26th July 2024  admin  Category :

Wasiirka Beeraha XFS oo ka qeybgalay shirka Caalimiga ah ee hormarinta Beeraha

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Ahmed Madoobe Nuunow, ayaa ka qeyb galay Shirka madasha caalamiga ah ee Cunnada iyo Beeraha (Global Forum for Food iyo Agriculture) oo ay isugu yimaadeen 70-Wasiir iyo in ka badan 2000 oo wafuud oo ka kala socdey hay’adaha, deeq-bixiyaasha iyo daneeyayashaasha aarimaha wax soo saarka Beeraha.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa shir doceedyo la yeeshey Wasiirada Beeraha ee Dowladaha Jarmalka,Norway,Talyaaniga,Nederland iyo Kenya,wuxuuna kala hadlay horumarinta iyo kor u qaadista wax soo saarka dalka.

Dowladda Federaalka ayaa waddo qorshe ay wadatashiyo kula yeelaneyso khubarada iyo xeel-dheerayaasha beeraha caalamka si loo gaaro isku filnaan xagga wax-soosaarka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*