26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamadda Asluubta Puntland.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tababar ugu soo xiray xerada tababarada ciidanka Asluubta soomaaliyeed ee Gen/Cali Nuur Garoowe, urur ka tirsan Ciidanka Asluubta Puntland.

Xiritaanka tababarkani waxaa Madaxwayne Dani kala qaybgalay xubno katirsan golayaasha kala duwan ee Maamulka,Taliska Ciidanka Asluubta Puntland, Saraakiil Ciidan iyo  Hay’adaha wadashaqaynta laleh Ciidanka Asluubta Puntland.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Sarreeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed oo ka hadlay xiriraanka tababarka ayaa tilmaamay in mudadii tababarku socdey ciidankan la Baray difaaca Guud, haynta iyo xanaanaynta maxaabiista, shuruucda xabsiyada iyo dhammaan aasaasiyaadkii ciidannimo ee loo Baahnaa..

Wasiirka Cadaalada, Arimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan celinta ee Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa dhankiisa hambalyo u diray Ciidankan tababarka dhammaysatay, xusayna in laga dareemo tababarkooda Xabsiyada iyo xarumahoodii howgalka..

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey macalimiintii juhdiga geliyay Ciidankan, Cadeeyayna in xukuumadiisu Dhammaystiri doonaan xuquuqda aasaasiga ah ee Ciidanka, wuxuuna kula dardaarmay in wixii la baray ay dib ugula noqdaan Xarumahoodii shaqo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*