Maxaa keenay in uu kordho dalabka cuntada xalaasha ah ee adduunka?.

“Anigu xalaal uun baan cunaa, kumana raaxaysto sidaoo kalena kama dhergo cunnada haddii aanay calaamad xalaal in ay tahay sheegaysaa ku oollin”. Ayay Marwa ku tilmaantay waxa ugu mudan ee ay ku xulato marka ay rabto in ay soo iibsato cuntada ay u baahan tahay.

“Wax walba oo jikadayada ku jira waa xalaal, xitaa nacnaca carruurta, shukulaatada, caanaha iyo subaggaba” Marwa ayaa u sheegtay BBC. “Waxyaalahani waa waxa aan jeclahay in aan siiyo ninkeyga iyo gabadheyda 12-jirka ah.”

Marwa waxay Masar ka soo safartay 15 sano ka hor waxayna qoyskeeda kula nooshahay dalka Holland, waxayna ka mid tahay boqollaal milyan oo adduunka ah oo inta badan ku tiirsan wax soo saar xalaal ah oo ay ka dhigtaan cunto iyo cabbitaan. Taasi waxay ka dhigtay suuqa wax soo saarka xalaasha ah midka ugu kobaca badan aduunka.

Marwa waxay xaqiijisay in badeecooyinka xalaasha ah ay yaalaan dhammaan bakhaarrada gurigeeda u dhow, iyo silsilado suuqyo ah oo ku faafay goobaha ay Muslimiinta iyo Carabta isugu yimaadaan dalka oo dhan, halkaasoo gees gaar ah loogu qoondeeyay wax soo saarka xalaasha ah.

Dukaamada Marookaanka iyo Turkida ayaa sidoo kale si weyn ugu faafay xaafaddeeda, taasoo u sahlaysa inay ka iibsato wax soo saarka xalaasha ah iyo sidoo kale cunto la mid ah kuwii ay Masar ka soo iibsan jirtay.

.

“Waxyaalaha kale ee xalaasha ah oo iyana sii kobcaya”

Marka loo eego Warbixinta Dhaqaalaha Islaamka ee Caalamiga ah 2020, oo ay soo saartay Shirkadda Dinar Standard Corporation ee fadhigeedu yahay Dubai, waxa loo yaqaan dhaqaalaha xalaasha ah wuxuu ka dhigan yahay 3.7% wadarta ganacsiga adduunka.

Qiimaha suuqa ee alaabtan lagu tilmaamay inay yihiin “xalaal” caalamka oo dhan, ayaa lagu qiyaasay $2.2 trillion intii lagu jiray sannadkii 2019, sida warbixintaa lagu sheegay.

Goobaha ganacsiga xalaasha ah ayaa la balaadhiyay, marka laga soo tago hilibka iyo digaaga, caanaha iyo falaabta kale ee aan lahayn dufanka doofaarka, biyaha lagu keydiyo weelasha aan hore lagu keydin khamriga, iyo fitamiino aan lahayn dufan doofaarka.

Marka laga soo tago cuntooyinka iyo cabitaannada, waxaa suuqa lagu kala iibsadaa alaabooyinka xalaasha ahaa oo la sii horumariyey iyada oo lagu soo daray agab la isku qurxiyo oo xalaal ah, kuwaas oo ah alaab aanu ku jirin dufan doofaar iyo khamri.

Dalxiiska xalaasha ah ee ayaa isaguna jira, inta badan waxa uu ka dhigan yahay qorshe lagu qaabilayo qoysaska muslimka, gaar ahaan hoteellada iyo goobaha lagu nasto kuwaas oo aan ogolayn iibinta ama bixinta khamriga iyo hilibka doofaarka, iyo sidoo kale kuwa u qoondeeya barkadaha dabaasha ee haweenka oo kaliya iyada oo aan la isku darin lab iyo dheddig, mana jiraan goobo lagu caweeyo ama hoolal khamaar.

Sidoo kale suuqa wax kala iibsiga ee xalaasha ah ee ganacsiga bangiyada,hay’adaha maaliyadeed ee Islaamka iyo shirkadaha ku shaqeeya nidaamka Islaamka ayaa lagu xeeraa suuqyada gaarka ee nay ka adeegtaan dadka muslimka ah.

Sanadkii 1.17 trillion oo dollar ayaa lagu kharash gareeyaa cuntooyinka iyo cabitaanada xalaasha ah ee caalamka, halka wax ka yar trillion dollar lagu kharash gareeyo inta kale ee badeecadaha lagu tilmaamay xalaal.

.

Marwa iyo qoyskeedu waxay ku bixiyaan 80-90 Yuuro wiiggii alaab xalaal ah, oo u dhiganta 86-96 doolar. Iyada oo ay taasi jirto ayaa haddana waxa ay xaqiijinaysaa in qiimaha badeecadahaasi ay gaadhi karaan qoysaska Muslimka ah, isla markaana ay ku dhow yihiin in ay la mid yihiin badeecadaha kale ee “aan xalaasha ahayn”.

Marka loo eego tirakoobka ururka caalamiga ah ee cunnada xalaasha ah oo la soo saaray Ogosto 2017, tirada dadka cunay cuntooyinka xalaasha ah ayaa gaadhay ku dhawaad ​​laba bilyan oo qof oo adduunka ah.

Balse waxa yaabka yaabka leh ayaa ah in tobanka waddan ee ugu badan ee dhoofiya wax soo saarka xalaasha ah ay yihiin dalal aan muslim ahayn, kuwaas oo kala ah India, Brazil, Austria, United States, Argentina, New Zealand, France, Thailand, Philippines iyo Singapore.

Saamiga ay dalalkani ka soo saaraan wax-soo-saarka xalaasha ah ee caalamka ayaa lagu qiyaasaa 85%, halka saamiga dalalka Muslimka ah ay ku leeyihiin wax soo saarka iyo iibinta xalaasha ah 15% oo kaliya. Malaysiya, Indonesia iyo Turkiga ayaa safka hore kaga jira wadamada Muslimka ah ee ka qayb qaadanaya dhaqaalaha xalaasha ah.

Turkiga waxa uu ku fadhiyaa maqaam heersare ah, iyada oo wax-soo-saarkiisu uu ka badan yahay 20 bilyan oo doolar sannadkii.

Shirkadaha Turkiga ee iibiya badeecadaha xalaasha ah ee loo dhoofiyo dhowr magaalo oo Yurub ah ayaa ka dhigan ku dhawaad ​​15% wadarta guud ee shirkadaha wax soo saarka cuntada ee Turkiga.

Dr. Kamil Al-Sari, oo ah borofisar cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Sorbonne ee magaalada Paris, ayaa BBC u sheegay in suuqa wax soo saarka xalaasha ah uu ka marag kacayo kobac caalami ah 40-kii sano ee u dambeeyay.

Al-Sari waxa uu arrintan ku sababeeyey in ay sabab u tahay kororka tirada dadka Muslimiinta ah ee ku nool Yurub sannadihii u dambeeyay, haddii ay dalalkooda uga soo barakaceen dagaallo, dhaqaale la’aani ama waxbarsho, iyada oo ay taasi u dheer tahay saamaynta weyn ee ay fuqahada iyo Sheekhyadu ku leeyihiin Muslimiinta. Taas oo ah in ay raadiyaan wax soo saar xalaal ah, haddii kale ay dembi geli lahaayeen.”

Sababahan ka sokow cilmi-baadhisyadu waxay tilmaamayaan in sababta ugu weyn ee kobaca suuqa xalaasha ah ee caalamka ay sidoo kale ku jirto horumarka uu sameeyey dhaqaalaha dalalka Islaamka ah, iyo korodhka baahida iyo wax soo saarka xalaasha ah ee suuqyada cusub ee Yurub, Japan. Hindiya iyo Shiinaha

Sheekh Cali Warsame Oo Ku Geeriyooday Dalka Urdun

Sheekh Cali Warsame wuxuu muddo ka badan nus qarni ku howlanaa faafinta diinta Islaamka. Sheekh Cali ayaa lagu tilmaamaa wadaadadii kasoo horjeeday fikirka Al Shabaab.

Wuxuuna ahaa Allaha unaxariistee Sheekh Cali Warsame hoggaamiyihii ugu horreeyey ee ururkii Al-Itixaad oo la aasaasay horraantii 1980-kii.

Sheekh Cali Warsame ayaa lagu xasuustaa inuu ka horyimid ku lug lahaanshaha daagalladii Al-itixaad ay ku gashay deegaanno ka tirsan Puntland iyo gobolka Jubbada Hoose. Sanadihii ugu dambeeyay wuxuu xubin ka ahaa ururkaa Al-ictisaam Bil Kitaab Wal Sunna.

Gabadha Soomaliyeed ee dishay nin isku dayay inuu kufsado

gabadha Soomaliyeed ee dishay nin isku dayay inuu kufsado

Warbaahinta dalalka carabta ayaa si wayn u hadal haysa gabadh Soomaaliyeed oo la sheegay in ay dishay nin isku dayay in uu kufsado.

Gabadha ayaa la sheegay in ninkan ahaa darawal gaari ay dishay ka dib markii ay mindi la dhacday.

Gabadhan oo dilka ka dib booliiska isu dhiibtay ayaa waxaa ay imika Xeer ilaalinta guud ee dalka Masar ay amar ku bixisay in la sii daayo.

Baaritaanada kiiska gabadhan ayay xeer ilaalintu sheegtay in ay sii socon doonto ilaa laga soo gabagabaynayo.

ilaa iyo imika booliiska dalka Masar iyo waliba warbaahinta dalkaasi ma aysan shaacin magaca gabadhan oo da;deeda lagu sheegay 15 jir.

Sida ay qortay warbaahinta dalka Masar gabadha ayaa saarnayd gaari taksi ah markaasi oo darawalkii taksigaasi uu isku dayay in uu kufsado.

Mindi uu ku cabsiinayay darawalka la sheegay in uu doonayay in uu kufsado ayaa la sheegay in ay gabadha gacanta u gashay ayna laabta ka galisay.

Gabadhan Soomaaliga ah ayaa markii ay booliiska su’aalo waydiiyeen waxa ay qiratay in ay dishay darawalka ka dib markii uu isku dayay in uu kufsado.

Baaritaan hordhac ah oo la sameeyay ka dib ayaa waxay booliiska xaqiijiyeen in falka uu u dhacay sida ay gabadha sheegtay

Dalka Masar waxaa ku badan dhibaatooyiinka la xariira tacadiga dhanka jinsiga iyo waliba kufsiga gaar ahaan kuwa ka dhex dhaca gaadiidka dadwaynaha.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay, 9 ka mid ah tobankii dumar ah ee Masar ayaa loo gaystay faraxumayn, waxaana caasimadda Masar hore loogu tilmaamay inay tahay meesha ugu khatarta badan adduunka ee ay haween ku noolaadan .

Ururada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka ee Masar waxay si firfircoon isugu dayeen inay la dagaallamaan dhibaataynta galmada iyagoo bilaabay olole looga hortagayo tacadiyada noocan ah.

Dowladda Masar ayaa dhankeeda isku dayday in dhanka shuruucda lagula dagaalamo tacadiyada loo gaysto haweenka iyo gabdhaha

Abaarta Soomaaliya oo mareysa xaalad deyro ah

Soomaaliya ayaa noqday dalka ay sida ugu daran u saameysay abaarta ka jirta Bariga Afrika. Dadka wajayaha gaajada ayay tiradoodu korortay boqolkiiba konton dhowrkii bil ee la soo dhaafay. Dad badan ayaa barakacay sababahaas dartood, iyadoo ay xaaladda uga sii dartay colaadda Ukraine.

Gaajada

Carruurta qaar waxay xamili waayeen culeyska safarka iyo dhibaatada gaajada iyo xanuunno isugu darmay. Waxaa ka mid ahayd Fardowsa oo saddex sano jir ahayd oo lagu aasay meel aan ka fogeyn xerada uu qoyskeedu degay oo ku taalla Doolow. Waxay dhimatay wax yar un kaddib markii uu qoyskeeda halkaas gaaray. Gaajada ka sokow, nafaqo-darro ayaa haysay, waxaana ugu darmay jadeeco iyo cagaarshow.

“Waxay u dhimatay in aan u waayay wax aan ku badbaadiyo. Wax aan ku tifqiyo ayaan waayay. Haddii aysan abaarta ahaan lahayn oo ay ii joogi lahaayeen xoolaheyga, gabadheyda wax aan ku badbaadsado ayaan u heli lahaa,” ayay tiri Fardowsa ayeeyadeed.

“Qabri kale ayaa la qoday si loogu aaso gabar kale oo loo maleynayo in ay xalay u dhimatay jadeeco. Dadka aan meesha kula kulmay waxay ii sheegeen in ay sidoo kale ka muuqatay nafaqo-darro. Carruurta badankood uma dhimanayaan gaajada ee jirkooda ayaan xamili karin cudurrada,” ayay tiri Catherine Byaruhanga oo ah weriyaha BBC-da oo booqatay xeryaha qaar.

Carruurta ayaa walaaca ugu daran ee abaarta laga muujinayaa. Qaramad Midoobay waxay ka digtay in hal milyan iyo afar boqol oo kun oo carruur ah oo ku sugan Soomaaliya ay sanadkan wajihi doonaan nafaqo-darro.

Xaaladda abaarta

Ayeeyadood oo lagu magacaabo Xaliimo Xasan Cabdullaahi ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay in abaar sidaan u daran oo ay aragto ay ugu dambeysay horraantii sagaashameeyadii.

Dad lagu qiyaasay 6 milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan gargaar cunto si ay uga badbaadaan dhibaatada abaarta.

Afar xilli-roobaad oo baaqday ama roobabku ay meelaha qaar ku yaraayeen ayaa sababay in Soomaaliya ay gasho abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah. Taasi waxay si aad ah u saameysay xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda oo wax-soo-saarkooda ay ku tiirsan tahay nolosha Soomaaliya xooggeeda.

Waxaa jira warar sheegaya in 48 sikin oo kasta ay Soomaaliya uu qof ugu dhinto astaamo macluul. Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah ugu dhawaaqday jiritaanka macluusha, laakiin, hay’adaha gargaarku waxay ka digeen in abaarta jirta ay isku beddeli karto macluul.

Hooyadan waxay ku soo barakacday Doolow
Qoraalka sawirka,Hooyadan waxay ku soo barakacday Doolow

Gargaarka

Lacagta gargaarka ah ee ay Qaramada Midoobay dalbatay ilaa hadda waxaa la helay boqolkiiba 15 oo keliya. Lacagtaas waxay gargaarka ay u baahan yihiin ugu filan tahay dad aan gaaraynin 3 milyan.

Caqabadaha amni ee ka taagan deegaannada qaar ayaa uga sii daraya xaaladda abaarta, maaddaama ay adag tahay in la gaarsiiyo gargaarka yar ee la heli karo.

Xaaladda ayaa si gaar ah u saameyneysa carruurta iyo waayeelka ay qoysaskooda abaarta darteed uga soo barakacayaan deegaannada qaar – way u nugul yihiin baahida iyo caafimaad-darrada ay ku wajahayaan safarrada barakaca iyo hayaanka.

Walaaca waxaa sii badinaya in dalalka dunida iyo deeq-bixiyeyaashaba ay ku sii jeedaan dagaalka Ukraine, taas oo keeni karta in la iska hilmaamo Soomaaliya iyo dalalka la midka ah ee ku sugan xaaladda adag.

Barakaca ay sababtay abaarta

Dad aad u badan ayaa ku barakacaya gudaha Soomaaliya. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in abaartu ay sababtay in ka badan 750,000 oo qof in ay barakacaan, tan iyo bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

BBC-da waxay Doolow kula kulantay Cabduqaadir Cabdinuur oo qoyskiisa ay soo lugeeyeen in ka badan 300 km si ay u soo gaaraan xero barakac oo ku taalla degmadaas. Hase yeeshee, wuxuu sheegay inuu ka walwalsan yahay xaaladda ay ku sugan yihiin dad ay deegaankoooda uga soo tageen oo socon kari la’aa.

QM: Dagaalka Ukraine wuxuu indhihii caalamka ka leexiyay musiibada abaaraha Soomaaliya

QM: Dagaalka Ukraine wuxuu indhihii caalamka ka leexiyay musiibada abaaraha Soomaaliya

Colaadda ka oogan waddanka Ukraine ayaa indhihii dunida iyo kuwii deeq-bixiyayaasha kasii jeedisay abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah oo ka jirta dalka Soomaaliya, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa intaas ku dartay in aanay heynin lacag ku filan badbaadinta malaayiin Soomaali ah oo macaluul iyo geeri qarka u saaran

Xaalad deg deg ah

Biyo la’aan ka jirta degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa hadda Foostadii biyaha ahyd waxay maraysaan $10, oo in badan oo ka mid ah bulshada gobolkan oo markii horena dan yar ahaa kana cunaqabataysnaa deeqaha Caalamka waxay khatar ugu jiraan inay Haraad u dhintaan. Gobolada Bari, Nugaal iyo Karaar ayaa hadda biyaha looga keena.

Qurba joogta giobola iyo Soomaalida kaleba waxaan ka codsanaynaa inay Gurmad la gaaraan daka looga cabsi qabo inay boqolaal haraad u dhintaan haddanay gurmad helin.

11 Caruur dhalatay ah oo ku dhintay dab qabsaday cusbitaalkii ay ku dhasheen

Madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall ayaa sheegay in 11 carruur ah oo markaas uun dhashay inay ku dhinteen dab ka kacay qaybta dhallaanka ee cusbitaal ku yaalla magaalada Tivaouane, oo qiyaastii 120 kilomitir dhinaca bari ka xigta caasimadda dalkaas ee Dakar.

See the source image
See the source image

“Waxaa xanuun aad u daran iyo argagax igu beeray dhimashada 11 dhallaan ah oo markaas uun dhashay, kuwaas oo ku nafwaayey, dab ka kacay qaybta dhallaanka ee cusbitaalka Mame Abdou Aziz Sy Dabakh ee magaalada Tivaouane,” sidaasi waxaa bartiisa twitter-ka ku qoray madaxweynaha dalka Senegal Macky Sally, isaga oo aan faahfaahin badan ka bixinin sababaha dhaliyey dabkan khasaaraha nafeed geystay.

Madaxweynaha Senegal oo safar shaqo ku jooga dalka Angola ayaa sheegay inuu dareenka murugada leh la wadaagayo hooyooyinka iyo qoysaska ubadkooda ku waayay dhallaankan. Wasiirka caafimaadka ee Senegal, Abdoulaye Diouf Sarr, ayaa u sheegay telefishan maxalli ah oo gaar loo leeyahay oo lagu magcaabo TFM in warbixinada hordhaca ahi ay sheegayaan in dabku uu ka kacay, qaybisooyinka gidaarka ku rakiban.

Wasiirka Caafimaadka oo ku sugan Geneva oo uu ka socdo shir ay leeyihiin Golaha Caafimaadka ee Adduunka, ayaa sheegay inuu soo gaabin doono safarkiisa Geneva uuna si degdeg ah ugu laabanayo dalkiisa. Demba Diop Sy, duqa magaalada Tivaouane, oo ah magaalo xarun u ah ama isku xidha gaadiidka u kala safra dalkaas, ayaa sheegay in booliiska iyo ciidanka dabdamisku ay wali ku sugan yihiin cusbitaalka hase ahaatee faahfaahin intaas ka badan muu bixinin