Rugta ganacsiga Shiinaha

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga dowladda Puntland Mudane Cabdalle Cali Mohamed [Xaashaawe] ayaa Magaaladda Nairobi kula kulmay Guddoomiyaha rugta ganacsiga China ee kenya Mr Zhuo Wu.

Wasiirku wuxuu u sharaxy fursadaha ganacsi ee Puntland kajira, sidoo kale Wasiirka iyo guddoomiyeha Waxay ka wada hadleen sidi loo samayn lahaa iskaashi ganacsi iyo in China maalgashi ku sameeyo Puntland.

Ugu danbayntii

Wasiirka iyo Guddoomiyeha waxay isku afgarteen kulanka xiga inay kuwada yeelan doonaan maamulka Puntland. 

Guddiga dhismaha jeelka Badhan

Guddida dhismaha Jeelka Badhan ayaa ka warbixisay heerka uu maraayo dhismaha jeelku.Guddudi waxa kale oo ay soo bandhigtay Dadka ka qayb qaatay bishii ugu danbeysay qaadhaanka jeelka loo ururinaayey.Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire ayaa si shakhsi ah ugu bixiyey lacag dhan 1,600 oo doolar, sidoo kale samafale C/naasir Maxamed Siciid diiriye oo ka tirsan qurba joogta degaanka ayaa ugu deeqay dhismaha jeelka 3,000 kun oo doolar.

Cabdikariin Qalbidhagax Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho

Isaga oo indhi xiran ayaa Soomaaliya laga afduubay, hadda ayuu dib u soo laabtay

Ujeedka safarka Cabdikariin Qalbidhagax ayaa lagu sheegay in uu goobjoog ka noqdo doorashada madaxweynaha oo la filayo inay dhacdo 15-ka bishaan May.

Waa markii ugu horeysay ee uu Qalbidhagax yimaado magaalada Muqdisho tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay u gacan galisay Xukuumadda Adis-ababa.

Sida ay sheegayaan dadka u dhuundaloola arrimaha siyaasada imaanshaha Qalbidhagax ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay guul u tahay musharaxiinta mucaaradka iyadoo dhabar jab ay ku noqonayso musharaxiinta Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dhiibistiisa.

May be an image of 2 people, people standing and people sitting
Image

Wasiirka Howlaha Guud oo daah furay Shirka Guddigga hagidda mashruuca dib u dhiska waddooyinka

Wasiirka Howlaha Guud oo daah furay Shirka Guddigga hagidda mashruuca dib u dhiska waddooyinka

Shirka Guddigga hagidda mashruuca Dib u dhiska Wadooyinka Soomaaliya oo ay qeyb ka yihiin Qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda Federaalka iyo  Wasaaradaha Howlaha guud ee Dowladd Goboleedyada Soomaaliya  ayaa waxaa daahfuray Wasiirka Howlaha Guud Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka ku-xigeenka Maaliyadda ee XFS, Wasiirada Howlaha guud ee Dowlad Goboleedyada, Wakiilo ka socday Wasaaradaha Federaalka qaarkood iyo qubaro kala duwan.

Wasiir ku-xigeenka Maaliyada Cabdullahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa xusay In mashruucan looga gudbi doono burburka 30-kii sano ee lasoo dhaafay soo gaaray wadooyinka dalka, ka Wasaarad ahaana ay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan dib u dhiska Waddooyinka.

Wasiirka Howlahav Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo shirka furay oo sharaxay muhiimada shirka ayaa sheegay in uu ku saabsan soo bandhigga xaaladda meesha ay mareyso iyo mashruuca ay Wasaaraddu ka diyaarisay arrintan.

“Mashruuca dib u dhiska waddooyinka Soomaaliya oo ah dib u habeynta kaabayaasha, maanta waxaan u fadhinaa sidii aad talooyin ugu darsataan, soo bandhigna barnaamijka halka uu marayo, waana lagama maarmaan inaad talooyinkiina ku biirisaan muddada labada maalin ah ee uu socon doono shirka”, ayuu yiri Wasiir Xuseen Maxamuud.

“Si aan habbooneyn ayaa xilkii wasiirnino la iiga qaaday”

Wasiir hore oo Soomaali ah: “Si aan habbooneyn ayaa xilkii wasiirnino la iiga qaaday”

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa waraysi uu siiyay BBC Soomaali si faahfaahsan uga warramay xilka qaadistii lagu sameeyay bishii November 2021

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay heshiis ku ahaayeen xilka qaadistiisa.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa xilka laga qaaday kadib sanad uu hayay jagadaas oo uu kala wareegay danjire Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka hore ayaa sheegay in todobaad ka hor inta aan xilka laga qaadin uu gudbiyay istaqaaladiisa, kadib markii la xallin waayay cabasho ku aaddan shaqada oo uu u gudbiyay madaxda.XAYEYSIINhttps://418351269880e0a2169b8dd68d4bbebb.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html

“Bishiias November ee aan markaa joognay, ma aanan helin qoondadii dhaqaale ee loogu talogalay wasaaradda ee dhinaca safarrada muddo todobo bilood ah. Aniguna waxaan ahaa wasiirka ugu safarka badan,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Waxa uu intaa raaciyay in deyn badan lagu yeeshay wasaaradda uu markaa madaxda u ahaa, maadaama bishiiba ay ku baxaysay safarrada lacag dhan 40 kun oo dollar.

“Tikidhada waxaan ka sii qaadan jirnay ganacsato Soomaali ah oo iyaguba danyar ah. Markii ay denytaa gaartay 100 kun oo dollar, anigu damiirkeyga wuu isiin waayay in aan sii wado,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Maxamed Cabdirisaaq

Sida uu ku ogaaday xil ka qaadista

Wasiirkii hore Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in si aan habbooneyn looga qaaday xilka, isla markaana aan lagu sii wargelin ama loo sheegin sababta go’aankaas loo gaaray.

“Waxaan markaas kulan kula jiray safiirka UK ee Soomaaliya, markii aan dhamaynay kulanka ayaa waxaa isoo wacay Madaxweynaha oo i weydiiyay “arrintii ma la xaliyay?” waxaan iri Madaxweyne May, lama xallin. Waxyar isug buu yiri,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Arrinta aan la xallin ee uu Madaxweynaha kala hadlayay ayuu ku sheegay cabashadii uu ka gudbiyay dhaqaalo xumida haysatay wasaaradda arrimaha dibedda.

“Kulanka marka uu dhammaaday waqti duhur ah, gurigeyga ayaan tegay waxaana qof uu ii soo diray Tweet xafiisk ra’iisal wasaaraha ka soo baxay oo la leeyahay xilkii ba waa lagaa qaaday,” ayuu yiri wasiirka hore oo maalmahaas isu diyaarinayay inuu u dabaaldego sanad guuradii ka soo wareegtay markii loo magacaabay xilka.Ka bood Twitter boggan, 1https://platform.twitter.com/embed/Tweet.html?creatorScreenName=bbcsomali&dnt=false&embedId=twitter-widget-0&features=eyJ0ZndfZXhwZXJpbWVudHNfY29va2llX2V4cGlyYXRpb24iOnsiYnVja2V0IjoxMjA5NjAwLCJ2ZXJzaW9uIjpudWxsfSwidGZ3X3NlbnNpdGl2ZV9tZWRpYV9pbnRlcnN0aXRpYWxfMTM5NjMiOnsiYnVja2V0IjoiaW50ZXJzdGl0aWFsIiwidmVyc2lvbiI6bnVsbH19&frame=false&hideCard=false&hideThread=false&id=1461711863293648897&lang=en&origin=https%3A%2F%2Fwww.bbc.com%2Fsomali%2Fwar-61418232&sessionId=8cb5c34ebe78d8dbee7bc9c4db275d221d2884d3&siteScreenName=bbcsomali&theme=light&widgetsVersion=c8fe9736dd6fb%3A1649830956492&width=550px

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Xasan Cali Khayre: “Anigoo dalka u turaya ayaan iscasilay”

Seddax qodob oo xasaasi ah oo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu uga hadlay Clubhuse

Magacaabistiisii wasiirnnimo

Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in 19-kii November 2020 uu la soo hadlay Madaxweyne Farmaajo “oo yiri waxaan rabaa in aad jagada wasiirka arrimaha dibedda qabato.”

Waxa uu Maxamed xilligaas ahaa maareeyaha madal wadahadalka siyaasadeed oo dhowr hay’adood isu keenaysay.

“Arrintaas markii aan wadahadalnay waan ka aqbalay. Ra’iisal wasaaraha ayaa ila soo hadlay asagana sidoo kale. Saddex maalin kadibna waxaan tegay Muqdisho oo sidaa ayaan shaqada ku billaabay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xilka qaadista ma’uuliyiinta Soomaaliya ayaa inta badan ah mid ku dhacda si aan la fileyn, waxaana jirta in xilka la qaaday wasiirro qaarkood ay waqtigaas ku hawlanaayeen shaqooyin qaran.

Mowduucyada la xiriira

Soomaaliya

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa waraysi uu siiyay BBC Soomaali si faahfaahsan uga warramay xilka qaadistii lagu sameeyay bishii November 2021.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay heshiis ku ahaayeen xilka qaadistiisa.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa xilka laga qaaday kadib sanad uu hayay jagadaas oo uu kala wareegay danjire Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka hore ayaa sheegay in todobaad ka hor inta aan xilka laga qaadin uu gudbiyay istaqaaladiisa, kadib markii la xallin waayay cabasho ku aaddan shaqada oo uu u gudbiyay madaxda.

“Bishiias November ee aan markaa joognay, ma aanan helin qoondadii dhaqaale ee loogu talogalay wasaaradda ee dhinaca safarrada muddo todobo bilood ah. Aniguna waxaan ahaa wasiirka ugu safarka badan,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Waxa uu intaa raaciyay in deyn badan lagu yeeshay wasaaradda uu markaa madaxda u ahaa, maadaama bishiiba ay ku baxaysay safarrada lacag dhan 40 kun oo dollar.

“Tikidhada waxaan ka sii qaadan jirnay ganacsato Soomaali ah oo iyaguba danyar ah. Markii ay denytaa gaartay 100 kun oo dollar, anigu damiirkeyga wuu isiin waayay in aan sii wado,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Maxamed Cabdirisaaq

Sida uu ku ogaaday xil ka qaadista

Wasiirkii hore Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in si aan habbooneyn looga qaaday xilka, isla markaana aan lagu sii wargelin ama loo sheegin sababta go’aankaas loo gaaray.

“Waxaan markaas kulan kula jiray safiirka UK ee Soomaaliya, markii aan dhamaynay kulanka ayaa waxaa isoo wacay Madaxweynaha oo i weydiiyay “arrintii ma la xaliyay?” waxaan iri Madaxweyne May, lama xallin. Waxyar isug buu yiri,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Arrinta aan la xallin ee uu Madaxweynaha kala hadlayay ayuu ku sheegay cabashadii uu ka gudbiyay dhaqaalo xumida haysatay wasaaradda arrimaha dibedda.

Magacaabistiisii wasiirnnimo

Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in 19-kii November 2020 uu la soo hadlay Madaxweyne Farmaajo “oo yiri waxaan rabaa in aad jagada wasiirka arrimaha dibedda qabato.”

Waxa uu Maxamed xilligaas ahaa maareeyaha madal wadahadalka siyaasadeed oo dhowr hay’adood isu keenaysay.

“Arrintaas markii aan wadahadalnay waan ka aqbalay. Ra’iisal wasaaraha ayaa ila soo hadlay asagana sidoo kale. Saddex maalin kadibna waxaan tegay Muqdisho oo sidaa ayaan shaqada ku billaabay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xilka qaadista ma’uuliyiinta Soomaaliya ayaa inta badan ah mid ku dhacda si aan la fileyn, waxaana jirta in xilka la qaaday wasiirro qaarkood ay waqtigaas ku hawlanaayeen shaqooyin qaran.

BBC

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta oo tababar loogu soo xiray Dalka Jabuuti

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta halkaas tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed, oo noqonaya dufcaddii 16-aad oo tababar heerkeedu sarreeyo ku qaadata dalkaas.

Taliyaha oo khudbad u jeediyey dufcaddan cusub ee Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay gudashada wajibka Qaran ee loo tababaray, waxaana tababarka dufcaddani qayb ka yahay, dadaallada dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u hantaan sugidda amniga dalka iyo ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed

Munaasabaddii tababarka ciidanka loogu soo xirayay ayay ciidamad ku soo bandhigeen dhoolatus ku saabsan tababarka ay qaateen iyo sida ay u difaaci karaan shacabka Soomaaliyeed.

Ololihii Dorashada ee Farmaajo oo isku dhex yaacday

Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan sheegay inay umadda Sioomaliyeed doonayaan inuu mar labaad uu soo laabto, ayaa si ay arintani inay run tahay uga dhigo wuuxuu lacag xaflado loogu sameeyo u diray inta badan degaanada Puntland.

Cali yare, oo uu horay madaxweyne Farmaajo ugu magcaabay amniga magalada Muqdisho oo ay maalin walba qaraxyaddu ka dhacayaan, habeenkiina Ciyaalka Tooreeyada wataa ay la wareegaan magaalada ayaa loo xilsaaray Kicinta Bulshada Doorashada aan gelayn .

Magalada Badhan ee gobolka Sanaag oo ololaha Farmaajo la soo xiriireen Isimaddii, Odayaashii iyo waxgaradkii magaalada ayaa ka diiday inay ka soo qayb galaan xaflad aan la garanayn ujeedada laga leyhay, mar haddaan doorasho magaalada ka dhacayn

Kooxda Farmaajo, intaa kuma harine waxay caawa soo ururiyeen Ciyaalkii magaalada oo xiisaynaya Kamaradda, sidaasna waxa lagu qabtay Xafladd laga sii daayo Talafishanada oo niyadda u dhista Farmaajo oo hadda taagan quus iyo inuu is casilo

Kooxda ololaha Deni ee Agaasime Jaamac debaraani hogaaminayo ayaa soo bandhigay olole nadiif ah, qurxoon oo la mid ah kuwa caalamka loogu ololeeyo, Caawa oo ugu danbaysa Awkoombe oo ka mid ahaa fanaaniintii Soomaaliyeed ee Waaberi ayaa u ololeenayey

Ugu danbayntii haddii Badhan xaflad lagu dhigaa ay madaxweyne keeni karto Jaamac Debarani, iyo Gudoomiye Cabdirashiid ayaan Muqdisho aadayn, tasina waxay kuu cadaynaysaa maakmihii ugu danbeeyey xitaa Farmaajo inii habow yahay

ALLSANAAG

Bandow lagu soo rogay goobta ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Bandow lagu soo rogay goobta ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis) ayaa bandow kusoo rogay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow, ka hor doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay dhacdo maalinta Axadda ah.

Bandowga ayaa socon doona Talaadada ilaa Isniinta todobaadka soo socda. In ka badan 300 oo xildhibaan ayaa ku kulmi doona garoonka diyaaradaha si ay ugu codeeyaan madaxweynaha xilka hayn doona afarta sano ee soo socota.

Musharixiinta ugu muhiimsan ee doorashada ku jira ayaa waxaa ka mid ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee isaga ka horreeyay ee kala ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, kuwaasoo loo arko inay ugu cadcad yihiin.

Codeynta ayaa 15 bilood dib u dhac ku yimid waqtigii loogu talagalay, waxaana taasi sabab u ah isqabqabsiga ka dhex jira siyaasiyiinta ugu sareysa ee ku aadan qaabka ay u dhaceyso doorashada.