26th April 2024  admin  Category :

Wasiir hore oo Soomaali ah: “Si aan habbooneyn ayaa xilkii wasiirnino la iiga qaaday”

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa waraysi uu siiyay BBC Soomaali si faahfaahsan uga warramay xilka qaadistii lagu sameeyay bishii November 2021

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay heshiis ku ahaayeen xilka qaadistiisa.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa xilka laga qaaday kadib sanad uu hayay jagadaas oo uu kala wareegay danjire Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka hore ayaa sheegay in todobaad ka hor inta aan xilka laga qaadin uu gudbiyay istaqaaladiisa, kadib markii la xallin waayay cabasho ku aaddan shaqada oo uu u gudbiyay madaxda.XAYEYSIINhttps://418351269880e0a2169b8dd68d4bbebb.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html

“Bishiias November ee aan markaa joognay, ma aanan helin qoondadii dhaqaale ee loogu talogalay wasaaradda ee dhinaca safarrada muddo todobo bilood ah. Aniguna waxaan ahaa wasiirka ugu safarka badan,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Waxa uu intaa raaciyay in deyn badan lagu yeeshay wasaaradda uu markaa madaxda u ahaa, maadaama bishiiba ay ku baxaysay safarrada lacag dhan 40 kun oo dollar.

“Tikidhada waxaan ka sii qaadan jirnay ganacsato Soomaali ah oo iyaguba danyar ah. Markii ay denytaa gaartay 100 kun oo dollar, anigu damiirkeyga wuu isiin waayay in aan sii wado,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Maxamed Cabdirisaaq

Sida uu ku ogaaday xil ka qaadista

Wasiirkii hore Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in si aan habbooneyn looga qaaday xilka, isla markaana aan lagu sii wargelin ama loo sheegin sababta go’aankaas loo gaaray.

“Waxaan markaas kulan kula jiray safiirka UK ee Soomaaliya, markii aan dhamaynay kulanka ayaa waxaa isoo wacay Madaxweynaha oo i weydiiyay “arrintii ma la xaliyay?” waxaan iri Madaxweyne May, lama xallin. Waxyar isug buu yiri,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Arrinta aan la xallin ee uu Madaxweynaha kala hadlayay ayuu ku sheegay cabashadii uu ka gudbiyay dhaqaalo xumida haysatay wasaaradda arrimaha dibedda.

“Kulanka marka uu dhammaaday waqti duhur ah, gurigeyga ayaan tegay waxaana qof uu ii soo diray Tweet xafiisk ra’iisal wasaaraha ka soo baxay oo la leeyahay xilkii ba waa lagaa qaaday,” ayuu yiri wasiirka hore oo maalmahaas isu diyaarinayay inuu u dabaaldego sanad guuradii ka soo wareegtay markii loo magacaabay xilka.Ka bood Twitter boggan, 1https://platform.twitter.com/embed/Tweet.html?creatorScreenName=bbcsomali&dnt=false&embedId=twitter-widget-0&features=eyJ0ZndfZXhwZXJpbWVudHNfY29va2llX2V4cGlyYXRpb24iOnsiYnVja2V0IjoxMjA5NjAwLCJ2ZXJzaW9uIjpudWxsfSwidGZ3X3NlbnNpdGl2ZV9tZWRpYV9pbnRlcnN0aXRpYWxfMTM5NjMiOnsiYnVja2V0IjoiaW50ZXJzdGl0aWFsIiwidmVyc2lvbiI6bnVsbH19&frame=false&hideCard=false&hideThread=false&id=1461711863293648897&lang=en&origin=https%3A%2F%2Fwww.bbc.com%2Fsomali%2Fwar-61418232&sessionId=8cb5c34ebe78d8dbee7bc9c4db275d221d2884d3&siteScreenName=bbcsomali&theme=light&widgetsVersion=c8fe9736dd6fb%3A1649830956492&width=550px

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Xasan Cali Khayre: “Anigoo dalka u turaya ayaan iscasilay”

Seddax qodob oo xasaasi ah oo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu uga hadlay Clubhuse

Magacaabistiisii wasiirnnimo

Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in 19-kii November 2020 uu la soo hadlay Madaxweyne Farmaajo “oo yiri waxaan rabaa in aad jagada wasiirka arrimaha dibedda qabato.”

Waxa uu Maxamed xilligaas ahaa maareeyaha madal wadahadalka siyaasadeed oo dhowr hay’adood isu keenaysay.

“Arrintaas markii aan wadahadalnay waan ka aqbalay. Ra’iisal wasaaraha ayaa ila soo hadlay asagana sidoo kale. Saddex maalin kadibna waxaan tegay Muqdisho oo sidaa ayaan shaqada ku billaabay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xilka qaadista ma’uuliyiinta Soomaaliya ayaa inta badan ah mid ku dhacda si aan la fileyn, waxaana jirta in xilka la qaaday wasiirro qaarkood ay waqtigaas ku hawlanaayeen shaqooyin qaran.

Mowduucyada la xiriira

Soomaaliya

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa waraysi uu siiyay BBC Soomaali si faahfaahsan uga warramay xilka qaadistii lagu sameeyay bishii November 2021.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay heshiis ku ahaayeen xilka qaadistiisa.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa xilka laga qaaday kadib sanad uu hayay jagadaas oo uu kala wareegay danjire Axmed Ciise Cawad.

Wasiirka hore ayaa sheegay in todobaad ka hor inta aan xilka laga qaadin uu gudbiyay istaqaaladiisa, kadib markii la xallin waayay cabasho ku aaddan shaqada oo uu u gudbiyay madaxda.

“Bishiias November ee aan markaa joognay, ma aanan helin qoondadii dhaqaale ee loogu talogalay wasaaradda ee dhinaca safarrada muddo todobo bilood ah. Aniguna waxaan ahaa wasiirka ugu safarka badan,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Waxa uu intaa raaciyay in deyn badan lagu yeeshay wasaaradda uu markaa madaxda u ahaa, maadaama bishiiba ay ku baxaysay safarrada lacag dhan 40 kun oo dollar.

“Tikidhada waxaan ka sii qaadan jirnay ganacsato Soomaali ah oo iyaguba danyar ah. Markii ay denytaa gaartay 100 kun oo dollar, anigu damiirkeyga wuu isiin waayay in aan sii wado,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Maxamed Cabdirisaaq

Sida uu ku ogaaday xil ka qaadista

Wasiirkii hore Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in si aan habbooneyn looga qaaday xilka, isla markaana aan lagu sii wargelin ama loo sheegin sababta go’aankaas loo gaaray.

“Waxaan markaas kulan kula jiray safiirka UK ee Soomaaliya, markii aan dhamaynay kulanka ayaa waxaa isoo wacay Madaxweynaha oo i weydiiyay “arrintii ma la xaliyay?” waxaan iri Madaxweyne May, lama xallin. Waxyar isug buu yiri,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Arrinta aan la xallin ee uu Madaxweynaha kala hadlayay ayuu ku sheegay cabashadii uu ka gudbiyay dhaqaalo xumida haysatay wasaaradda arrimaha dibedda.

Magacaabistiisii wasiirnnimo

Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in 19-kii November 2020 uu la soo hadlay Madaxweyne Farmaajo “oo yiri waxaan rabaa in aad jagada wasiirka arrimaha dibedda qabato.”

Waxa uu Maxamed xilligaas ahaa maareeyaha madal wadahadalka siyaasadeed oo dhowr hay’adood isu keenaysay.

“Arrintaas markii aan wadahadalnay waan ka aqbalay. Ra’iisal wasaaraha ayaa ila soo hadlay asagana sidoo kale. Saddex maalin kadibna waxaan tegay Muqdisho oo sidaa ayaan shaqada ku billaabay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xilka qaadista ma’uuliyiinta Soomaaliya ayaa inta badan ah mid ku dhacda si aan la fileyn, waxaana jirta in xilka la qaaday wasiirro qaarkood ay waqtigaas ku hawlanaayeen shaqooyin qaran.

BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*