Idaacadaha SNM oo ka shaqaynaya xasuuq ka dhaca G. Sool iyo Siyaasiyiinta Isaaq Isaaq oo leh Xilligii xasuuqa dib ha loogu laabto

Idaacadaha SNM oo ka shaqaynaya xasuuq ka dhaca G. Sool iyo Siyaasiyiinta Isaaq Isaaq oo leh Xilligii xasuuqa dib ha loogu laabto
Warqad sir ah oo Aan Helay oo Xildhibaano Beesha isaaq kasoo jeeda oo uu Ugu Horeeyo Saalax axmed Jàamac ay u direen Gudoomiyaha Baarlamaanka
Weerarkii Al-shabaab ee xarunta gobolka Benaadir oo lasoo afjray
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lasoo af-jaray hawgalkii ka dhanka ahaa maleeshiyaadka al-Shabaab ee soo weeraray xarunta Gobolka Banaadir.
War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegya inay ciidamadu dawladdu ay toogteen lix ka tirsanaa al-Shabaab oo weerarkaas ku lug lahayd.
War saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in weerarka ay ku dhinteen shan qof oo rayid ah, afar kalena ay ku dhaawacmeen.
Dawladda ayaa sheegtay inay maleeshyaadkaasi ay lugaynayeen iyaga oo isku ekaysiinaya ciidamada dawladda si ay u gaaraan xarunta maamulka gobolka Banaadir.
Weerarkan ayaa ku bilwoday qarxyo waxana uu dhacay xilligii duhurnimaa xilliga Muqdishu.
Ururuka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka. Al-Shabab oo iyaguna war saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay inay dileen 34 qof oo iskugu jira mas’uuliyiin, shaqaale iyo askar. Sheegashada al-Shabaab ayaan weli si madaxbannana loo xaqiijin.
Waddamada Islaamka oo si adag uga fal celiyey Gubista Qu’aanka ee Sweden ka dhacday
Nuqul Kitaabka Qur’aanka kariimka ah ayaa lagu gubay dibad bax sabtidii ka dhacay dalka woqooyiga Yurub dhaca ee Sweden.
Inkastoo dhacdadan oo kale aanay hadda ugu horeenin hadana caalamka ayaa si weyn looga fal celiyey dhacdadan.Waddamada islaamka ee ka fal celiyey waxaa ka mida Turkiga, Sucuudiga, Pakistan iyo Qatar oo aad u cambaareeyay falkan.
Xilli uu turkigu cambaareynayey falkan ayuu ku tilmaamay dhacadan fal karaahiya ah.
Waxa uu Turkigu sidoo kale ku tilmaamay go’aanka ay dawladdu Sweden ku ogolaatay dhacdadan inay tahay mid sharci ahaan laga hor imaan karo.
Inkastoo dhacdadan oo kale aanay hadda ugu horeenin hadana caalamka ayaa si weyn looga fal celiyey dhacdadan.Waddamada islaamka ee ka fal celiyey waxaa ka mida Turkiga, Sucuudiga, Pakistan iyo Qatar oo aad u cambaareeyay falkan.
Xilli uu turkigu cambaareynayey falkan ayuu ku tilmaamay dhacadan fal karaahiya ah.
Waxa uu Turkigu sidoo kale ku tilmaamay go’aanka ay dawladdu Sweden ku ogolaatay dhacdadan inay tahay mid sharci ahaan laga hor imaan karo.
Wasiirka Beeraha XFS oo ka qeybgalay shirka Caalimiga ah ee hormarinta Beeraha
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Ahmed Madoobe Nuunow, ayaa ka qeyb galay Shirka madasha caalamiga ah ee Cunnada iyo Beeraha (Global Forum for Food iyo Agriculture) oo ay isugu yimaadeen 70-Wasiir iyo in ka badan 2000 oo wafuud oo ka kala socdey hay’adaha, deeq-bixiyaasha iyo daneeyayashaasha aarimaha wax soo saarka Beeraha.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa shir doceedyo la yeeshey Wasiirada Beeraha ee Dowladaha Jarmalka,Norway,Talyaaniga,Nederland iyo Kenya,wuxuuna kala hadlay horumarinta iyo kor u qaadista wax soo saarka dalka.
Dowladda Federaalka ayaa waddo qorshe ay wadatashiyo kula yeelaneyso khubarada iyo xeel-dheerayaasha beeraha caalamka si loo gaaro isku filnaan xagga wax-soosaarka ah.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Magaaladda Bosaaso.
Sahra SNM , Inta Badan Dadka loogu magac daray Xaafadaha Hargaysa , waxay ka soo wada qayb qaateen dagaaladdii sokeeyey ee Soomaaliya, Waana kuwa loogu yeedho Mujaahidiinta.
Xasuuq ka dhacay magaalada Xingalool, oo aan ka fogayn magaalada Dhahar ee GOBOLKA Sanaag, oo ay ka gaysteen jabahaddii SNM ee Muuse Biixi hogaamin jiray ayaa iyada kooxdeedu waqtigaas heestan hoose ka tiriyeen iyaga oo ay ka sheekaynaya sida ay waxa u xasuuqeen iyo dhawaaqii ka baxayey dakii ay xasuuqayeen.
Sahra SNM, 35 sano ka dib, weli beelaha aan Isaaqa ahayn ee waqooyiga dega waxay u haysataa Cayayaan oo waxay 2023 leedahay ha la buufiyo
Sahra SNM
Shirkadaha ganacsi ee ka shaqeeya Afrika ayaa Baraha Bulshada ugu sticmaala dhinaca xayeysiiska si ka badan shirkadaha kale ee caalamka, sida lagu muujiyay cilmi baaris cusub.
Ku dhawaad 75% ka mid ah shirkadaha Afrika ayaa ku tiirsan baraha bulshada si ay ugu suuq geeyaan badeecooyinkooda iyo wax soo saarkooda. Waxay tiradaas aad uga badan tahay marka la isku daro guud ahaan tirade shirkadaha ku yaalla dunida inteeda kale, kuwaasoo 52% ku tiirsan braha bulshada.
Xogtan cusub waxaa lagu soo bandhigay daraasadda adeegsiga baraha bulshada ee ay warbaahinta la wadaagtay shirkadda dabagalka ku sameysa dhaqdhaqaaqyada online-ka ee lagu magacaabo Meltwater.
“Iyadoo ay jirto hubanti la’aan ku aaddan xaaladda dhaqaalaha, shirkado badan oo waaweyn ayaa la yimid hal abuur si ay u suuq dheeri ah ugu helaan wax soo saarkooda,” ayey tiri Lays Bammesberger oo ah madaxa qeybta dhaqaalaha ee shirkadda Meltwater.\
Daraasadda ay soo saratay shirkaddan fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa muujineysa in sagaal ka mid ah toban shirkadood oo ka howl gala Afrika ay isticmaalaan Facebook, iyagoo ka dhigay Facebook barta bulshada ee ay ugu isticmaalka badan yihiin hay’adaha.
Iyadoo diiradda la saarayo in magaca shirkadaha la ogeysiiyo dadka ayey kalabar ka mid ah shirkadaha caalamka sheegaan in hubanti la’aanta ka dhirta xaaladda dhaqaalaha ay sababtay in baraha bulshadu ay yeeshaan muhiimad aad u weyn.
Shanta shaashadood ee waxtarka weyn u leh ganacsiyada Afrika ayaa kala ah Facebook (boqolkiiba 88), Instagram (boqolkiiba 76), LinkedIn (boqolkiiba 74), Twitter (boqolkiiba 67) iyo WhatsApp (boqolkiiba 58).
Marka la eego dhinaca kobaca, isticmaalka TikTok ayaa si weyn uga kordhay gobolka, iyadoo kala bar ka mid ah shirkadaha Afrika ay qorsheynayaan in ay bartan bulshada adeegsadaan sanadkan 2023-ka.
Isticmaalka WhatsApp ee gudaha Afrika ayaa celcelis ahaan boqolkiiba 35 ka sarreeya caalamka intiisa kale.
Warbixintan waxay ku saleysan tahay daraasad xog aruurin ah oo ay Meltwater ka sameysay in ka badan 1,700 qof oo isugu jira dadka ka shaqeeya suuq geynta iyo shaqaale rasmi ah oo ka howl gala Afrika iyo dunida inteeda kale.
Madaxweyne Xasan Sh. oo Baydhaba kula kulmay odayaasha dhaqanka K/Galbeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmauud oo kulammo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhaba odayaasha dhaqanka Koonfur-galbeed ayaa ka dalbaday in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay asaas u yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta dalka, balse haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaallaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen horumarka iyo wax wada qabsiga.
Dhankooda, odayaasha dhaqanka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa la wadaagay talooyinkooda ku saabsan hannaanka dib u heshiisiinta, dagaalka ka dhanka Khawaarijta Alshabaab, xasilinta iyo horumarinta deegaanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinkii lixaad ku sugan magaalada Baydhaba ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalkiisa Baydhabo.
Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed.
Ha’yaddii nabad sugida Soomaaliya oo isu besgay mid beeleed oo Xamdi iyo Mahad Salaad maamulaan