Safarka ma Yahay Mid Wakhtigan Munaasab ah?

Madaxweeyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Guddoomiyha Baarlamaanka waxa ay dalka ka tageen iyadoo ay u taal hawlo aad u badan oo ay ugu weeyn tahay sidii baarlamaanka loo horgeeyn lahaa ra’iisal wasaaraha cusub iyo wax ka qabashada abaarta baahsan ee ka jirta dalka.

Ma dhacdo inta badan madaxda caalamka ee la soo doortay ineey safar aan macno badan ku fadhiyin ay iska aadaan, iyagoo aan dawladdoo idil aan u sal dhigin. Tusaale, madaxweeynaha Mareeykanka Joe Bide, waxaa la calleemo saaray bishii Janaayo (January) 20keedii, 2021. Markii uu dawladdii iyo hawlihii dhammaa uu isku dubbariday ayuu safarkiisii ugu horeeyey waxa uu ugu baxay wadamo kamid ah qaarada Yurub bishii June 9keedii, 2021, waa afar bil iyo bar kadib.

Hase ahaatee, Xasan Shiikh oo dadkiisa ay abaar, amni xummo, dhaqaalo xummo iyo sicir barar ay heeysato ayaa waxa uu doorbiday inuu iska safro, iyadoo qiil laga dhiganayo Imaaraadka ayuu casuumad ka helay. Ma xumma in lagu casuumo, balse waa in aad safartaa marka aad dawladda oo dhan isku dubba riddato oo cid kasta ay shaqadeeda guddaneeyso.

Dad badan ayaa aaminsan in Xasan Shiikh loo soo dhiibayo sidii uu u maamuli lahaa dalka Soomaaliya afarta sanno ee soo socota, golaha wasiiradda ee la soo magacaabi doono cidda lagu soo darayo iyo cidda laga reebayo, sidii loo ugaarsan lahaa kuwa ka soo horjeeda siyaasadda Imaaraadka, in la fulliyo danaha Imaaraadka ee Soomaaliya, iyo sidii loo yareeyn lahaa gallaangalka dawladaha Qatar iyo Turkiga.

Xasan Shiikh ayaa la aaminsanyahay inuu ku caan baxay musuqmaasuq, in uusan laheeyn qab Soomaalinimo, inuu yahay shakhsi dawlad kasta Haa uun yiraahda oo aan aqoon Maya, inuu yahay shakhsi iska safra, iyo in uu yahay shakhsi aan garaneeyn sida hawlaha ay u kalla muhiimsan yihiin, waana midda maanta sababtay in uu iska safro, iyadoo aysan jirin wax degdeg ah.

Hadaba, waxaa muuqata safarka madaxeeynaha ee waqtigan inuusan aheeyn mid munaasab ah waayoo ma jirto wax degdeg ah oo Imaaraadka loogu cararo, waxaase ka weeyn in hawsho la isugu geeyo sidii wax looga qaban lahaa abaarta baahsan ee ka jirta dalka, soo dhammeeystirka iyo hawlgellinta golaha wasiiradda ee la sugayo.

Madaxweyne Xasan Culusoow iyo Mahad Salaad oo la kulmay Imaaraadka

Madaxweyne Xasan Culusoow iyo Mahad Salaad oo la kulmay madaxda Imaaraadka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta Mudane Sheekh Maxamed Binu Saayid.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa lagu lafa guray hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka.

Madaxweyne Maxamed Bin Saayid ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen, waxa uuna soo bandhigay doorka ay dowladdiisu ka qaadanayso gurmadka abaaraha ka jira dalkeenna iyo dib u soo celinta  taageeradooda ku aaddan ammaanka iyo adeegyada bulshada ee dowladda Imaaraatku ay ka fulin jirtay dalkeenna.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Imaaraatka, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka.

Deni oo Garowe kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidanka Difaaca iyo Asluubta Puntland

Deni oo Garowe kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidanka Difaaca iyo Asluubta Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta.

Kulanku intuu socday Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Gen Yaasiin Cumar Dheere Taliyaha ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka ee maanta Kulanka ka qeybgalay, waxayna la wadaageen howlgalada amni iyo qorsheyaasha ay ku horumarinayaan difaaca Puntland.

Madaxweynaha ayaa Ciidanka Daraawiishta Puntland ku boggaadiyay sida geesinimada leh ee ay marwalbo heegan ugu yihiin difaaca Puntland, oo ay uga difaacayaan argagixisada iyo cidkasta oo amni daro ka shaqeynaysa, wuxuuna faray in ay sii laba jibaaraan gudashada waajibaadkooda.

May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 1 person, sitting and military uniform
May be an image of 7 people, people sitting and people standing

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo booqday Safaaradda JFS ay ku leedahay dalka Kenya

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo booqday Safaaradda JFS ay ku leedahay dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur-Madobe ayaa maanta booqday Safaarada JFS ay ku leedahay dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa Safaaradda waxaa ku soo dhoweeyey Safiirka dalkenna u jooga Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ku-xigeenka Safiirka iyo howl-wadeennada Safaarada, waxaana uu bogaadiyey shaqada adag ee Shacabka Soomaaliyeed ku nool Kenya ay hayaan waxaana uu ku dhiira-geliyey in aan marnaba laga caajisin u adeegida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Nin qabrigii lagu aasi lahaa fiirsanayay 19 sano

9 sano kahor, Samson Mwongera waxa uu diyaariyay qabriyadii lagu kala aasi lahaa isaga iyo xaaskiisa, balse ugu dambeyn ayaa iilka la dhigay.

Ninkan oo ku geeriyooday 77 sano ayaa howsha diyaarinta qabrigiisa guda galay isla markii uu howlab ka noqday shaqada ku dhawaad 20 sano kahor, isla meeshii uu sameystay ayaana lagu aasay.

Waxaa labada qabri oo gurigiisa ku dhex yaalla laga dhigay kuwo dhinaca isku haya, wuxuuna qorshuhu ahaa in ninkan iyo xaaskiisa kii hor geeriyooda qeybta hore lagu aaso, si kan kalena qeybta xigta loogu qoondeeyo.

Warqad uu qoray ganacsadahan sanadkii 2003-dii ayuu ku caddeeyay inta badan dardaarankii uu bixin lahaa ka hor inta uusan geeriyoonin iyo sida uu u qorsheeyay dhaxalkiisa, geeridiisa kaddib

Arrintan ayey dad badan u arkeen rajo uu qabay Samson oo loo hirgaliyay geeridiisa ka dib, balse qaar ka mid ah qaraabadiisa ayaa fikrado kala duwan ka qabay halka dhab ahaantii ay ahayd in lagu aaso.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka ee beeshiisa ayaan soo dhaweynin fikraddiisa.

“Waxaan dooneynay in lagu aaso meesha uu aabihiis ku aasan yahay, laakiin markii uu isugu keen yeeray, uuna noo sheegay inuu doonayo in goobtan lagu aaso, waddo kale nooma furneyn oo aan ka ahayn inaan iska aqbalno”, sidaas waxaa warbaahinta ku yidhi Gibson Mureithi oo ah walaalkiis ka yar.

Xaaska ninka dhintay oo lagu magacaabo Eunice Mwongera ayaa sheegtay inay raali ka tahay go’aankaas.

“Markii la gaaray sannadguuradii arooskeenna ee 44-aad, wuxuu meel isugu keenay dhammaan carruurtiisa iyo xubnihii kale ee guud ahaan qoyska, markii uu arrinta u sheegayna dhammaantood wuxuu geeyay goobta uu qabriga ka qoday wuxuuna ku yidhi waa halkan meesha aan rabo in la igu aaso”.

Samson ayaa ka mid ahaa ganacsatada ismaamulka Isiolo ee dalka Kenya, sheekadiisana waxaa si weyn u hadal hayay warbaahinta Kenya markii uu dhintay.

Midawga Yurub oo doonaya in xal loo helo sarreenka ku xanniban dekedaha Ukraine

Midawga Yurub oo doonaya in xal loo helo sarreenka ku xanniban dekedaha Ukraine

BRUSSELS — Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub ayaa kulan ay ku yeesheen dalka Luxembourg waxay kaga wada xaajoodeen sidii loo fududayn lahaa in malaayiinta ton ee sarreenka ah ee ku xanniban dalka Ukraine inay gaadhaan dalalka loo wado, ka dib markii dalka Ruushku uu xannibaad ku soo rogay dekedaha Ukraine ee ku yaalla Badda Madow.

Ukraine oo ka mida dalalka ugu badan ee soo saara sarreenka dunida laga isticmaalo ayaa haatan awoodi wayday inay sarreenkeeda debedda u dhoofiso. In ka badan 20 million oo ton oo sarreen ah ayaa ku xanniban dekedaheeda, tan iyo wixii ka dambeeyey duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalkaas.

Moscow ayaa iyadu iska diiday in dalkeedu uu ka masuul yahay qalalaasaha dhinaca cuntada ee caalamka ka taagan, iyaga oo taas bedelkeeda ku eedeeyey in cunaqabataynada ay soo rogeen Wadamada reer Galbeedku inay keentay cunto yarida ka jirta caalamka.

Wasiirada Arrimaha Debedda ee Midawga Yurub ayaa haatan ka fekeraya sidii arrintaas xal looga gaadhi lahaa, waxaana qorshayaasha laga wada hadlay ku jira in Qaramada Midoobay ay door ka cayaarto sidii ay Moscow ugu qancin lahayd inay xannibaadda ka qaaddo dekedaha Ukraine, si debedda loogu dhoofiyo sarreenka, halka taas bedelkeeda loo ogolaanayo dalka Ruushku inuu wadamada caalamka u dhoofiyo cuntooyinka uu soo saaro iyo waxyaabaha beeraha lagu bacrimiyo.

Turkiga oo xidhiidh dhow la leh Ruushka iyo Ukraine ayaa sheegay inay kormeeri doonaan dhaqangalka heshiiska, haddii heshiis la gaadho.

Reuters

Abaarta ka jirta gobolka Hayland

Wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Haylaan Maxamed Faarax Aadan (Canjeex) oo uu ka mid yahay guddoomiye kuxigeenka gobolka Fu’aad Maxamed Muuse ayaa safar u kuurgelid ah ku tegey qaar kamida deegaannada hoos yimaadda gobolka Haylaan ee ay kajirto abaartu.

iyo waftigiisa ayaa la kulmay qaar kamida dadka reer guuraaga oo la il daran abaarta iyagoo ka waraystay xaaladaha jira iyo saamaynta abaareed ee haysata.deegaannada ay masuuliyiintu tageen waxaa kajirta xaalad dadka qaybtii ay wajahayaan nafaqo darro iyo macaluul halka xoolaha qaybtood ay abaartu laysay taa oo loo baahan yahay in gurmad deg dega laga sameeyo.

May be an image of nature
May be an image of 3 people, people standing, tree and outdoors
May be an image of 1 person, horse and outdoors
May be an image of animal and outdoors
May be an image of 4 people, people standing and sky
May be an image of 3 people, people standing and outdoors
May be an image of animal and outdoors
May be an image of 2 people, people standing, tree and outdoors

Laascaanood: Dil loo geystay guddoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Sool

Laascaanood: Dil loo geystay guddoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Sool

Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in caawa fiidkii lagu dilay magaaladaas alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Faarax oo ahaa guddoomiyihii Xisbiga UCID ee gobolka Sool.

Masuuliyiinta gobolka Sool ayaa xaqiijiyey in marxuumka la dilay xilli uu sii gelayey guriga uu ka deggan yahay magaalada Laascaanood, iyaga oo sheegay inay haatan bilaabeen baadhitaan ku aaddan dilka guddoomiyaha Xisbiga UCID ee gobolka Sool.

Marxuumka la dilay ayaa hore u soo noqday xubin ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayay marar kala duwan ka dhaceen dilal qorshaysan kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday shakhsiyaad kala duwan.

Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya oo laga guddoomay Warqadaha aqoonsiga

Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya oo laga guddoomay Warqadaha aqoonsiga

Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Balal Maxamed Cusmaan , ayaa maanta oo Isniin ah xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay Waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha (UNFPA) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Niyi Ojuolape.

Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, waxaa lagaga wada hadlay dhowr arrimood, oo ay ku jirto xoojinta wadashaqaynta u dhexeysa Soomaaliya iyo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha iyo horumarinta xiriir adag oo togan iyadoo la kordhinayo waxqabadka howlaha ay hay’adda UNFPA ka waddo dalka, taasoo qeyb ka qaadaneysa in la gaaro yoolalka ka baxsan gargaarka bani’aadanimo oo ah hagaajinta nolosha muwaadiniinta iyo joogtaynta shaqada ee dhinacyada daryeelka caafimaadka iyo taageerada bulshada.

Kulanka qaabilaadda ee Wakiilka cusub ee UNFPA waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee habmaamuuska ee Wasaaradda, Avv. Xirsi Xaaji Culusow iyo Agaasimaha Waaxda Ururrada Adduunka, Mudane Xasan Maxamed Cali.