Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhoweeyay dhiggiisa Yemen
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta Caasimadda Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Jaaliyadaha ee dalka aan walaalaha nahay ee Yemen, Dr. Axmed Cawad bin Mubarak, oo booqasho rasmi ah oo seddex maalmood ahi uga bilaabatay dalkeena.
Matteo Messina: Waa kuma maafiyihii ugu weynaa Talyaaniga ee maanta la qabtay?
Waxaa lagu naaneysaa “Diabolik” oo micno ahaan ah ninka aan la qaban karin, waxaana loo arkaa hoggaamiyaha maafiyada “ee ugu muhiimsan” ee ku nool Talyaaniga.
Magaciisa waa Matteo Messina Denaro maanta ayaana la xiray kaddib 30 sano oo uu ka dhuumanayay dowladda Talyaaniga.
“Maanta, January 16, waxay booliisku xireen Matteo Messina Denaro oo ku jira xarun caafimaad oo ku taalla Palermo, halkaasoo lagu daweeyay,” ayuu yiri Pasquale Angelosanto, janaraal ka tirsan booliiska Talyaaniga.
Messina Denaro waxaa loo arkaa hoggaamiyaha kooxda Cosa Nostra wuxuuna dhuumanayay tan iyo sanadihii 1990-meeyadii, markii maafiyada Sicily ay kordhiyeen ololahooda dilalka iyo weerarrada magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla dalkaas.
Waxaa lagu eedeeyay loona xukumay dhowr ka mid ah dembiyadaas isagoo ka maqan maxkamadda ayaana lagu xukumay xabsi daa’in.
Waxaa ka mid ah dil sanadkii 1992 loo geystay dacwad-oogayaashii maafiyada Giovanni Falcone iyo Paolo Borsellino, weerarradii bambaano ee ay dadka badan ku dhinteen ee Milan, Florence, iyo Rome, iyo afduub, jirdil, iyo dilka wiil 11 jir ahaa oo uu dhalay nin burcad ah kaasoo isu beddelay marqaatiga dowladda.
Messina Denaro waxaa mar laga soo xigtay in”qabri uu ka buuxin karo” dadkii uu laayay.
“Waa nin aad khatar u ah oo baxsad ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga Matteo Piantedosi.
Messina Denaro ayaa baxsad ahaa tan iyo sanadkii 1993, balse waxaa la rumeysan yahay inuu sii waday inuu amarro siiyo shaqaalihiisa oo ku sugnaa goobo kala duwan oo qarsoodi ah.
Ninkan ayaa sidoo kale ku lug lahaa howlgallo badan oo dembi ah oo la soo abaabulay, oo ay ku jiraan lacago is daba marin iyo daroogo loo gudbiyay Cosa Nostra.
Messina Denaro waxaa la sheegay inuu gacanyare u ahaa Salvatore Riina, madaxa qabiilka Corleone kaasoo la xiray sanadkii 1993 kaddib 23 sano oo uu dhuumanayay.
Qabashadiisa ayaa imaaneysa maalin kaddib sanad-guuradii 30-aad oo ka soo wareegatay xiritaankii Riina, oo geeriyooday sanadkii 2017.
Kooxda Cosa Nostra waa koox maafiyo ah oo laga sameeyay filimaantii mala awaalka ahaa ee “The Godfather”.
Mala awaal laga sameeyay maafiyada
Hoggaamiyaha ayaa lau xiray xarun caafimaad oo ku taalla Palermo. Waxaa laga daweynayay kansarka mindhicirka muddo sanad ah isagoo sheeganayay magaca qof kale.
Ma uusan sameyn iska caabbin, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ANSA.
Anna Sergi, oo ah khabiir dhanka dembiyada ah kana tirsan Jaamacadda Essex, ayaa Messina Denaro ku tilmaantay inuu yahay “kii ugu dambeeyay, ugu xasiloonaa uguna ‘nadiifsanaa’ burcadda harsan ee Sicily.
“Siraha la sheegay inuu hayo waxay muhiim u yihiin shirqoollada la xiriira heshiisyada u dhaxeeyay maafiyada iyo dowladda sanadihii 1990-meeyadii,” ayay Sergi u sheegtay wakaaladda AFP.
“Waa muhiimadda taariikhda quwadeed ee Cosa Nostra. Mala awaalka la xiriira xilliyadiisii baxsadka uu ahaa waxay qeyb ka yihiin sababta ay usii baaba’eyso awoodda maafiyada,” ayay intaa ku dartay.
Guusha dowladda ee dembiyada abaabulan
Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni ayaa sheegtay in Messina Denaro uu ahaa madaxa “ugu muhiimsan” ee maafiyada, qabashadiisana ay “guul weyn” u tahay dalka iyo dagaalkiisa ka dhanka ah dembiyada baaabulan.
Sawirro ay booliisku shaaciyeen ayaa muujinaya ninkan oo ku fadhiya qeybta dambe ee gaariga. Wuuxu xirnaa jaakad iyo ookiyaalaha qorraxda.
Kahor sawirkan, kii ugu dambeeyay ee laga hayay wuxuu ahaa sanadihii 1990-meeyadii.
Booliiska ayaa kaddib adeegsanayay farsameynta sawirrada casriga ah, hadba sida uu muuqaalkiisu isu beddelayay tobnaankii sano ee la soo dhaafay.
Muddadaas, baarayaasha ayaa ninkan uga dhowaanayay dadkii u dhowaa ee la shaqeynayay. Waxay arrintan sababtay inay soo xiraan walaashii Patrizia iyo qaar kale sanadkii 2013.
Dowladda ayaa sidoo kale la wareegtay xarumo ganacsi oo lala xiriirinayay Messina Denaro, taasoo keentay in ninkan uu go’doomo.
Sanadkii 2015, booliiska ayaa ogaaday in Messina Denaro uu la xiriirayay dad la shaqeeya.
Baarayaasha ayay tobnaan sano ku qaadatay inay baaraan guryo iyo ganacsiyo la sheegay inay leeyihiin xulafada Matteo oo ku yaalla jasiiradda.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo UAE u tegey heshiisyada ‘iibka hubka’
ABU DHABI, Imaaraadka Carabta – Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo olole ugu jira inuu ballaadhiyo heshiiska iibka hubka ee u dhexeeya labada dal.
Booqashada madaxweyne Yeol ayaa ku soo aadaysa, xilli ay Kuuriyada Koonfureed waddo inay dalka Imaaraadka Carabta la gasho heshiisyo ganacsi oo ku kacaya balaayiin dollar iyo saldhigyo loogu talo galay ciidamada gaarka ah, si ay u difaacaan Imaaraadka Carabta. Qorshahan ayaa dhaleecayn kala kulmay, madaxweynihii isaga ka horreeyey.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in madaxweyne Yeol inuu doonayo inuu laba jibbaaro xidhiidhka milateri ee labada dal ka dhexeeya, xataa iyada oo dalka Iran uu si weyn uga soo horjeedo, taasoo xataa sababtay inay qabsadaan markab shidaal oo laga leeyahay dalka Kuuriya Koonfureed, sannadkii 2021.
“Waxaan u maleynayaa in xaaladda Bariga Dhexe ay si degdeg ah isu beddeshay marka ay timaado siyaasadda juquraafiga,” ayuu yidhi June Park, oo saaxiib la ah Madasha Istaraatiijiyadda Caalamiga ah ee Schmidt Futures. “Sidaa darteed Kuuriya waxay dooneysaa inay hubiso in qaar ka mid ah iskaashigeeda istiraatejiga ah ee ay la leedahay … UAE” inay sii jiraan.
Horeyba Kuuriyada Koonfureed waxay dalka Imaaraadka Carabta ula gashay heshiis gaadhaya $3.5 bilyan sannadkii 2022 si ay uga iibiso M-SAM, oo ah nidaamka difaaca hawada horumarsan oo loogu talagalay inuu ka hortago gantaallada jooggoodu ka hooseeya 40 kiiloomitir.
Imaaraadka Carabka ayaa walaac xooggan ka qaba bedqabka iyo maamulka hawadooda, tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ay heleen gantaallada ridada dheer.
Inkasta oo ciidamada Maraykanka oo isticmaalaya nidaamka difaaca hawada ee horumarsan ee Patrior ay ka difaaceen caasimadda dalka Imaaraadka ee Abu Dhabi weeraro lagu qaaday oo dhinaca cirka ah oo ay qaadeen xuutiyiintu, haddana dalka Imaaraadka Carabta ayaa si weyn uga walaacsan isku hallaynta ciidamada Maraykanka, tan iyo wixii ka dambeeyey markii Maraykanku uu si habqan ah uga baxay dalka Afghanistan.
Hase ahaatee mashruuca ugu weyn ee ay Kuuriyada Koonfureed horkacayso ayaa ah, wershedda tamarta nukliyeerka ee Barakah, taas oo ah, isku daygii ugu horreeyey ee ay Kuuriyada Koonfureed ay wershed noocana kaga dhisayso meel ka baxsan dalkeeda.
Wersheddan ayaa ku kacaysa illaa $20 bilyan, waxaana laga hirgelinayaa saxaraha galbeed ee Imaaraadka Carabta, meel u dhow xuduudda ay la wadaagaan Sucuudiga, waxayna awoodi doontaa inay wakhti yar ku soo saarto ku dhowaad rubuc ka mida tamarta uu u baahan yahay dhamaan dalka Imaaraadku.