Xasan Culusow oo la soo xiriiray Isimada Dhulbahante ee ku sugan Laascaanood
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la soo xiriiray ALLSANAAG, ayaa noo sheegay in madaxweyne Xasan Culusoow uu la soo xiriiray Isimada Dhulbahante ee ku sugan xadunta gobolka Sool ee Laascaanood, uuna ku casumay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho .
Dhowaan ayeey ahayd markii uu Muuse Biixi la xiriiray Kaligii taliyaha Jabuuti Cumar Geele, si uu uga dejiyo xiisadda gobolka Sool.
Fariintan Xasan Culusoow ka soo diray Muqdisho ayaa waxay tahay mid taransit ku ah magaaladaas hase ahaatee ka timid Jabuuti,
Ugu danbayntii Isimada Dhulbahante fursad ayeey maanta haystaan ay ku hogaamin karaan geesja Adrika ee waxaan kula talinaynaa inaanay ku dhacin shirqoolka Ururka Irirsamaale
Afar dal oo Yurub ah oo oggol baasaboor Soomaaliga
Baasaboorka Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay u muuqday mid soo xoogaystay marka loo eego sida uu ahaa wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii.
Inkastoo uu meel hoose uga jiro liiska kala sarraynta baasaboorrada, haddana waxaa muuqata in uu sanadkan ka horreeyo waddamo kale oo waawayn, oo ay ku jiraan Pakistan, Ciraaq, Suuriya iyo Afghanistan, sida lagu sheegay xogta ay shaacisay hay’adda Passport Index ee qiimaysa sharciyada socdaalka caalamka.
Horumarka uu sameeyay baasaboorka Soomaaliya waxaa ka mid ah in waddamada Yurub qaarkood ay si rasmi ah u aqoonsadeen muddo dheer kaddib.
Talyaaniga
Dadka heysta baasaboorka Soomaaliga ayaa marka ay dalbadaan dal-ku-galka Talyaaniga waxaa baasaboorkooda si caadi ah loo saaraa fiisaha.
Dalal badan oo kale ayaa qofka Soomaaliga ah aan baasaboorkiisa ku dhajinin fiisada, iyagoo warqadda caddeynta fiisaha si gaar ah u siiya. Dowladaha sidaas sameeya waxaa ka mid ah UK, inta badan dalalka Yurub, Canada, Australia iyo Mareykanka.
Waxaa xusid mudan in Talyaaniga uu ka mid yahay gumeysteyaashii Soomaaliya, sidoo kalena yahay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsaday dowladnimada Soomaaliya.
Norway
Tan iyo bartamihii sanadkii 2018-kii, dalka Norway ayaa aqoonsan baasaboorka ay dowladda Soomaaliya siiso muwaadiniinteeda.
Dadaal dheer kaddib ayay safaaradda Norway ku dhawaaqday xilligaas in ay aqbashay jiritaanka baasaboorkan, sidaas awgeedna ay dadka wata u saari doonto dal-ku-galkeeda (Visa), haddii ay shuruudaha kasoo baxaan.
“Wada-shaqayn dhow oo ay yeesheen mas’uuliyiinta socdaalka ee Norway iyo Soomaaliya awgeed, Norway waxay aqoonsan doontaa Baasaboorka Soomaaliya laga billaabo 1-da bisha August 2018. Waxaa ku jira baasaboorka diblomaasiga iyo kan shaqaalaha dowladda iyo baasaboorka muwaadiniinta caadiga ah ee ay soo saarto waaxda socdaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal markaas ay safaaradda Norway ee Soomaaliya soo dhigtay boggeeda Twitter-ka.
Thanks to close cooperation between Norwegian and Somali Immigration Authorities, Norway will recognise Somali passports from 1stAugust 2018. These include diplomatic, service and ordinary passports issued by Immigration and Naturalization Directorate of Somalia cc @Justisdeppic.twitter.com/7rd3XRDE7Y
— Norway in Somalia (@NorwayInSomalia) July 13, 2018
Waddamada kale ee Yurub, UK iyo dalal badan oo kale waxay baasaboorka Soomaaliya dadka wata u aqoonsan yihiin qaxooti, haddii ay dal-ku-gal u oggolaadaanna kuma dhajiyaan baasaboorka.
Taas baddalkeeda waxay soo raaciyaan warqad caddaynaysa in fiisaha la siiyay qofka, macluumaadkiisana ay ku xusan yihiin.
Sweden
Hase yeeshee, dowladda Sweden ayaa si gaar ah u qaddarisa baasaboorka Soomaaliga ah ee noociisu uu yahay diblomaasiga.
Tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkii 2020-kii, Sweden waxa ay aqoonsanayd baasaboorka diblomaasiga ee Soomaaliya, gaar ahaan kan la soo saaray 2014-kii ama wixii ka dambeeyay.
Balse, dhammaan noocyada kale ee baasaboorka Soomaaliga ma aqoonsana Sweden, sida lagu sheegay bogga internet-ka ee safaaradda Sweden.
Belgium
Waddamada Yurub ee aqoonsan baasaboorka Soomaaliya waxaa kale oo ka mid ah Belgium.
Horaantii sanadkii 2019 ayey dowladda Belgium, oo ah waddan ka tirsam Midowga Yurub ku dhawaaqday in ay aqoonsan tahay labada baasaboor ee Soomaaliga ah ee kala ah service-ka iyo diplomatic-ga.
Bayaan 1-dii bishii Aprile e sanadkaas lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee safaaradda ay Belgium ku leedahay Nairobi ayaa lagu xaqiijiyay aqoonsiga noocyada baasaboorka Soomaaliya.
Waddamada Latin America ee fiiso-la’aan lagu tagi karo
Dhowr waddan oo ku yaalla Koonfurta Qaaradda Ameerika ayaa baasaboorka Soomaaliya lagu aadi karaa iyadoo aan wax dal-ku-gal ama fiiso ah loo qaadanin.
Dalalkaas ayaa kala ah:
Bolivia (oo qofka markii uu garoonka dalkaas ka dago la siinayo fiisada)
Dominica
Haiti
St. Vincent and the Grenadines
Waxaa jira waddamo kale oo sidaas si la mid ah soo dhaweeya muwaadiniinta Soomaaliya.
Waddamadan qofka u socda waxa kaliya ee looga baahan yahay waa inuu tikit goosto, toosna ugu dhoofo. Sidaas awgeed, marka uu ka dago ayaa la siinayaa aqoonsi muujinaya joogitaankiisa.
Waxaa ka mid ah:
Benin – oo ah waddan ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.
Gambia – oo ah waddan yar oo isla galbeedka Afrika ku yaalla.
Cooc Islands – oo ah jasiirado dal sameystay oo ku yaalla badweynta Pacific. Waxa uu xiriir siyaasadeed la leeyahay waddanka New Zealand.
Malaysia – oo ah waddan ku yaalla qaaradda Aasiya.
Micronesia – oo ah waddan jasiirado isu tagay ah oo ka tirsan qaaradda Oceania oo dhacda dhinaca galbeed ee badweynta Pacific. Calankiisa oo xoogaa shabbaha kan Soomaaliya ayaa ah buluug ay dhexda uga yaallaan afar xiddigood oo caddaan ah, shan geesoodna wada ah.
Niue – oo ah waddan jasiirad ah oo ku yaalla dhinaca koonfureed ee badweynta Pacific.
Muuqaalka waa ka aamuseen madaxda Somaaliyeed iyo warbbaahinta ku magcaaban ” Warbaahinta Qaranka oo ay halka reer ka wada shaqeeyaan.
Maanta magaalada Laascaanood ee Xarunra Gobolka Sool waxa lagu soo bandhigay Calankii ugu dhererka badnaa lixdan iyo sadexdii sano ee aynu xornimada haysanay, iyada oo ujeedaddu laga lahaa ay ahayd in lagu xoojiyo midnimada Soomaaliya, ka dib markii laga adkaaday canaasiirtii SNM ee doonaysay inay dalka kala gooyaan
Soomaali badan ayaa sugaysay in madaxda dalku ay si toos ah Warbaajinta Qaranka uga khudbadeenayaan oo ay hambalyo u soo dirayaan Isimadda Waddaniyiinta ah naftooda halista u geliyey midnimada Soomaaliya, iyaga oo shacabkoda garab siinaya.
Ma dhicin in madaxda Soomaaliyeed u soo hanbalyeeyaan farxaddii maanta ka dhacday Laascaanood sababtoo ah siyaasiyiinta Hawiye ma doonayaa inay ka caraysiiyaan xulafadooda uu Muuse Biixi iyo Cumar Gele ay madaxda u yihiin,
Midnimada Somaaliya waxa kala weyn Irir samaale oo ah urur horay Soomaaliya loogu soo burburiyey, Soomaali badan loogu dhibaateeyey Hargaysa iyo Koonfurta Soomaaliya
Erdogan oo u sheegay Sweden inaanay filanin taageerada Turkiga ee xubinimadooda NATO
Istanbul – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay Sweden inaanay filanin in dalkiisu uu taageero dalabkeeda ku aaddan inay xubin ka noqdaan isbahaysiga milateriga ee NATO, ka dib mudaharaadadii toddobaadyadii la soo dhaafy ka dhacay magaalada Stockholm, taas oo ay dhigeen kooxo ka soo horjeeda Islaamka, isla markaana taageersan Kurdiyiinta.
Madaxwey Erdogan ayaa si kulul u weeraray tallaabadii u siyaasiga reer Sweden ee Rasmus Paludan uu ku gubay kitaabka Quraanka ah Sabtidii, isaga oo sheegay inay tahay tallaabo meel ka dhac ku ah cid kasta, gaar ahaan Muslimiinta.
Turkiga ayaa si gaar ah uga cadhooday mas’uuliyiinta Sweden, in ay oggolaadeen in bannaanbaxaasi uu ka dhaco bannaanka safaaradda Turkiga ee Stockholm iyada oo ay “ilaalinayaan” ciidamada ammaanku.
Gubista kitaabka barakeysan ee Quraanka ayaa ka cadhaysiisay guud ahaan shacabka dalka Turkiga, xilli dalalka Sweden iyo Finland ay raadinayaan taageerada Turkiga si ay xubin uga noqdaan isbahaysiga NATO.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale dhaleeceeyey in Sweden ay ogolaatay mudaharaadada kooxaha Kurdiyiinta, gaar ahaan kooxka PKK oo dagaal kula jirta dalka Turkiga. ururka PKK waxaa liiska argagixisada ku daray Turkiga, Maraykanka, Midawga Yurub, hase ahaatee aastamohooda weli lagama mamnuucin dalka Sweden.
Isaga oo daawanaya, oo aan awood lahayn ayaa riyaddii beesha Isaaq ay ku doonayeen dal ay gaar u leeyihiin meesha ka baxday
🛑 Warlord #Bixi, quietly & sadly, watching the end of his wet dream to divide Somalia🇸🇴 to please his whites colonial masters sitting in the perfide Albion of UK… ⬇️ pic.twitter.com/gJNFeitxVe
Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood. Soo dhaweeynta ayaa aheeyd mid aan loo kala harin, iyadoo dadka ay lullayeen callanka Soomaaliyeed, waxaana dabeesha raacay calankii SNMta ay la wareegayeen.
Awalba Isaaq waxaa Laascaanood ku soo hoggaamiyey qaar ka mid ah Dhulbahantaha, maantana waa la iska diiday joogitaanka SNMta. Maanta beesha Isaaq waxeey danta ugu jirtaa ineey guryahooda ku ekaadaan iskana illaawaan wax la yiraahdo Isaaqland, balse hadii ay isku dayaan ineey dagaal ku qaadaan Laascaanood waa mid markaan aan loo kala hari doonin illaa iyo beesha Isaaq ay saaxiga ka keenaan oo ay oggaadaan inaan cidna dhulkeeda xoog lagu sheegan karin.
Horay waxaa loo yiri, “Dawaco meesha ay beer shiilan uga baratay, macalluul ayeey aakhirka uga tagtaa.” Teeda kale kibirka faraha badan ee lala wareegayo waxaa xigi doona, nin sanka taagay sanka oo la jaro ayaa xiggi doonta. Soomaali meel kasta oo ay jooto waxaan leenahay guul, kuwa dalka kala jarayana waxaan u rajeenaynaa guul darro waarta.