guud uga hadlay safarka ra’iisul wasaare Xamse iyo dacwada ay u gudbiyeen dowlada Washington.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo wareysi siinayay BBC ayaa sheegay in “Laascaanood ay tahay Somaliland”, isaga oo “daandaansi iyo xasarad ku tilmaamay” safarka ra’iisul wasaare Xamse ee Laascaanood.
”Waxaan u aragnaa nafis siyaasi ah markii ay ku fashilmeen dowladda Muqdisho ka talinaysay amniga in ay sugto, midnimadii inta Soomaali isku hadhay sugto, inay sugto wixii loo igmaday ee dowlad ay ku ahaayeen. Isaaqlland waxaa ka go’an inay difaacato xuduudaheeda iyo dalkeeda iyo dadkeedaba wax kasta oo ay ku qaadato. Tani waa colaad, waxaan u aragnaa xadgudub, jawaab uu fahmi karana waan ka bixinaynaa” ayuu yiri.
Isaaqland hadda kama taliso Laascaanood, waxaana wasiirku uu ka jawaabayaa sida hadalkooda uu saameyn ugu yeelan karo.
”Laascaanood waa Somalialand adduunka oo dhan baa u aqoonsan. Xuduud caalami ah oo Somaliland ay leedahay ayaa jirta Laascaanoodna ay qayb ka tahay, annagu waxaan qabnaa Laascaanood hanaga careysnaato ama hanoo soo noqotee inay tahay dowlad Somaliland qayb kamid ah. In ay tahay dhul Somaliland, dadkeeduna yihiin Somaliland, inay nala dhasheen, nala dhaqmeen oo aan dhalasho iyo dhiig wadaagno. Somaliland iyo Laascaanood laba kala go’aya ma aha, waynu is ag joogaynaa ilaa qiyaamaha, waanuna heshiin doonaa” ayuu yiri Axmed Yaasiin.
Diyaar garowga soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha
Waxaa Laascaanood ka socda abaabulka iyo soo dhoweynta ra’iisul wasaaraha, iyada oo Maanta ay tagtay diyaaradii ugu horaysay oo wadda qaar ka mid ah ciidamada madaxtooyada iyo qayb ka mid ah xafiiska hab maamuuska xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana meesha ay ka saartay hadalhaynta ah in uusan ra’iisul wasaaruhu tagayn Laascaanood, sida uu sheegay Wariye Faysal Jaamac oo ah weriye madax banaan oo ku sugan Laascaanood..
“Magaalada Laascaanood iyo Garoonka Diyaaradaha inta u dhaxaysa ayaa lagu dhajiyay sawirada ra’iisul wasaaraha, waxaana si aad ah loo adkeeyay amaanka garoonka” ayuu yiri faysal oo BBC u warramay.
Wafdiga horudhaca ah ayaa u badan ciidan iyo xubnaha hab-maamuuska xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana weli ka hadlin wafdiga horudhaca, maamulka SSC Khaatumo ee hadda ka taliya gobolkaasi.
Tan iyo intii uu ra’iisul wasaare Xamse ka hadlay tagitaankiisa Laascaanood, waxaa socday diyaar garów iyo soo dhoweyn la xiriirta imaatinkiisa.
Dhankiisa, Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Bare oo saddex maalin ka hor ka hadlay safarkiisii Laascaanood ayaa sheegay inuu uga mahdcelinayo shacabka deegaankaasi niyad wanaagooda la xiriira safarkiisa qorshaysan.
”Booqashada aan ku tagi doono magaalada Laascaanood, haddii illaahay yiraahdo, waa boqasho qorshaysan oo ku imaan doonta xilligii loo madlay, waxaana ka wada shaqaynaya xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo hoggaanka maamulka SSC, marka iyaga halaga war sugo ayaan oran lahaa” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse.
Waxaa uu intaas raaciyay booqashada uu ku tagi doono Laascaanood ay tahay mid lagu xoojinayo xiriirka wada shaqayneed ee maamulka SSC Khaatumo iyo xukuumada Federaalka Soomaaliya, oo aysan ahayn mid wax loogu dhimayo deegaan ama maamul Soomaaliyeed.
”Illaaheey hana gaarsiiyo, waxaan leeyahay hay’adaha howshaa iska leh ayaan ka sugaynaa iyo qorshaha xilligii loogu talagalay, waxaanse caddeynayaa dadkeena sharafta leh in aan soo aragno oo soo salaano oo aan la soo noolaano diyaar baan u nahay, waana uga mahadcelinayaa niyad wanaaga iyo Soomaalinimada iyo walaaltinimada ay noo muujinayaan” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse.
Saynab Yaasiin: Weriye laga diiday inay xijaab xirato oo iska casishay telefishin caan ah iyo dood ka dhalatay
Go’aan iscasilaad ah, bayaan rasmi ah, iyo falcelin caro leh oo baraha bulshada laga bixiyay… Waa sida wariye Saynab Yaasiin ay uga tagtay shaqadii ay ka heysa telefishinka Lubnaan waxa ayna noqotay arrin ay dadku aad u hadal-hayaan.
Saynab ayaa ku dhawaaqday in laga mamnuucay inay ka soo muuqato shaashadda xijaabkeeda awgii, tallaabadaas oo dib u furtay dood ku saabsan xorriyadda hadalka ee warbaahinta dowladda iyo xadka waxa loo yaqaan ‘dhexdhexaadnimada muuqaalka” ee hay’adaha rasmiga ah.
Aragtiyada ayaa u kala qaybsamay kuwa u arka xayiraadda mid takoor ah iyo kuwo difaacayay xeerarka kanaalka, taas oo ka tarjumaysa sida ay xasaasi u tahay arrintan iyo kala duwanaanshaha aragtiyaha.
Saynab, oo dhowaanahan ahayd weriye ka soo warami jirtay dagaalladii dhawaan ka dhacay Lubnaan, ayaa iscasilaaddeeda u gudbisay wasiirkii warfaafinta ee Lubnaan Paul Morcos, iyada oo su’aal ka waydiisay waxa ay ugu yeertay waddaniyad kala daadsan, waxaanay sheegtay in waaxdu “aysan ahayn mid u siman dhammaan shaqaalaheeda, balse kaliya kuwa aan xidhnayn xijaabka.
Go’aankaasi waxa uu dhaliyay mowjad garab-istaag loogu muujinayo iyada iyo dhaleecayn loo jeediyay telefiishanka Lubnaan. Nancy Lakkis oo ah saxafiyad u dhalatay dalka Lubnaan ayaa qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada waxay ku tri: “Lubnaan waa dawlad dadka oo dhan u dhaxaysa, xoriyadduna waa mid aan la qaybin karin, laakiin waa in aan loo fahmin qaab doorasho.”
Isla markaana, Laqqis waxa ay ku baaqday in la sameeyo hab dhab ah, iyada oo xustay in Saynab ay horeba u ogeyd xeerarka u yaalla hay’adda: “Zainab waxay oggolaatay inay u shaqeyso hay’addan iyadoo og xeerarkan…Maanta markii dacwadda dib loo furay sannad ka dib, wasiir cusubna loo dhiibay mas’uuliyadda, tani waxay keenaysaa in su’aalo la iska weydiiyo.
Weriye Saynab Kahil ayaa iyadana ku doodday in arrintu aanay la xiriirin Saynab Yaasiin oo keliya, balse ay tahay mid guud ahaan dumarka xijaaban ee hay’adaha warbaahinta ka hawl-gala quseysa, iyadoo qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ku tiri: “Haddii gabar Muslimad ah oo xijaaban ay shaqadeeda suxufinnimo gudanayso, maxaa nalooga diiday riyo aanu barannay oo aanu rabnay inaan gaarno, dhammaanteen arrintan ayaa nalagu gefayaa, waana in nidaamkan fashilmay wax laga beddelo.
Dhankiisa, suxufi Xuseen Shacbaan waxa uu aaminsanaa in arrintu ka gudubtay shakhsiyad, isaga oo soo qoray: “Saynab Yaasiin waxa ay qaadaysaa dagaal muhiim ah oo ay ku doonayso in ay ku soo ceshato xuquuq muhiim ah oo la xaday. Dagaalkani waxa uu noqon karaa tallaabo aasaasi ah oo lagu jebinayo nidaamka takoorka ee ka dhanka ah haweenka saxafiyiinta ah, haweenka iyo haweenka xijaabka ah, iyo in qof kastaa uu xaq u leeyahay in uu shaqeeyo iyo is-qiimaynta, xor ka ah takoor.”
Weriye Faatima Al-Mawla ayaa iyaduna aaminsan in dhacdadani ay muujinayso cillad qoto-dheer oo ka jirta fikradda dhexdhexaadnimada warbaahinta, iyada oo soo qortay: “Télé Liban, oo loo malaynayo in ay noqoto madal ay ku kulmaan dhammaan Lubnaaniyiinta, ayaa maanta noqotay tusaale loogu daydo kala qaybsanaan iyo takoorid… Ka hortagga in weriye ka soo muuqdo kamaradda xijaabkeeda awgii waa wax xadgudub ku ah xuquuqda ay u leedahay hadalka iyo xorriyadda saxaafadda.”
Dhanka kale, qaar ka mid ah dadka isticmaala barta X ayaa taageeray siyaasadda kanaalka. Wariye Tony Mansour waxa uu yiri, “Télé Liibaan waxa uu had iyo jeer ahaa tusaalaha wada noolaanshaha xirfadeed, isaga oo isu keenaya asxaabta kala duwan ee qaybaha kala duwan una fidinaya jawi ixtiraam leh, oo aan lahayn hal-ku-dhigyo diimeed kasta. Hannaankan ma ahayn mid lagu muransan yahay; wuxuu qeyb ka ahaa astaanta hay’adda”.
Iyada oo uu murankan jiro, Nada Saliba, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Tele Liibaan, ayaa soo saartay bayaan ay ku beeninayso bartilmaameedka shakhsi ahaaneed, iyada oo ku tiri “Télé Liiban taariikh ahaan iyo dhaqan ahaanba ma qaadan wax calaamado diimeed ah, caadooyin, ama calaamado lagu soo bandhigo shaashadda,” iyo in halbeegyada lagu dabaqay “ha kala soocin diimaha,” iyada oo ku nuuxnuuxsatay “in isbeddel kasta oo ku yimaada siyaasaddan ay mas’uuliyaddiisa keli u fuuleyso guddiga maamulka.”