29th March 2024  admin  Category :

Jahwareer ka taagan waxa loo tababaray ciidammada Soomaalida ee Eritrea

Waxaa markii ugu horreysay fagaaro lagu arkay ciidamadii tababarka u joogay dalka Eritrea, halkaas oo shalay xero ay ku jireen uu ugu tagay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Eriteriya, Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ah oo tababbar u jooga dalkaas. Wuxuu warbixinno ka dhageystay qaar ka tirsan saraakiisha iyo askarta.

Madaxweyanaha ayaa sidoo kale ballan-qaaday in askartaas dib loogu celin doono dalkooda.

Waxyaabaha uu ballan-qaaday madaxweyne Xasan Sheekh intii aan la dooran waxaa ku jira arrinta dhallinyarada la sheegay in tababar ciidan loo geeyay dalka Eritrea. Dowladdii hore wuxuu ku dhaliilay qaabka ay u maamushay kiiska dhallinyaradaas.

Hase yeeshee, wuxuu ballan-qaaday in arrinta dhallinyaradaas ay noqon doonto howlaha muhiimadda koowaad u leh maalinta uu xafiiska tago.

Waxaan ilaa iyo hadda kala caddeyn askarta la tababaray, nooca loo tababaray iyo qeybaha ay ku biiri doonaan.

Haddaba maxay yihiin ciidammadan?

Dowladda ilaa iyo hadda ma aysan sheegin qeybaha kala duwan ay ka kooban yihiin ciidamadan.

Balse madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehlinayay Afwerki ayaa booqday ciidamada badda ee loo tababaray Soomaaliya ee ku sugan dalkaas, madaxweynaha wuxuu daawanayay ciidamada oo markaa saarnaa doomaha dagaalka ee ilaalada xeebaha.

Maalin ka hor, Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale la kulmay ciidamo fara badan oo tababarka ku qaatay Eritrea, lama ogo qeybaha ay ka tirsan ciidamadan.

.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrinta ciidanka tababarka loo geeyay dalka Eritrea markii uu xilka ku wareejinayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sheegay in ciidankaas oo tiradooda ay gaarayso 5,000 oo askari ay isugu jiraan qeybaha ciidanka. Wuxuu xusay in ay tababarka dhameysteen bartamihii sanadkii 2021. “Iyadoo la rabay in la keeno dib baan u dhignay sababtoo ah xaaladda siyaasadeed iyo doorashada aan ku jirnay in ay isa saameyso,” ayuu yiri Farmaajo.

Masuuliyiinta hay’adaha amniga maxay ka dhaheen?

Taliyihii hore ee sirdoonka Yaasiin Fareey ayaa sheegay in ciidamada lagu tababarayo Eritrea ay dowladda u wakiilatay hay’adda NISA balse aysan aheyn ciidan ka tirsan nabad sugidda.

“Waa ciidan loogu talagalay inay ka qeyb qaataan difaaca dalka, ciidanka lagu tababarayo ma aheyn ciidan ay hay’addu dirtay, waxay ahaayeen ciidan qaran oo ay hay’adda wakiil uga aheyd dowladda madaxdii joogtay xilliggaas ayaa si gaar ah uga shaqeysay , haddana waxaa kala shaqeynayaa madaxda cusub,” ayuu yiri kusimihii hore taliyaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya mar uu wareysi siinayay SMS TV.

Dhinaca kale, taliyihii isaga ka soo horeeyay Fahad Yaasiin ayaa hase yeeshee sheegay in ciidamada aysan ka tirsaneyn nabad sugidda balse ay yihiin militeri.

“Waxaa la baray qeybo kala duwan oo militeriga ah, waxaa la siiyay tababar aad u sarreeyo, waxaa lagu tababaray hub kala duwan, waxay noqon doonaan ciidan Soomaaliyeed oo hanti u ah dalka” ayuu yiri Fahad Yaasiin taliyihii hore ee NISA oo wareysi dhif ah bishii Juun siinayay bogga Geylan Media.

Wuxuu intaa ku daray in ciidamada kusoo qaatay Eritrea ay yihiin ‘ciidamadii ugu fiicnaa abid ee loo soo tababaro Soomaaliya’

 “Eritrea ciidankii loo geeyay tababarkii ugu fiicnaa bey siiyeen iyo aqoontii ugu badnaa bey siiyeen, waxay noqon doonaan ciidamada Soomaalida kuwooda ugu tababarka fiican”

Ciidamada badda ee lagu tababaray Eritrea
Qoraalka sawirka,Ciidamada badda ee lagu tababaray Eritrea

Maxay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Isaias Afwerki?

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Eritrea  Isaias Afwerki ayaa maanta heshiis ku kala saxeexday magaalada caasimadda ah ee Asmara.

Qodobada ay ku heshiiyeen waxaa kamid ah:

-Horumarinta xiriirka dadka labada dal

-Adkeynta xiriirka siyaasadda, iyadoo la wada ilaalinayo danaha labada dal

-Ballaarinta iskaashiga dhaqan dhaqaale, iyo horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga.

–  Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*