Tuk- tuk ay saaran yihiin 27 qof

Bajaaj ay saaran yihiin 27 qof oo la qabtay iyada oo xawaare ku soconaysa

Markii Booliiska gobolka Uttar Prades ee dalka Hindiyaa ay joojiyeyeen Bajaaj tuk-tuk (auto-rickshaw) ah , waxay ka yaabeen inta qof ee saarnaa Bajaajkan oo ugu badnaan loogu talo galay inay qaado sadex qof. Hal qof kama soo degin, labo kama soo degin sadex maaha ee waxa ka soo degay 27 qof.

Jahwareer ka taagan waxa loo tababaray ciidammada Soomaalida ee Eritrea

Jahwareer ka taagan waxa loo tababaray ciidammada Soomaalida ee Eritrea

Waxaa markii ugu horreysay fagaaro lagu arkay ciidamadii tababarka u joogay dalka Eritrea, halkaas oo shalay xero ay ku jireen uu ugu tagay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Eriteriya, Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ah oo tababbar u jooga dalkaas. Wuxuu warbixinno ka dhageystay qaar ka tirsan saraakiisha iyo askarta.

Madaxweyanaha ayaa sidoo kale ballan-qaaday in askartaas dib loogu celin doono dalkooda.

Waxyaabaha uu ballan-qaaday madaxweyne Xasan Sheekh intii aan la dooran waxaa ku jira arrinta dhallinyarada la sheegay in tababar ciidan loo geeyay dalka Eritrea. Dowladdii hore wuxuu ku dhaliilay qaabka ay u maamushay kiiska dhallinyaradaas.

Hase yeeshee, wuxuu ballan-qaaday in arrinta dhallinyaradaas ay noqon doonto howlaha muhiimadda koowaad u leh maalinta uu xafiiska tago.

Waxaan ilaa iyo hadda kala caddeyn askarta la tababaray, nooca loo tababaray iyo qeybaha ay ku biiri doonaan.

Haddaba maxay yihiin ciidammadan?

Dowladda ilaa iyo hadda ma aysan sheegin qeybaha kala duwan ay ka kooban yihiin ciidamadan.

Balse madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehlinayay Afwerki ayaa booqday ciidamada badda ee loo tababaray Soomaaliya ee ku sugan dalkaas, madaxweynaha wuxuu daawanayay ciidamada oo markaa saarnaa doomaha dagaalka ee ilaalada xeebaha.

Maalin ka hor, Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale la kulmay ciidamo fara badan oo tababarka ku qaatay Eritrea, lama ogo qeybaha ay ka tirsan ciidamadan.

.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrinta ciidanka tababarka loo geeyay dalka Eritrea markii uu xilka ku wareejinayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sheegay in ciidankaas oo tiradooda ay gaarayso 5,000 oo askari ay isugu jiraan qeybaha ciidanka. Wuxuu xusay in ay tababarka dhameysteen bartamihii sanadkii 2021. “Iyadoo la rabay in la keeno dib baan u dhignay sababtoo ah xaaladda siyaasadeed iyo doorashada aan ku jirnay in ay isa saameyso,” ayuu yiri Farmaajo.

Masuuliyiinta hay’adaha amniga maxay ka dhaheen?

Taliyihii hore ee sirdoonka Yaasiin Fareey ayaa sheegay in ciidamada lagu tababarayo Eritrea ay dowladda u wakiilatay hay’adda NISA balse aysan aheyn ciidan ka tirsan nabad sugidda.

“Waa ciidan loogu talagalay inay ka qeyb qaataan difaaca dalka, ciidanka lagu tababarayo ma aheyn ciidan ay hay’addu dirtay, waxay ahaayeen ciidan qaran oo ay hay’adda wakiil uga aheyd dowladda madaxdii joogtay xilliggaas ayaa si gaar ah uga shaqeysay , haddana waxaa kala shaqeynayaa madaxda cusub,” ayuu yiri kusimihii hore taliyaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya mar uu wareysi siinayay SMS TV.

Dhinaca kale, taliyihii isaga ka soo horeeyay Fahad Yaasiin ayaa hase yeeshee sheegay in ciidamada aysan ka tirsaneyn nabad sugidda balse ay yihiin militeri.

“Waxaa la baray qeybo kala duwan oo militeriga ah, waxaa la siiyay tababar aad u sarreeyo, waxaa lagu tababaray hub kala duwan, waxay noqon doonaan ciidan Soomaaliyeed oo hanti u ah dalka” ayuu yiri Fahad Yaasiin taliyihii hore ee NISA oo wareysi dhif ah bishii Juun siinayay bogga Geylan Media.

Wuxuu intaa ku daray in ciidamada kusoo qaatay Eritrea ay yihiin ‘ciidamadii ugu fiicnaa abid ee loo soo tababaro Soomaaliya’

 “Eritrea ciidankii loo geeyay tababarkii ugu fiicnaa bey siiyeen iyo aqoontii ugu badnaa bey siiyeen, waxay noqon doonaan ciidamada Soomaalida kuwooda ugu tababarka fiican”

Ciidamada badda ee lagu tababaray Eritrea
Qoraalka sawirka,Ciidamada badda ee lagu tababaray Eritrea

Maxay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Isaias Afwerki?

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Eritrea  Isaias Afwerki ayaa maanta heshiis ku kala saxeexday magaalada caasimadda ah ee Asmara.

Qodobada ay ku heshiiyeen waxaa kamid ah:

-Horumarinta xiriirka dadka labada dal

-Adkeynta xiriirka siyaasadda, iyadoo la wada ilaalinayo danaha labada dal

-Ballaarinta iskaashiga dhaqan dhaqaale, iyo horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga.

–  Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga.

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la yeeshay safiirka UK ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland  Ahmed Mohamed Islaam, ayaa maanta aqalka martida ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo booqasho ku timid Jubalalan

Kulanka looga hadlay taageerada  Dowlada Ingiriiska ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqda, nabadgalyada iyo sidii Dowlada Ingiriiska ay u bilaabi lahayd mashariic horumarineed iyo taageero dhinacayada kala duwan ah oo ay ka fulin doonto Jubaland.

Madaxweynaha JFS Oo Kormeeray Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Badda Ee Tababarka U Jooga Ereteriya

Madaxweynaha JFS Oo Kormeeray Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Badda Ee Tababarka U Jooga Ereteriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.

Kormeerkan ayuu madaxweynuhu ugu kuur galay xaaladda ciidanka badda ee tababbarka ku qaadanaya dalka Ereteriya kuwaas oo uu u rajeeyey in ay kaalin muuqata ka qaataan howgalada amni ee ka socda dalka

Ciidankan ayaa sameeyey dhoolatus ay ku soo dhaweynayaan Madaxweynaha JFS waxa uuna madaxweynuhu uu ka qaatay salaan sharaf isaga oo warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la hadlay ciidamadan ayaa ku bogaadiyey dulqaadka ay ku wajaheen tababbarka iyo sida ay uga go’an tahay in ay difaacaan qarankooda, isaga oo uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey ahmiyadda qaran ee dib u dhiska ciidanka Soomaaliyeed iyo kor u qaadidda tayadooda, si loo xaqiijyo xoreynta dalka, loogana dulqaado dadka iyo mandiqaddaba qatarta argagixisada ee caqabadda ku ah nolasha iyo horumarka.

Xildhibaan Sacdiya iyo maamulka Puntland oo ka hadlay dhacdadii garoonka Boosaaso

Xildhibaan Sacdiya iyo maamulka Puntland oo ka hadlay dhacdadii garoonka Boosaaso

Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay inaysan ka warqabin diyaaradda mucaawinada sidday ee maanta laga soo celiyey garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in loo baahan yahay in in mar walba xiriir iyo iska warqab ay yeeshaan dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Waxaana uu sheegay in maamul goboleedka Puntland ay diyaar u yihiin wada shaqayn la xiriirta ka jawaabista dhibaatooyinka abaaraha iyo amniga. Waxaase uu sheegay inaysan dhicin “is gacan dhaaf” isagoo intaas ku daray inuu rajaynayo inaanay mar kale dhicin.

Dhinaca kalena, guddoomiye ku xigeenka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Puntland ay ka war qabeen diyaaradda mucaawinada sidda ka hor tegitaankeeda.

Xildhibana Sacdiya ayaa VOA u sheegtay inay la xiriirtay guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon) ka hor inta aysan diyaaraddu tegin ayna ku wargelisay mucaawimada ay keenayaan. Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa isagu beeniyey inuu ogaa mucaawinada iyo inuu la hadlay Xildhibaan Sacdiya.

Waxaa kale oo Xildhibaan Sacdiya u sheegtay VOA in kaidb markii ay diyaaraddu degtay uu la socoo hadlay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaaash uuna ku wargeliyey in mucaawinada laga dejiyo diyaaradda. VOA waxay la xirirtay madaxweyne ku xigeenka oo ilaa haatan aan ka jawaabin telefoonkisa.

Xildhibaan Sacdiya oo sidoo kale ah ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka war-heshay intii ay diyaaraddu kusii jirtay hawada in telefoonka loogu sheegay duuliyaha in aanay diyaaraddu soo degin, hase yeeshee duuliyuhu sheegay inuu u baahan yahay inuu shidaal qaato.

Xildhibaan Sacdiya ayaa sheegtay inay sidoo kale horey ula xiriirtay odayaasha dhaqanka si ay mucaawanada ugala wareegaan. Waxay sheegtay in mucaawinadan loo waday Boosaaso ay ahayd toddoba tan ah oo iskugu jira bur, bariis iyo saliid; iyo wleiba cuntooyinka nafaqada.

Xildhibaan Sacdiya ayaa intaas ku dartay inay mucaawino gaysay magaalada Garoowe muddo hadda laga joogo ilaa saddex toddobaad, laguna wareejiyey maamulka, balse ilaa haatan aan la qaybin mucaawinadaas.

Iska horimaadka maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa waxaa ku dhintay 10 qof sida ay VOA u sheegeen ilo dhinaca amniga ah oo cidsaday inaan magacooda la sheegin sababtoo ah looma oggola inay la hadlaan warbaahinta.

Diyaaradda sidday Xildhibaan Sacdiya iyo mucaawinadii ayaa galabta si nabad ah dib ugu laabtay Muqdisho.

Wax badan ka ogow xaafidul Qur’aanka ugu caansan Tiktok

Wax badan ka ogow xaafidul Qur’aanka ugu caansan Tiktok

Wiilka ugu shacbiyadda badan TikTok adduunka oo dhan ee lagu magacaabo Khaby Lame ayaa ugu dambeyntii ka hadlay su’aalaha ku saabsan diintiisa.

Khaby Lame oo ah shakhsiga ugu caansan baraha bulshada, oo dhowaan kaalintaas kala wareegay Charli D’Amelio, ayaa daaha ka qaaday in aanu kaliya ahayn Muslim ku dhaqma diintiisa, balse uu sidoo kale yahay xaafidul-Quraan.

Khaby Lame oo la hadlayay mid ka mid ah warbaahinta Talyaaniga ayaa ka jawaabay su’aasha ugu badan ee la weydiiyay ee ku saabsanayd diintiisa, wuxuuna yiri “Haa waxaan ahay Muslim, Muslim ku dhaqma diintiisa. Ma garanayo wax kale oo aan iraahdo.”

Lame, oo 22 sano jir ah oo ku dhashay Senegal ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in qoyskiisu ay u guureen Talyaaniga isaga oo sanad jir ah, waxaana loo diray dugsi Qur’aan ku yaallay meel u dhow magaalada Dakar, Senegal si uu xaafidul-Quraan u noqdo, waxayna taasi u sahashay inuu Quraanka xifdiyo markii uu ahaa 14 jir.

Khaby Lame

Xiddiga reer Senegal ee TikTok, Khaby Lame ayaa hadda ah qofka ugu followers-ka badan TikToker adduunka oo dhan.

Waxaa bartiisa ku xiran dadka ugu badan TikTok, isagoo aan wax kelmad ah dhihin, wuxuu dhaafay gabadha markii hore ku jirtay kaalinta koowaad oo la yiraahdo Charli D’Amelio.

Lame wuxuu hadda haystaa 142.8 milyan oo qof oo ku xiran bartiisa TikTok, marka la barbar dhigo D’Amelio oo hayasta 142.3 milyan. Bishii Nofeembar ee sanadkii 2020, D’Amelio waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee TikTok isticmaala ee hela 100 milyan oo qof oo ku xiran.

Sida fudud ee uu ku billaabay TikTok bishii March ee sanadkii 2020 waxay ahayd maalmihii ugu horreeyay ee cudurka Coronovirus, Khabane Lame, waxa uu waayay shaqo uu ka heystay warshad ku taalla meel u dhow magaalada waqooyiga Talyaaniga ee Turin.

Wuxuu iska joogay guriga waalidiintiisa ee Chivasso, halkaas oo ay kula noolaayeen saddex walaalo ah, shaqo kale ayuuna rajeynayay.

Xilligaas ayaa sidoo kale ahayd markii ugu horreysay ee uu isticmaalay Tiktok, sida uu ku warramay wargeyska Newyork Times. Lame wuxuu leeyahay gacmo dhaadheer iyo waji dhuuban.

Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu soo dajistay app-ka TikTok, waxa uuna billaabay inuu muuqaallo isaga soo duubo qolkiisa jiifka. Muuqaallada uu soo dhigayay wuxuu ka soo galinayay cinwaan wata magaciisa Khaby Lame.

Wixii markaas ka billowday, wuxuu noqday xiddig caan ka ah Tiktok. Muuqaalladiisa la-yaabka leh ayaa dadka soo jiitay. Markii hore, sida dad badanba ay ku sameeyaan TikTok, wuxuu soo galin jiray muuqaallo uu iska soo duubay isagoo qoob-ka-ciyaar sameynaya, ciyaaro daawanaya ama sameynaya waxyaabo shactiro ah.

Lame, wuxuu muuqaalladiisa oo dhan caalamka gaarsiiyaa isagoo aamusan. TikTok dhexdiisa, aamusnaantiisa waa mid ka dhan ah hadal. “Fikrad ayaan la imid sababtoo ah waxaan arki jiray muuqaallo wareegaya, waxaana jecleystay in aan ku soo daro aragti wax fududeyn ah,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay telefishinka CNN.

Sanadkan ayuu isbeddel la yimid kaddib markii uu billaabay inuu majaajilo ka dhigo xeelado la xiriira nolosha, uuna muuqaallo ka soo diyaariyo isagoo ka-fal-celinaya ficillo ay dad kale sameeyeen.

Hal erayna ma soo raaciyo muuqaalladiisa falcelinta ah. Waxaa lagu tilmaamaa hadda inuu yahay ninka ugu taageerada badan uguna caansan TikTok. Qofka ku soo xiga oo ah Charli D’Amelio, oo ah gabar dhowr iyo toban sano jir ah oo ka soo jeedda California, waxay soo bandhigtaa muuqaallo ciyaar ah, inta badanna ay la soo sameyso walaasheed ka weyn.

Khaby Lame

Muuqaalladiisa waa hal nooc oo inta badan gaagaaban

Wuxuu gacmaha ku tilmaamaa muuqaallo ay dad kale soo sameeyeen iyagoo fulinaya xeelado dhanka nolosha ah oo adag.

Wuxuu uga jawaabaa muuqaallo si sahlan oo macquul gal ah loogu xallinayo isla arrimihii la adkeynayay.

Mid ka mid ah muuqaalladiisa, Lame wuxuu gacantiisa ku fiiqayaa moos isagoo tilmaamaya qof moos mindi ku fiiqayay kaddibna ku jarjarayay.

Mid kale, wuxuu ka fal-celinayaa muuqaal ay haweeney iska soo duubtay iyadoo si dhib badan u fiiqeysa qajaar ay ilkaheeda u adeegsaneyso.

Isagoo hoga tusaaleynaya ayuu ajaar ku fiiqayaa aalad yar oo loogu talogalay in khudaarta lagu fiiqo.

“Waxaa laga yaabaa in sida aan wajiga ka dhigayo ay tahay qaab shactiro ah, howsha aan fududeynayana ay ka qoslineyso dadka, taas ayaana jeclahay,” ayuu yiri.

Mararka qaar indhaha oo keliya ayuu dhaqaajiyaa, madaxana wuu ruxaa isagoo aan gacmaha ku dareynin.

Dad badan ayaa isaga qudhiisa muuqaalladiisa dib u adeegsada ama qaabkiisa tilmaanta ka min-guuriya.

Fal-celintiisa marka laga soo tago labada gacmood ee uu ku taago waxa uu tilmaamayo, wuxuu sidoo kale ruxaa madaxa kaddib marka uu sheego qaabka sahlan ee laga rabay in howsha loo fuliyo. Gacmahana wuxuu soo fidiyaa isagoo ay calaacalihiisa kor u jeedaan.

Tacsi Maxamed Shiino

Bahda Allsanaag, waxay taci tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii ,qaraabadii iyo assxaabtii uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Maxamed Aadan Cabdi ( Maxamed Shiino) , oo ku geeriyooday magaalada Calgary ee dalka Canada.  Waxaan Allah uga baryeynaa inuu naxariistii Jano ka waraabiyo Marxuumka, Eheladdi iyo Qaraabadii uu ka tegayna Samir iy Iimaan  uuka siiyo Aamiin Aamiin.

Allah ha u naxariistee ayaa sagaashameeyaddii ku noolaan jiray magaalada Toronto ee dalka Canada

Tacsidan waxa kale oo diraya Kayse Seeraar iyo Jaaliyadda reer Makhir ee dalka Canada

Allsanaag. Com

Maxay tahay sababta xilka looga qaaday masuuliyiin ka tirsan maamulka masaajidka Xaramka?

Maxay tahay sababta xilka looga qaaday masuuliyiin ka tirsan maamulka masaajidka Xaramka?

Maamulaha Guud ee Arrimaha Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga, Sheikh Abdul Rahman bin Abdulaziz Al-Sudais, ayaa soo saaray go’aan uu xilka kaga qaadayo Agaasimaha Xarunta Warbaahinta sababo la xiriira “waxqabad la’aanta uu ku muujinayo dadaalka maamulka Guud ee Arimaha Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga ee u adeegida martida Ilaahay”

Xil ka qaadista lagu sameeyay maareeyaha xarunta warbaahinta ayaa timid maalin kadib go’aano kasoo baxay Al-Sudais oo xilka looga qaaday agaasimihii guud ee maamulka iyo kaaliyihiisa oo xilalka laga qaaday. gudan la’aanta waajibaadkii loo igmaday xilli ay ku sii qul qulayaan xujeydu Masjidka Xaramka, sida lagu daabacay bogga maamulka labada Masjid ee Xaramka.

Sannadkan, mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa u oggolaaday illaa hal milyan oo Muslimiin ah oo qaatay tallaallada ka hortagga Coronavirus inay soo gutaan waajibaadka Xajka, halkaas oo ay isugu yimaadeen tiradii ugu badnayd ee xujaaj ah tan iyo markii uu cudurku dillaacay, waxaana dibadda Sucuudiga ka soo xajiyey 850,000 oo xaaj.

M.Xasan Culusoow oo booqday Ciidankii loo qaadxay Eritrea

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyay Madaxweynaha Eritrea ayaa maanta kormeeray xerada ay ku jiraan ciidamadii dalkaas lagu tababarayay muddo saddex sano ah, waxaana ciidankan ay soo bandhigeen dhoolatus.

Si kastaba, Maalintii xilka lagu wareejiyay madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ballan qaaday in dalka dib ugu soo celin doono ciidamo Soomaali ah oo tababar ku qaadanayay dalka Eritrea.

Waxyaabaha uu ballan-qaaday madaxweyne Xasan Sheekh intii aan la dooran waxaa ku jira arrinta dhallinyarada la sheegay in tababar ciidan loo geeyay dalka Eritrea. Dowladdii hore wuxuu ku dhaliilay qaabka ay u maamushay kiiska dhallinyaradaas.

sawirro: xasan sheekh oo booqday askartii loo qaaday dalka eritrea.
sawirro: xasan sheekh oo booqday askartii loo qaaday dalka eritrea.
sawirro: xasan sheekh oo booqday askartii loo qaaday dalka eritrea.