Wakiilka DPL ee Dalka Scotland ayaa ka qaybgalay shir caalamiya oo lagu qabtay magaalada Glasgow ee Scotland.

Glasgow:-Wakiilka DPL ee Dalka Scotland ayaa ka qaybgalay shir caalamiya oo lagu qabtay magaalada Glasgow ee Scotland.

Wakiilka DPL ee Scotland Amb Raage Xaaji Maxamed ayaa magaalada Glasgow kaga qaybgalay shir caalamiya oo lagu qabtay magaalada Glasgow kaas oo ay ka qaybgaleen wafuuud caalamiya.

Amb Raage Xaaji Maxamed ayaa kulamo kala duwan la qaatay Wafuudi ka qaybgashay shirwaynaha isagoona uga warbixiyay Horumarada kala duwan ee ka socda Puntland,iyo sidookale xalada dagaal ee bilihii ugu danbeyay dowlada Puntland kula jirtay kooxda burcad diimeedka ah ee daacish dagaaladaas oo Puntland Guulo waawayn ka gaartay.

Amb Raage Xaaji Maxamed wuxuu sidookale masuuliyiinta dalka iyo wafuudii ka qayb gashay shirka uga warbixiyay doorkii jaaliyadu ka qaadatay howlgalka hilaac

Amb Raage Xaaji Maxamed wuxuu kaloo shirka kaga waramay xaalada syaasadeed ee cakarin ee dalka ka jira sida ay Puntland markasra doorka wnaasan uga qaadato somaliya badbaadeeda maadaama somaliya maanta khatar badan ugu jirta amni daro taasoo ay alshabaab ka gaysnayaan qaybo kamida somaliya.

Shirka ayaa ahaa shirkii ugu horeeyay oo lagu casuumo somali waxaana casuumaadaas ka qayb galka ah helay Puntland markii ugu horaysay.

Imaaraadka iyo Koonfurta Soomaaliya

Garoonka Aadan Cade war uma hayaan hase ahaatee kan Boosaaso waa la socdaan waxa ka jira.

Garoonka Caalamiga ee Aadan Cde ee ku yaal Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, marka aad ka soo degtid adiga oo Soomaali ah iyo ajaaniibta dalka booqashada iyo shaqada u yimid albaab kama soo wada baxdaan , meelna ma wada martaan, Muqdishona inkastoo hal magaalo tahay waa kala degan tihiin waana garoonka qura ee Caalamiga ee sidaas u shaqeeya.

Ajaaniibta ay Diyaaradda wada saarnaayeen Soomaalida, waxay ka baxaan albaab gaar ah oo ay ugu diyaarsan yihiin gaadiidka u qaadi lahaa Xafadda ay Muqdisho ka degan yihiin Xalane oo ayana ayna Soomaalidu tegi karin.

Intaas oo qura maaha ee Xitaa Garoonka ayaa shirkado ajaaniib ah maamulaan iyadoo la heli kari lahaa kuwa Soomaali ama h’ayad dawladeed oo maareeya garoonka

Siyaasiyiinta Koonfur ka soo jeeda, gaar ahaan kuwa Muqdisho iyo nawaaxigeeda, oo aqoon kasta ay leeyihiin ama hanti kasta oo haystaan aan albaabka Adan Cade kala soo bixi karin Ajaaniibta dalkooda yimaada , oo aan aan loo ogalayn inay Xalane galaan ama ka soo ag dhowaadaan ayaa maalin walba waxay warbaahinta la soo taagan yihiin Garoonka Boosaaso waxa qaatay Imaaraad, garoonkaas oo ay gacanta ku hayaan maamul Soomaaliyeed oo Soomaalida iyo ajaaniibtu hal Albaab ka soo wada baxaan.

Kooxdani ma arkaan khayraadkii dalkooda uu bililiqaysanyo Turkiga reer Yurub.

Ugu danbayntii soo ma wanaagsanayn in kooxdan reer Muqdisho intaanay ka hadlin Imaaraad wax qabadkiisu muuqdu oo ayna reer Puntland ka caban inay marka hore wax iska waydiiyaan safarka danbe albaabka ay ka bixi lahaayen Garoonka Aadan Cade.

ALLSANAAG.COM

Doorashada Canada

Yaa ku guulaysanaya Doorashada Canada ee Berito dhici doonta

Horaantii bishii kowaad ee sanadkan , waxa la rumaysnaa in Xisbiga Conservatives ee Canada si sahlan ku guulaysanayo.

Wuxuu ka horeeyey Xisbiyada kale ee Liberals iyo NDP in ka badan 25 dhibcood, Poilievre wuxuu u akaa inuu guulaysanyo oo noqonayo Ra’isul wasaaraha soo socda ee Canada

Laakiin markii Trump dib loo doortay, oo uu meesha u ka baxay Raisul wasaarihii hore ee Canada Justin Trudeau oo Carney lagu bedelay Trudeau, wax walba waa is bedeleen.

Hadda waxay u egtahay in Liberals ku guulaysanayaan kuraas badan oo ay ku soo dhisaan Dawladda soo socota.

Mar kale iyo isku shaandhayn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane

Xamse Cabdi Bare ayaa isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Asbestos: Maxay tahay sunta halista ah ee ka dhalatay howlgalka militari ee Israa’iil ka waddo Qasa?

Asbestos: Maxay tahay sunta halista ah ee ka dhalatay howlgalka militari ee Israa’iil ka waddo Qasa?

Dagaalka militari ee Israel ee Gaza waxa ka dhashay shucaac sun ah oo loo yaqaan asbestos.

Macdanta, oo mar si weyn loogu isticmaali jiray qalabka dhismaha, waxay hawada ku sii deysaa shucaac sun ah marka la qaso kuwaas oo ku dhegi kara sambabbada oo – tobannaan sanana – sababi kara cudurka kansarka.

Hadda isticmaalkeeda ayaa laga mamnuucay adduunka intiisa badan, laakiin wali waxay ku dhex jirtaa dhismayaal badan oo duug ah.

Gaza, waxa laga helaa saqafyada asbestos-ka ee loo isticmaalo guud ahaan dhulka ay ku yaalaan sideedda xero qaxooti ee magaalooyinka – kuwaas oo loo sameeyay falastiiniyiintii ka soo qaxay ama laga saaray guryahoodii intii lagu jiray dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee saandkii 1948-49 – sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan deegaanka (UNEP).

Bishii Oktoobar ee sanadkii 2024, UNEP waxay ku qiyaastay ilaa 2.3 milyan oo tan oo burbur ah in ay yalaaan guud ahana Gaza oo dhan kuwaas oo laga ayaabo in ay ku jiraan sunta asbestos.

“Buerburka Gaza waxa uu sumeeyay deegaanka,” ayuu yiri Professor Bill Cookson, oo ah maamulaha Xarunta Qaranka ee Cilmi-baarista Mesothelioma ee London. “Dadku si ba’an ayay u silcayaan, laakiin sidoo kale muddada dheer sidoo kale, carruurtu ay qaadi karaa cuduro inta ay nool yihiin oo dhan.”

“dadka dhimanayaa ma aha mid halkan kuma dhammaanayso. Dhaxalku wuu sii socon doonaa,” ayuu yiri Liz Darlison, maamulaha Mesothelioma UK.

Marka asbestos-ku ay ku dhacdo duqeyn cirka ah, shucaaca – aad u yar oo aanay arki karin isha bini’aadamka – waxaa hawa ahana u qaadan kara dadka u dhow ka dibna waxay ku fafai karaan dahaarka sambabada.

Sannado badan – caadiyan tobanaan sano – waxay sababi karaan nabarro keeni kara xaalad sambabada oo halis ah oo loo yaqaan asbestosis, ama, xaaladaha qaarkood, nooc qallafsan oo kansarka sanbabada ah oo lagu magacaabo mesothelioma.

“Mesothelioma waa xanuun aad u xun oo aan la daweyn karin,” ayuu yiri Prof Cookson.

“Runtii waa mid welwel leh,” ayuu raaciyay, “ma aha mid la xiriirta xaddiga ay ka koobantahay. Markaa xitaa qaadashada yaryar ee shucaaca asbestos waxay keeni kartaa maadada mesothelioma.

“Waxay ku kortaa daloolka xuubka. Aad ayey u xanuun badan tahay. Had iyo jeer waxa la ogaadaa goor dambe. Waxayna si fiican ugu adkaysataa daawaynta oo dhan.”

Caadi ahaan, kuwa uu ku dhaco cudurka mesothelioma waxa la ogaadaa 20 ilaa 60 sano ka dib – taasoo la macno ah inay qaadan doonto tobanaan sano ka hor inta aan la dareemin saameynta suurtagalka ah ee guud ahaan dhulka. Heerka sare, ama muddada dheer, ee cudurku kusoo if baxo ayaa la rumeysan yahay inay dedejiso cudurku in uu kasii daro.

Dr Ryan Hoy, oo cilmi baaristiisa ku saabsan qaadashada iyo nefsashada busta ama boorka oo ay soo xigatay UNEP, ayaa sheegay inay aad u adag tahay in laga fogaado in la hawo ahaa loo qooaato ama la neefsado shucaaca asbestos-ka sababtoo ah waa “dhab ahaantii qaybo yaryar oo hawada sabeynaya oo si aad iyo aad u qoto dheer u geli kara sambabada.”

Xitaa way adag tahay in laga fogaado, ayuu yirii, sababtoo ah Gaza waxaa ku nool “dad aad u badan”. Dhulka waxa ku nool ku dhawaad 2.1 milyan oo qof waana 365 km2 taas oo ah qiyaastii rubuc ka mid ah baaxadda London.

Khubarada goobta ku sugan ayaa sheegaya in dadku aanay awoodin inay maareeyaan khataraha ka iman kara maaddada asbestos ama boorka oo la neefsado sababo la xiriira khataraha degdega ah ee weerarka milatari ee Israel.

“Waqtigan xaadirka ah, [qaadashada bustu] ma aha wax loo arko inay tahay shay walaac leh oo ay dadku qabaan. Xitaa ma haystaan wax ay cunaan, waxayna aad uga baqayaan in lagu dilo duqyen,” ayuu yiri Chiara Lodi, oo ah isku-duwaha caafimaadka ee Gaza ee Médecins Sans Frontières.

Maraykanka iyo koox ka mid ah dalalka Carabta ayaa soo jeediyay qorshayaal dib loogu dhisayo Gaza
Qoraalka sawirka,Maraykanka iyo koox ka mid ah dalalka Carabta ayaa soo jeediyay qorshayaal dib loogu dhisayo Gaza

“Ka warqab la’aanta ku saabsan khatarta asbestos-ka, oo ay weheliso caqabadaha jira [dadka Gaza] waxay wajahayaan in ay isku dayaan inay dib u dhistaan noloshooda, macnaheedu waa inaysan awoodin inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay isu difaacaan,” ayuu yiri afhayeenka Gaza oo fadhigiisu yahay hay’adda SOS ee Tuulooyinka Carruurta.

Dad badan ayaan “si buuxda uga warqabin waxyeelada ay leedahay busta iyo qashinka”, ayay raaciyeen.

Ka dib dagaalkii hore oo Gaza ka dhacay 2009, sahan Qaramada Midoobay ay ku sameeysay dhulka ayaa laga helay maaddada asbestos-ka burburka dhismayaasha qadiimka ah, cooshado, dhismayaasha ku meel gaar ah, saqafyada iyo darbiyada xayndaabka xoolaha.

Caalamka, ku dhawaad 68 waddan ayaa mamnuucay isticmaalka asbestos-ka, in kasta oo qaarkood ay sii wadaan ka-dhaafitaanka isticmaalka gaarka ah. Waxa laga mamnuucay UK 1999-kii, Israa’iil-na waxa ay mamnuucday isticmaalka dhismayaasha 2011-kii.

Sidoo kale mesothelioma, asbestos wuxuu keeni karaa noocyo kale oo kansarka sanbabada ah, larynx iyo kansarka ugxan sidaha.

Dr Hoy wuxuu sheegay in tirada badan ee bustq iyo boorka Gaza ay horseedi karto “khatarta sii kordheysa ee caabuqa neef-mareenka, caabuqyada marinnada hawada sare iyo hoose, oof-wareen, sii xumeynta cudurrada sambabada ee horay u jirey sida neefta,”

Muddo sanado ah, weeraradii 9/11 ee lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Adduunka ee New York ayaa loo isticmaalay daraasad-kiis khubarada caafimaadku si ay u baaraan waxyeelada suntan ku jirta busta iyo boorkaa weyn ee wax yeelada ku ah dadka rayidka ah.

“Daaraha mataanaha ah kuma aysan dhisneyn goob dagaal,” ayay tiri Ms Darlison, “marka waxay ahayd wax aan awoodnay inaan cabbirno oo si sahlan u qiyaasno”.

Laga soo bilaabo Disembar 2023, 5,249 ka mid ah kuwa ka diiwaan gashan barnaamijka caafimaadka ee xarunta ganacsiga adduunka ee dowladda Mareykanka ayaa u dhintay cudurka neef mareenka ama kansarka – tiradaas oo aad uga badan 2,296 qof ee lagu dilay weerarka laftiisa. Wadar dhan 34,113 qof ayaa laga helay kansar isla muddadaas.

Maraykanka iyo koox ka mid ah dalalka Carabta ayaa soo jeediyay qorshayaal dib loogu dhisayo Gaza. Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in habka loo maareeyo si taxadar leh si looga fogaado in la carqaladeeyo qashinka faraha badan ee wasakhaysan asbestos-ka.

Afhayeen u hadlay UNEP ayaa BBC-da u sheegay in habka qashinka looga saarayo “ay kordhin doonto suurta galnimada dhibaatooyinka asbestos-ka iyo sii deynta shucaaca halista ah ee hawada”.

Qiimaynta UNEP ayaa muujisay in la nadiifiyo dhammaan qashinka in ay qaadan karto 21 sano , waxayna ku kacaysaa ilaa $1.2 bilyan.

Duullaanka Israa’iil ayaa lagu dilay in ka badan 53,000 oo Falastiiniyiinta Qasa ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) kama aysan jawaabin codsigii BBC ee ahaa inay faallo ka bixiyaan.

Tacsi: Sheekh Cabdi Maxamuud Xasan 

Inalilahi Waa Inaha Ilahay rajacuun

Bahda Allsanaag, waxay taci tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Sheekh Cabdi Maxamuud Xasan   oo ku geeriyooday degnmada Badhan ee gobolka Sanaag .  Waxaan Allah uga baryeynaa inuu naxariistii Jano ka waraabiyo Marxuumka, Eheladdi iyo Qaraabadii uu ka tegayna Samir iy Iimaan  uuka siiyo Aamiin Aamiin.

ALLSANAAG.COM

Hawlgalka Hillaac ee Calmiskaad, waxaa ku xiga Hawlgalka Onkod ee Calmadow”

Hawlgalka Hillaac ee Calmiskaad, waxaa ku xiga Hawlgalka Onkod ee Calmadow”

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa maanta tababar rasmi ah usoo xiray Dufcaddii 4-aad ee ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland Maritime Police Force (PMPF).

Arrimaha ku gedaaman heshiiska shidaalka ee Turkiga iyo Soomaaliya ee muranka badan dhaliyay

Arrimaha ku gedaaman heshiiska shidaalka ee Turkiga iyo Soomaaliya ee muranka badan dhaliyay

Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida dood ka abuuray warbixin ay daabacay Nordic Monitor taasi oo ka shaqeysa dabagalka iyo arrimaha cilmi baarisyada waxaana mareegtaasi ay faah-faahisay heshiis la sheegay in sannadkii la soo dhaafay ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo ku saabsanaa soo saarista shidaalka Soomaaliya.

Qodobada ku jiray heshiiskaasi waxaa ka mid ah hirgelinta hawshan iyo qaabka loo marayo iyo weliba sida labada waddan ay u qeybsanayaan faa’iidada marka shidaalka Soomaaliya la soo saaro waxaana xusid mudan in Turkidu ay qaadan doonaan saami gaaraya boqokiiba 90 faa’iidada laga helo shidaalka halka Soomaaliyana loo oggol yahay boqokiiba shan.

Waxaa sidoo kale warbixinta heshiiska ku jirta habka loo xallinayo muranada iyo weliba haddii labada waddan ay isku fahmi waayaan waxyaabaha qaarkood.

Arrintan ayaa siyaabo kala duwan looga falceliyay iyadoo siyaasiyiinta mucaaradka iyo qeybaha kale ee heshiiskaan diiddan ay si weyn u durayaan, dowladda Soomaaliya oo ay BBC-du xiriir la sameysayna ayaanan beenin amaba aanan ayidin warbixinta mareegta balse waxa ay dowladdu sheegtay in arrintaasi ay war ka soo saari doonto.

Faah-faahinta heshiiska la soo bandhigay

Heshiiska oo lagu saxiixay Ankara ayaa u saamaxaya hay'adda shidaalka ee Turkiga (TPAO) inay billowdo daraasad xagga dhulka ah oo ay ku samayso ugu badnaan 16,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah.
Qoraalka sawirka,Heshiiska oo lagu saxiixay Ankara ayaa u saamaxaya hay’adda shidaalka ee Turkiga (TPAO) inay billowdo daraasad xagga dhulka ah oo ay ku samayso ugu badnaan 16,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah.

BBC ayaa qodobbada ugu muhiimsan ee heshiiska ku jira hordhigtay khubaro ka qayb galaysay barnaamijka doodda Jimcaha ee idaacadda BBC, kuwaasoo mid-mid isu dultaagay arrimaha aadka loo hadal hayey.

“Heshiiska nuqulkii la soo baahiyay markaad aragto u jeedkiisa waxaa la dheehan karaa inuu dhisayo hannaan iskaashi oo ay labada dal ku hormarinayaan arrimaha batroolka kaas oo u sii gogol-xaaraya heshiisyada dheef wadaagga ee laga geli doono xirmo kasta oo shidaal oo baaritaan iyo wax soo-saar laga sameyn doono taasoo micneheedu yahay inuusan ahayn heshiikii lagu geli lahaa ma ahane heshiis is fahan ah inuu yahay oo labada dal kala saxiixdeen oo heshiisyada kale laga gorgortami doono,” ayuu BBC-da u sheegay Maxamed Faatax Sheekh oo ah sharci yaqaan arrimaha macdanta iyo tamarta.

“Dabcan qodobka ugu muhiimsan oo aadka loo hadal hayay ayaa ahaa dowladda Soomaaliya waxa kaga soo aadaya inay tahay boqolkiiba shan halka Turkigana uu qaadan doono boqolkiiba sagaashan, laakiin marka aad warbixinta akhriso wuxuu u dhigan yahay sidaas si ka duwan oo waxa laga hadlayay uun waxay ahayd kharashkii shirkadda Turkiga kaga baxay qaabkii ay ku soo ceshan lahayd marka la soo saaro shidaalka,” ayuu sidoo kale yiri Maxamed Faatax Sheekh.

Maxamed ayaa sheegay inay xusid mudan tahay in markii la yiraahdo shidaal hala qodo oo heshiis iyo gorgortan hala galo dabcan sida sharciga batroolka Soomaaliyana uu qorayo uu yahay in xirmo kasta si gooni ah heshiis looga galo.

Waxa uu tusaale u soo qaatay in haddii shirkadan oo kale ay shan xirmood ay ka shaqo bilaabeyso waxaa lala galayaa shan heshiis. “Heshiisyadaas waxa ugu muhiimsan ee ku jiri doona waa heshiisyo dheef-wadaag ah, waana faa’iidada soo bixi doonta, xisaabtaas oo lagu daray canshuurta laga qaadi doono oo lagu daray khidmadihii iyo gunooyinkii”.

Waxa uu Maxamed intaa ku sii daray: “Si guud heshiiskaas waa heshiis is af garad ah oo ay labada dal kala saxiixdeen oo baarlamaanka Turkiga sida igu maqaala ah la mariyay, dabcan waana heshiis isbaddal lagu sameyn karo oo waa uu ka fudud yahay heshiis dheef wadaag ah oo ay adag tahay in wax lag baddelo”.

Naafic Maxamed Cumar oo ah khabiir dhanka shidaalka ah ayaa isna ku raacay Maxamed oo Faatax in heshiiskaan uu yahay heshiis hordhac ah: “Heshiiskan runti waa heshiis sida uu sharci yaqaanka sheegay heshiis kooban oo hordhacna u ah kan dheef-wadaag ah oo ay Soomaaliya iyo Turkiga wada geli doonaan marka la gaaro xirmooyinka la soo saaro laakin dhinaca kale marka aad eegto dowladda Soomaaliya runtii waxay qaadatay door-walba oo heshiiskaan hadda ku qoran wixi ugu hooseeyay ee ay qaadan lahayd, tusaale kale, marka aad fiiriso soo celinta kharashka shirkadda ka galay shidaal soo saarista wuu ka badan yahay heerka caalamka kaas oo u dhaxeeya 40 ilaa 60 boqolkiiba sidoo kale ma cadda muddada ay soconeyso kharash soo celinta shirkadda oo ku xiran iyadana saamiga shirkadda.”

Maxaa ugu muhiimsan marka ay dowlado kala saxiinayaan heshiisyada noocaan oo kale ah?

Marka ay dowlado kala saxiixanayaan heshiisyada noocaan oo kale waxa ugu muhiimsan saami qeybsiga kaas oo ay muhiim tahay in 3 qodob la is kortaago: 1. Gunno gaar ah ‘Royalty Fee’ 2. Kharash soo celinta ‘Cost recovery’ iyo faa’iido qeybsiga ‘Profit sharing’ oo weliba aad isha loogu fiiriyo Kharash soo celinta oo ah tan hadda doodda ugu badan dhalisay,” ayuu yiri Naafic Maxamed Cumar.

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo dhawaan ay Turkiga iyo Soomaaliya heshiis ka gaareen baaritaanka shidaalka iyo gaaska ku jira berriga, kaasoo u damaanad qaadaya hay’adda tamarta ee dawladda Turkigu maamusho inay hesho xuquuqda baaritaanka ee ay ku samaynayso seddex xirmo oo Soomaaliya ku yaalla sida ay saraakiil sheegeen.

Heshiiska oo lagu saxiixay Ankara ayaa u saamaxaya hay’adda shidaalka ee Turkiga (TPAO) inay billowdo daraasad xagga dhulka ah oo ay ku samayso ugu badnaan 16,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah.

Arrintan ayaa qayb ka ah dadaal balaaran oo ay labada waddan ku sii balaarinayaan iskaashigooda dhinaca tamarta.

Muxuu dhigayaa heshiiskan cusub

Arrintan ayaa qayb ka ah dadaal balaaran oo ay labada waddan ku sii balaarinayaan iskaashigooda dhinaca tamarta.
Qoraalka sawirka,Arrintan ayaa qayb ka ah dadaal balaaran oo ay labada waddan ku sii balaarinayaan iskaashigooda dhinaca tamarta.

Waxyaabaha heshiisku dhigayo, inkastoo aan shaaca laga qaadin kharashka ku baxaya, waxaa ka mid ah in seddexda xirmo ee shidaalka laga baarayo ay ku yaallaan maamul goboleedka Koofur galbeed.

“Ka qayb ahaan wejiga xiga, hay’adda batroolka ee Soomaaliya (SPA) waxay diyaarinaysaa inay qaabisho wafdiga 1aad ee ah injineerrada ka socda TPAO, kuwaasoo ujeedadooda ugu horraysa ay tahay inay diiradda saaraan qiimayn xagga amniga ah oo ballaaran, ka hor inta aan la soo dirin kooxda sahanka samayn doonta” ayaa lagu sheegay qoraal ay soo saartay hay’adda batroolka Soomaaliya.

Qoraalku wuxuu intaa ku darayaa in sahankan berriga laga samaynayo uu yahay kii ugu horreeyey ee la sameeyo tan iyo 1985, wuxuuna intaa ku daray in hindisahan ay rumaysan yihiin inuu qayb ka qaadan doono adkaynta amniga ee heer gobol iyo mid maxalli ah intaba, uuna “kobcin doono shaqaaleynta iyo fursadaha shaqo ee bulshada Soomaalida, uuna kaalin ka qaadan doono horumarka wakhtiga dheer ee kheyraadka dabiiciga ee dalka”.

Wasiirka shidaalka ee Turkiga Alparslan Bayraktar wuxuu sheegay in Istanbul ay marti gelin doonto shir madaxeed ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah, kaasoo la qaban doono bisha soo socota ee Maajo horraanteeda.

Wuxuu intaa ku daray in markabka sahanka ee Oruc Reis ee hadda ku sugan xeebaha Soomaaliya uu weli wado sahanka lakabyada ee loo yaqaanno 3D.

Markabka ayaa soo afjaray ilaa 78% hawlaha baaritaanka shidaalka sida uu sheegay wasiirka shidaalka ee Turkiga. “Wixii loo gaaro dhamaadka bisha Maajo, waxaan soo gaba gabayn doonnaa baaritaannada sahanka ee halkaa ka socda” ayuu yiri.

Saddexdii bisha Juun 2016 ayey ahayd markii ugu horreysay ee Soomaaliya iyo Turkiga ay kala sixiixdeen heshiis is afgarad oo ku saabsan tamarta iyo macdan qodista. Heshiiskan waxaa dib u dhigay afganbigii dhicisoobay ee 15-kii bisha Luulyo 2016 dalka Turkiga ka dhacay, balse mar labaad ayaa is afgaradkaasi yimid miiska ahmiyadda ee Turkiga kadib markii madaxweyne Erdogan uu baarlamaanka dalkiisa horgeeyay si ay u meel mariyaan.