Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dowladda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.,Tani Waxay Noqonaysaa Goojacadihii Labaad tan 3’aadna Calmadoow ayeey Noqonaysaa,,,,

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dowladda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.,Tani Waxay Noqonaysaa Goojacadihii Labaad tan 3’aadna Calmadoow ayeey Noqonaysaa,,,,
Shiikh Cali Maax “Qof walba oo muwaadin ah waa ku waajib inuu taageero dagaalkaas ka socda Buuraha Cal-miskaad, naf iyo maalba waa in loo huraa”. – Khudbadda Masjidka Rowda ee Boosaaso.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda DPL Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa sheegay in sadex asbuuc gudahood in ciidanka Puntland ay soo saareen 300 oo miino oo dhulka lagu aasay
Ciidamada Puntland oo guulo ka gaaray dagaalka Daacish
Afhayeenka ciidamada Puntland, General Maxamuud Maxamed Faadhigo, oo ka hadlay xaaladda dagaalka ay ciidamada Puntland kula jiraan kooxda Daacish, ayaa VOA u sheegay in labadii maalmood ee la soo dhaafay ay xaaladda goobihii lagu dagaallamay afartii bishan ay degganeyd oo aysan dhicin wax dagaal ah.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in 115 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Daacish ay ku dileen dagaalladaasi. Isagoo dhinaca kalena sheegay in ciidamada Puntland ay ka dhinteen 27 askari, in ka badan 60 askarina uu dhaawacyo ka soo gaaray, oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenkii ciidamada Daraawiishta Puntland.
Waxaan u sheegaynaa madaxweynaha “Remote dalka laguma maamul karo”.
Ina Faroole kabaha kula tuntay H Sheikh. “Remote dalka laguma maamul karo”. Ina Faroole waa siyaasi Puntland Kala wayn tahay Taraha. pic.twitter.com/3JocM4RBIj
— Sakhiya O Salad (@SakhiyaSalad) February 6, 2025
Dhawaqii maanta kasoo yeeray labadii isku sidkanaa ee Hogaanka Golaha Shacabka BJFS iyo OPM Somalia maxuu ahaa?.
‘Soomaali kuma jirin xubnihii Daacish ee lagu dilay Cal-miskaad’ – Deni
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay deegaano ka tirsan buuraha Cal-miskaaad halkaas oo dagaal adag ku dhexmaray ciidamada maamulka iyo kooxda Daacish.
Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sheegay inay guullo ka gaareen dagaaladii dhacay labadii maalmood ee u dembaysay isla markaana ay saldhigyo muhiim u ahaa Daacish ay ciidamadu ka qabsadeen.
Madaxweyne Deni, oo xirnan tuutaha ciidamada ayaa booqday qaar ka mida dhaawacyadii ciidamada ee la dhigay Isbitaallo ku yaalla magaalada Boosaaso isagoo xusay inay ka go’antahay ciribtirka kooxdaas.
“Waxaa runtii meelay joogaanba ciidamada Puntland ee geesiyaasha ah ku boorinayaa howsha ay qabteen inay tahay howl ummadda Soomaaliyeed, ummadda caalamka iyo ummadda reer Puntland u ogtahay karamaada dadkooda ku sugeen ay muujiyeen geesinimo ay muujiyeen lahaanshaha dhulkooda in cid walba oo ku xadgudubta ay diyaar u yihiin inay ka saaraa”ayuu yiri madaxweyne Deni.
Puntland ayaa horrey u sheegtay in dagaalyahanada kooxda Daacish ay u badan yihiin ajaanib, balse madaxweyne Deni ayaa ku celiyey inay ajaaniib u badan yihiin dadka meesha ku jira.
“Dad ajnabi ah weeye waxa meesha jooga ilaa iyo hadda qof suurad Soomaaliyeed aan u garano intii halkaa ku dhimatay oo boqol kor u dhaafaya ma jiraan kuwa Soomaali ugu dhow waa kuwa deggaan ahana ugu dhow ee Itoobiya iyo Tansaania iyo meelahaas k ayimi dadka intiisa dhulal fog fog, dad dalalka Asiya fog ayey ka yimaadeen dad Pakistaan iyo Afgaanistana u muuqal eg baa ku jira waa wax mucjiso ah” ayuu yiri Deni.
Puntland ayaa muddo bila ka hor bilowday howlgal ay ugu magac dartay “Hillaac” oo ay ku qaaday buuraha Cal-miskaad halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxda Daacish.
Madaxweyne Deni ayaa horrey u sheegay in howlgalku galay wajigii labaad iyadoo kii kowaad uu sheegay in dhul ballaaran ay ciidamadu ka sifeeyeen kooxdaas.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa horraantii todobaadkan sheegay inuu bixiyey amarka duqayn ka dhacday buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ciidanka Puntland ay kula dagaallamayaan dagaallameyaal ka tirsan kooxda Daacish.
Sida ay sheegeen milatariga Maraykanka iyo Madaxweyne Trump, waxaa dadkii halkaa ku dhintay ka mid ahaa sarkaal sare oo kooxda u qaabilsanaa qorshaynta weerarrada, laakinse lama sheegin magaca sarkaalkaas iyo dagaallamayaashii kale ee ku dhintay duqaynta.
Maamul goboleedka Puntland ayaa isna BBC u sheegay in ilaa 40 dagaallame ay ku dhinteen duqaynta, kuwaasoo u badnaa ajaanib.
Inkastoo ay Puntland sheegtya in dagaalka ay guulo ka gaartay ayaa waxa ay hadana khubarada ka digayaan wali halista Daacish.
The bond between the Somali Darood, Afar, Djibouti and Eritrea by خالد حسن يوسف
Aas qaran ayaa deegaanka Ceel-daahir loogu sameeyay Allaha u naxariistee G/sare Mukhtaar Qoryood iyo Cabdifataax Qoryood
WAR-SAXAAFADEED: Taliska Howlgalka ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo war kasoo saaray dagaaladii ciidamadu la galeen argagixisada Daacish iyo guulaha ay ka gaareen.