Hoos ka dhegayso cod laga duubay danjire Madeira ” qaraxa Beledweyn waa la buun buuninayaa ee wax weyn ma aha”

Hoos ka dhegayso cod laga duubay danjire Madeira ” qaraxa Beledweyn waa la buun buuninayaa ee wax weyn ma aha”
Ma jiro ogolaansho uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Maxamed Farmaajo tallaabo looga qaadayo Danjire Madeira, mana jirto warbixin ay soo gudbisay Wasaaradda Arimaha Dibadda oo tilmaamaysa inuu ku kacay ficillo ka hor imaanaya madaxbannaanida dalka
Dowladda Soomaaliya ayaa u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin.
Francisco Madeira ayaa lagu eedeeyey inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqada uu dalkaan u joogo oo ah Wakiilka Midowga Afrika, waxayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo.
Dhowr bilood ka hor dowladda Soomaaliya ayaa dalka sidaan oo kale uga cayrisay ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo, kaas oo 4-tii bishii 11-aad 2021-kii, lagu amray inuu dalka isaga baxo.
Bahda ALLSANAAG, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan Qoysaskii, Caruurtii, walaalheed iyo caruurtii ay ayeeyada u ahayd, oo ay ka geeriyootay Allah ha u naxariistee Fadumo Ahmed Ba-Tarawal, oo habeenkii xalay ku geeriyootay magaalada Ankara ee dalka Turkiga . Waxaanu Marxuumadda Allah uga baryayanaa inuu Janaddii Fardowsa ka waraabiyo, Qaraabadii iyo ehelkiina ay ka tagtayna samir iyo iimaan uu ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin
Go’aanka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal (FEIT) ee Kuraasta la hakiyey:
Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal waxaa uu go’aamiyey in dib loogu noqdo doorashada dhammaan kuraastan, si loo saxo habraacii qaldamay.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Guddiga
Goorma ayaa gaadiidka loo furayaa Buundooyinka Qayaadsame oo laami cusub la saaray?
Gudiga doorashooyinka heer Federaal ayaa maalintii Afaraad oo xiriir ah waxaa ay magaalada muqdisho ka sameeyeen Shahaado siinta Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaannada maanta shahaadada la siiyay ayaa gaareyso 31 Xildhibaan oo ka mid ah Mudanayaasha Labada Gole Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana tirada guud ay noqoneysaa 163 mudane oo ka mid ah Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad, Sido kale waxaa barbar socda qaadashada kaararka Aqoonsiga Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanada labada Aqal ee maanta qaatay shahaadada Xildhibaannimo waxaa kamid ah:
Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa ugu baaqay Xildhibaannada maqan inay si deg deg ah u yimaadaan magaalada Muqdisho, si loo siiyo shahaadada Xildhibaannimo.
Al-shabaab oo beenisay warbixintii NISA ee aheyd inay weerarayaan Farmaajo iyo Rooble
Ururka Alshabaab ayaa beeniyay qoraal dhowaan kasoo baxay Hey’adda NISA, kaas oo ahaa in ururka Alshabaab uu qorsheynayo weerar ka dhan ah madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Alshabaab ayaa sidoo kale iska fogeeyay in uu ka tirsanyahay shakhsi horay magaciisa ay hey’addaasi sheegtay in uu weerarkaasi qorsheynayo.
Dadka ka faallooda amniga iyo siyaasadda Soomaaliya ayaa haddaba arrintaan siyaabo kala duwan uga hadlay, sida uu warbixintaan ku eegayo weriyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow.
Jaaliyadda Beesha Digil iyo Mirifle iyo Maraykanka ayaa guddiga beesha Isaaq qaaraanka u ururinaysa waxay ka dalbadeen in dhibtii Laascaanood loogu gaystay la xuso.
NISA oo sheegtey in Madaxweyne Farmaajo iyo Rooble khatar loo maleegeyoNISA oo sheegtey in Farmaajo iyo Rooble khatar loo maleegey
Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh. pic.twitter.com/sLUpOKLhMl
— NISA (@HSNQ_NISA) April 5, 2022