Maqaal hore 12 Sep 2012

Dimoqraadiyadii lagu doortay Madaxweynaha Ma lagu dooran doonaa PM Soomaaliya, mise waxa lagu soo xuli doonaa sidii caadadu ahayd.

Dhamaan Bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkuba, waxay aad u soo dhoweeyeen doorashadii xalaasha  ahayd, oo maalmo ka hor  lagu doortay  Madaxweynha dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

190 Xildhibaan, oo ka soo jeeda dhamaan beelaha Soomaaliyeed ayaa ugu codeeyey Soomaalinimo  in Mudane Xasan Sheekh   noqdo Madaxweynaha Soomaaliya Afarta Sano ee socda.
Xildhibanadan tirada badan oo doortay Madaxweynaha Soomaaliya  iyo doorashadii ka horaysay oo lagu doortay gudoomiyaha baarlamaanka , ayaa waxay noqonaysaa  isbedel weyn oo ku yimid siyaasada Soomaaliya oo markii hore ku salaysnayd Qabiil, nin jeclaysi  iyo Anaga.

Hadaba su`aasha  ay Soomaali badan  maanta  is waydiinayaan ayaa ah, Raisawasaaraha  soo socda ma ka mid noqon doonaa isbedelkan siyaasadeed  oo Soomaali oo dhami  soo dhowaysay, mise dib ayaa loogu laaban doonaa wixii aan ka soo gudubnay oo ahaa Wiilkayaga RW ka dhig.

Tobonkii sano oo aynu soo dhaafnay, waxa Soomaaliya ka socday siyaasad ah Idinka iyo Anaga oo kuraasta ugu saraysa  ee dalku leeyahay ay isku bedbedelayeen labo Beelood, waana mida keentay in RW ugu danbeeyey  Cabdiwli Gaas uu hely  codad gaaraya 30 Xildhibaan iyada oo golaha baarlamaanka Soomaaliya ay ay  fadhiyeen 262 Xildhibaan. Taasina waxay noqonaysaa fashil siyaasadeed iyo mudaharaad Siyaasadeed oo Xildhibaanadu ku doonayaan isbedel.

Maamulka Puntland, ayaa sidoo kale marka ay  Xilka Raisawasaaraha  Soomaaliya  doonayaan waxay ku gorgortamaan magaca Puntland , laakiinse marna lagama soo dhex  xulo si cadaalad ah beelaha wada dhistay Puntland oo had iyo jeer  waxa lagu keenaa garab ahaan iyo hal beel.

Arintan iyo kuwa la mid ah ayaa sabab u ah khilaafka  weyn oo ka dhex taagan beelaha Puntland, waana mida keentay in  xubnihii  loo xulayey  baarlamanka Soomaaliya ee reer Puntland  , markii maamulka iyo  beelaha qaarkood  ay  isku afgaran waayeen in qaramada midoobey iyo IGAD soo dhex galeen, una garnaqeen waxna u qaybiyeen.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf, Raisawasaarihii hore Xasan Abshir, Rw hore Cumarcabdirashiid iyo Rw Hore Gaas dhamaan waxay ku yimaadeen magaca Puntland iyaga oo ka soo wada jeeda hal beel, taasina waxay ku cadaynaysaa cadaalad xumo ka jirta Puntland iyo aqoon daro haysta qaar ka mid ah madaxda Soomaaliya sida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Axmed.

Dhaqanka noocan oo kale ah maaha mid la jaan qaadi kara, isbedelka siyaasadeed ee lagu doortay Gudoonka Baarlamanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya , mana aha mid ay aqbali doonaan beelaha reer Puntland iyo Soomaalida inteeda kale. Hase ahaatee wuxuu Soomaali dib ugu celin doonaa dhibkii ay ka soo baxday iyo sadbursigii

Gebagebadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Maxamuud, oo dastuurka Soomaaliya u ogolaaday in Isagu soomaali ka soo dhex magcaabo RW soo dhisa xukuumada soo socota, ayaa waxa laga sugayaa in uu wax ka badelo dhaqankii hore ee Soomaali ka dhaqaaqi wayday oo ahaa Reer Hebel hadii ay Madaxweyne noqdaan waxa dhaqanku ahaa in ay reer hebel soo doortaan. Laakiinse waxa laga sugayaa in RW soo socda uu noqdaa mid lagu doortay aqoon iyo waayo aragnimo, kana nadiif ah Musuqmaasaq iyo Danbiyo dagaal.

Allsanaag.com, news@allsanaag.com

R/W Rooble oo si diiran loogu soo dhaweeyay Abu Dhabi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga qeyb galayo tacsida Madaxweynihii geeriyooday ee dalka Imaaraaadka Carabta Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu Madaxweynaha cusub ee dalka Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan gaarsiinayaa dhambaal hambalyo iyo salaan ah oo uu uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Abu Dhabi ku soo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda ee dalka Imaaraadka Carabta Mudane Cabdalla Alnuceymi.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa booqashadii Imaaraadka ku wehliya Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Al-Cadaala iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha JFS oo madaxtooyada kula kulmay madaxweynihii hore ee Dalka

Madaxweynaha JFS oo madaxtooyada kula kulmay madaxweynihii hore ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidookale waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo qabanqaabada munaasabadda xil-wareejinta Madaxweynaha.

Dowladda Soomaaliya oo sii deysay lacagtii ay ka xayirtay Imaaraadka

Dowladda Soomaaliya oo sii deysay lacagtii ay ka xayirtay Imaaraadka

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sii deysay lacag gaareysay 9.6 milyan oo dollar oo ay dowladdu horey ugala wareegtay Imaaraadka Carabta bishii April sanadkii 2018-kii.

Lacagtaasi oo saarneyd dayuurad ay laheyd Imaaraadka ayaa hey’adaha sirdoonka Soomaaliya ay qabteen, waxaana ayna sabab u noqotay inuu xumaado xiriirkii dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa lacagtaasi xilligii ay qabaneysay u sababeysay inay sharci darro kusoo gashay dalka, laakiin Imaaraadka ayaa ku sheegay inay aheyd mid loogu talagalay mushaaraadka ciidan ay dowladda u tababartay iyo gargaar kale.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqay in lacagtaasi oo taalay bankiga dhexe ee dowladda la sii deyn doono, balse waxaa lagu hakiyay wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Soomaaliya.

Lacagtan ayaa la sheegay in maanta uu u qaaday Imaaraadka Ra’isul Wasaare Roble iyo wafdi uu hogaaminayo oo howlo shaqo ugu baxay Imaaraadka.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusub al-Cadaala oo ka mid ah wafdiga Ra’isul Wasaare Roble ee Imaaraadka u baxay ayaa VOA-du u xaqijiyay sii deynta lacagtaasi.

Imaaraadka ayaa howlgal uu ka billaabay Soomaaliya 2014-kii ku tababaray kumanaan ciidamada dowladda, waxa uu Muqdisho ka dhisay xarun lagu tababaro ciidamada iyo isbital ay gacanta ku hayeen.

Sidoo kale waxay taageero siin jireen ciidamada Puntland ee la dagaalanka burcad badeedda, balse waxaa howlihii ay Soomaaliya ka hayeen ay badankooda hakiyeen markii lacagtaasi lagala wareegay ee khilaafka dowladda kala dhaxeeya uu gaaray meel xun.

SOOMAALIYA HESHIIS AH DUNIDANA HESHIIS LA AH

SOOMAALIYA HESHIIS AH DUNIDANA HESHIIS LA AH. Qore Abshir Saalax

waxaan u taaganahay xilka wasiirka 1aad ee Dawladda federeralka ee Soomaaliya, waxaan aamin sanahay in dalkayga iyo dadkaygu ay baahi wayn u qabaan inaan u shaqayo maanta si aan uga gudubno Marxalada adag iyl duuraha Qalafsan ee dul hoganaya Dawladnimadeena.

SOOMAALIYA, waxay Maraysaa xilli aan lagu aamini karin hogaamiye xukuumadeed ee kasta balse waxay u baahan tahay in si mug iyo miisanleh loo derso loona xulo shaqsi ka midha dhalin kara, Hayaanka Dawlad dhiska dalkeena oo soo dhisa xukuumad Hinjin karta horena uga wadi karta halka maanta aynu joono.

QORSHAYGA SIYAASADEED, wuxuu yeelan doonaa Mid ka turjumaya Baahiya asaasiga ah oo dalkeena iyo dadkeena si dhab ah u taabanaya rabitaankooda, noloshooda, wada jirkooda iyo xasiloonida dalkeena.
Waxaana ugu muhiim sanaan doona.
1. Dib uhanashada Gacan ku haynta Amniga guud ee dallkeena.

2. Soo celinta xidhiidhkii diplomaaciyadeed ee dalkeena lalahaa aduunyada, waxaana qaabayn doonaa siyaasad arimo dabadeed oo leh tiirar go’aaminaya Xidhiidha ka dhexeeya Soomaliya iyo aduunyada inteeda kale waxaana ubmagacaabi doonaa Shaqsi lagu fulin kara si dhakhso ah dub u qaabaynta siyaasadda arimaha Debedda ee dalka.

3. WAXAAN KA SHAQAYN DOONAA. Daadejinta Nidaamka federalka ah ee soomaliya anigoo xoogq saari doona siyaasadda arimaha Gudaha.

4. Waxaan hagaajin doonaa muuqallka Dawladnimada Dalka waxaana soo dabaali doonaa wada shaqayntii ka dhexaysa Dswaldda dhexe iyo maamul goboleedyada.

. Waxay xukuumadda aan hogaaminayo la imaan doontaa qorshe laysku gaarsiin karo dhaqaalaha horumarinta dalka anigoo arintaas ku korjoogtayn doona golahayga xukuumadda si loo kobciyo horumarka dhaqaalaha wadankeena. Waxaana dadaal gelin doonaa Nidaamka dayn cafinta iyo maalgashiga.

6. DOORASHOOYINKA. waxaan Dalka ka hirgelin doonaa haduu ila idmo Doorasho ay dadku codkooda dhiibtaan, waxaynq xukuumadadu dedaal gelin doontaa Nidaamka Asxaabta badan ee dalka,

Allaa mahad leh
Hon.Abshir Said salah. Sama-talis 

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed Albaaz oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay in dowladda Masar ay xoojiso deeqaha Waxbarasho ee ay siineyso ardayda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Safiirka dowladda Uganda ee Soomaaliya iyo Safiirka dowladda Itoobiya ee Soomaaliya  Cabdulfatax Cabdullahi Xasan.

Safiirrada ayaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyey dhambaal hambalyo ah oo ay kaga wadeen hoggaamiyeyaasha dalalkooda, iyaga oo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin xilka madaxweynaha ee Baarlamaanka Soomaaliya u doorteen.

Wareysi: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay hawlaha uu mudnaanta siinayo boqolka maalmood ee ugu horreeya xilkiisan cusub.

Madaxweynaha oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay inuu dhaqangelinayo tallaabooyin dhinaca amniga ah, xasillooni siyaasadeed iyo dib usoo kabidda dhaqaalaha isagoo sheegay in la ansixin doono sharciyada muhiimka u ah fulinta hawlahaas.