26th July 2024  admin  Category :

Weerarkii Al-shabaab ee xarunta gobolka Benaadir oo lasoo afjray

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lasoo af-jaray hawgalkii ka dhanka ahaa maleeshiyaadka al-Shabaab ee soo weeraray xarunta Gobolka Banaadir.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegya inay ciidamadu dawladdu ay toogteen lix ka tirsanaa al-Shabaab oo weerarkaas ku lug lahayd.

War saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in weerarka ay ku dhinteen shan qof oo rayid ah, afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Dawladda ayaa sheegtay inay maleeshyaadkaasi ay lugaynayeen iyaga oo isku ekaysiinaya ciidamada dawladda si ay u gaaraan xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Weerarkan ayaa ku bilwoday qarxyo waxana uu dhacay xilligii duhurnimaa xilliga Muqdishu.

Ururuka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka. Al-Shabab oo iyaguna war saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay inay dileen 34 qof oo iskugu jira mas’uuliyiin, shaqaale iyo askar. Sheegashada al-Shabaab ayaan weli si madaxbannana loo xaqiijin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*