26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Jubbaland oo lagu soo dhaweeyey Magaalada Jabuuti 

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo,ayaa maanta soo Gaarey Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyada Jabuuti.

Madaxweynaha oo wafdigiisa ay kamid yihiin Wasiirada Amniga, Maaliyadda, Ganacsiga, iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland,ayaa waxaa garoonka diyaaradaha jabuuti kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibada jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Jabuuti.

Waxaa Madaxweynahu uu dalkan jabuuti ku yimid booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo Sadex maalmood ah kadib Markii uu Casuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*